Galkii guuldarrada
Shirkii Soomaalida ku dhammaaday Djibouti 9 kii June 2008
Sida Is-bahaysigu hore u sheegay, heshiiskii ay madaxdiisii hore kula galeen
Nairobi habka ku-meel-gaarka ah 4tii Abriil 2008, kuna dhammaaday Djibouti
taariikhada kor ku xussan, wuxuu gunaanadkiisii noqday mid guuldarraystay.Kuwii
shirqoolkaa maleegay, ee shisheeyaha ahaa, uma ay dan lahayn in Soomaaliya nabad
lagu soo dabbaalo. Waxay ujeedeen, oo qur ah, inay wiiqaan halganka xaqa ah ay
Ummaddennu ugu gundatay inay isaga xurayso gumaysiga Xabashida, dalkeeda xoogga
ku qabsaday. Kuwii Is-bahaysiga sheegtay, ballankiisana ka baxay, lana fariistay
kuwii ka socday habka k/m/g, kama ay soo hoyin hal shay, ama hal dhibic oo
tix-gelin mudan, sidaannu hore u saadaalinnay.
Markaa, ma waxaynu ku sifayn karnaa kulankaa shirkii guuldarrada ama guldarradii
shireed?.Labaduba. Arrinta ugu wayn oo" mucaaradku" goobtaa shirka uu keenay
waxay ahayd: ciidammada xabashida ayaan Dalka ka saaraynaa. Qodobkaas oo ay
shacbiga soomaaliyeed, si aan kala joogsi lahayn ugu ballan-qaadeen inay u
xaqiijin doonaan, idaacadaha gudaha iyo dibaddana, 40kii maalmood oo la soo
dhaafayna ay ka faafinayeen, har iyo habeenba, heliddiisana ay yiraahdeen inay
tahay sababta ay Jabuuti Ku-meel-gaarka u hor-fariisanayaan. Maxay se ku
dhammaatay? Taariikhdan kor ku xussan waxay saxiixeen wax ka soo horjeeda waxay
ballan-qaadeen, oo ay faafinayeen oo ah sidatan:
A. Cidammo UN imaatinkooda la hubin
1. Markay yimaaddaan Soomaaliya ciidammo Ummadaha Midoobay[ lama oga waqtiga ay
imanayaan, qaabka, shuruudda ay ku imanayaan, mindhaa 2-3-4 sano gudahood],
habka k/m/g 4 bilood gudahood wuxuu ka codsan karaa dowladda xabashida inay
ciidammadeeda kala baxdo Soomaaliya;
2. Ka bixidda ciidammada Xabashida ee Dalka waxaa u shardi ah in ciidammada UN
ay ku filanyihiin xajinta ammaanka Soomaaliya, go'aankana Xabashida ayaa iska
leh. Dalkan dambe wuxuu go'aasan karaa inuu yiraahdo: "amniga Soomaaliya kuma
aammini karo tirada ciidammaduu UNku keenay, oo raba inay I beddelaan [haddiiba
la helo.] ee soo kordhiya, weli soo kordhiya, haddana soo kordhiya. Sidaana
sabab uga dhigaan muddo-dheeraynta joogitaankooda.
B. Muqaawamada in argagixiso lagu sheego,hubkana laga dhigo
Halgameyaashii ay shalay sheeganayeen inay la jaal yihiin, oo isku mabd'ana
yihiin
manta waa ku ballan-fureen, cadowga inuu ugaarsadona way u saxiixeen.
C. Waxay oggolaadeen, kulana heshiiyeen ku-meel-gaarka inay takooraan, iskana
bar.i yeelaan inta "nabaddan" la kala saxiixday diiddan, ama dagaal sii wadda!
D. Dhabar-kawareenka Is-bahaysiga iyo halganka hubaysan, oo ah natiijada shirkii
Jibuuti
1. Kooxda shirtay waxay sharciyeeyeen joogitaanka ciidammada Xabashida, iyagoo
qaatay aragtidii k/m/g. Ballan laga qaaday, siday sheeganayaan, ee bixinta
Xabashida ma jiro.Mar haddii madaxii k/m/g si caddaan u yiri: annagaa Xabashida
keennay, mana baxayaan, lagamana hadli karo.Sidaa awgeed si bareer ah ayay
go'aankaa ula qaateen Nidaamka Mbagati.Dhinac kale,wada-hadallo loo siman yahay
wax wax ku ool ah, la taaban karo, ayaa la kala beddeshaa, ee ballan maran
cidina lama hooyato. Sidaa awgeed, shirka looma sinnayn, ee wuxuu ahaa mid hal
saf ka kooban,oo isku ujeeddo ah.
[guddoomiyihii hore Isbahaysiga wuxuu Al-Jazeera ka sheegay XASAADKII10ka
bishan: "hadday Itoobiyanku baxayaan maxa loo dagaallamaya? Jawaabtiisu waxay
tahay: " hadday Itoobiyaanku weli joogaan, dagaalkiinna wadaan maxaa loola
dagaallami waayay? Sow Itoobiyaan inaad ka hadashaan laydiima diidin?]
2. Hubka ha la dhigo, dagaalkana ha la joojiyo, waa is-dhiibid sabab lahayn.Mar
haddii cadowgii hubka loo qaatay weli dagaalkii wado, Dhulkiina haysto,
dhibaatooyinkiina ay meeshoodii ka sii socdaan, ma waxaad u bannaynaysaan in
dadka trab-trab loo laayo, Dalkana, inta uu isku fidiyo, loo suurta-geliyo
MUSTACMIRADDA uu raadinayo?. Taana ma dhici doonto haddii Alle yiri, halgankuna
isma dhimi doono.
3. Cambaareeya, oo iska fogeeya kuwa "heshiiskan" diiddan (oo "xag-jirka" ah)
waxaa looga gol leeyahay inay mar dambe ARS ay dib u soo jalleecan, kadabkoodana
goonni u go'o [ bbc/ss nuse saacihii ugu dambeeyay habeenkii Talaadada, 10 June,
wariye Yusuf Xassan wuxuu waydiiyay, madixii ergadii mucaaradku: " waxaad
saxiixdeen inaad cambaaraynaysaan iskana faquuqaysaan inta nabadda diddan.
Sideed arrintan u dhaqan-gelin doontaan"? Wuxuu ku jawaabay: "Anagu waxaan iska
bar'i yeelnay inaan annagu masuul ka ahayn godobta ay kuwaa la yimaaddaan".
Haddaba jawaabtaa inuu bixiyo masuulkii wafdiga ugu horreeyay ma loo qaadan
karaa? Jiha wareerku ma dhab baa mise waa ula kac? Aragtideenna waa ula kac,
wayna ka mid tahay marin-habaabinta abaabulan, aan wax badan soo aragnay, oo
loogu talagalay in dadka waxaan jirin loo sheego.
E. Cawaaqib-xumida qorshahan Jibuuti
Qorshahan Jibuuti lagu farsameeyay waa shirqool looga gol-leeyahay in lagu
maja-xaabiyo xurnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, loona banneeyo in
cadowga Xabashida Dalkeenna wada qabsado.Ujeeddadiisa kale waxay tahay in lagu
kala dhantaalo ARS, oo ah ururka keli ah oo ka soo horjeeda haysashada cadowga
ciiddeenna qaaliga ah. Dadkeenna waa inay ka digtoonaadaan jihawareerinta ay
faafinayaan kuwa aan xil-kaska ahayn, oo had iyo jeer ku andacooda inay Dalka
nabad ku soo dabbaali doonaan, Xabashiduna ay ka saarayaan. Kuwaa xariggoodu
xoolo kuma jiraan,danna kama ay laha nabad iyo colaad toona, iyagoo iskooda
isaga tashaday, oo meesha ka baxay, markay fuliyeen ujeeddooyinkii cadowgu soo
maleegay.
Is-bahaysigayagu [ARS] siduu ugu guntaday difaaca Ciiddeenna Hooyo, wuxuu
ballan-qaadaya inuu wax walba u hurayo in shacbigeenna uu u soo celiyo nabad run
ah oo raagta, xasillooni, sida ugu deg-degsiinnaha badan, isagoo u maraya dhabbe
kasto oo lagu xaqiijin karo himiladaa iyada ah.
Dr. Shariif Saalax Maxamed Cali.
Xubin Golaha dhexe ee ARS
Asmara, Eritrea, 12-06-2008