SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sidii Loogu lisay umay hambaynin

Jh suleiman 13/06/2008

Omane24@yahoo.com Suleiman-jama@hotmail.com

Ka dib markii wadamadii qaarada africa ay iska xayuubiyeen heeryadii gumaysiga Dalka keliya ee gacanta isticmaarka ku hadhay wuxuu ahaa dalka south africa Taasoo qaramada africa u arkayeen inaan africa dhamaan xor ahayn ilaa south africa la xoreeyo.

Riyadaas oo rumowdey sanadkii 1994.

Xukunkii dalkana ay la wareegeen ururkii A.N.C oo uu hogaaminayey NELSON MANDELA.

Taasoo farxad iyo rayrayn ka abuurtay afarta gees ee qaarada. Waxaan tegey dalka south africa markuu sanadku ahaa 1992.

Fursadna waxaan u helay inaan goobjoog ahaa maalintii la dejinayey Calankii midabtakoorka oo lagu bedelay calankii xoriyada.

Maalintaa waxaan xusuustay sheeko in badan la iiga sheekeeyey Kuna saabsanayd maalintii calansaarka beerta xoriyada iyo gabaygii caanka ahaa (KANA SIIB KANA SAAR). Ee uu tiriyey alla haw naxariistee CABDILAHI SULDAAN TIMOCADE.

Mudo dib waxa dalkan soo galay umado badan oo ka yimi aduunka oo dhan Maanta oo ay ka soo wareegtey 14sano maalintii south africa xorowdey. Waxa dhacay dhibaatooyin waaweyn oon cidina filaynin inay dhacaan. Laakiinse dadka u dhuun daloola taariikhda iyo dhaqanka  south africanku Waxay sheegeen inaanay ahayn wax cusub iyo wax lala yaabo midna Colaada dilka iyo dhaca joogtada ah ee lagu hayo dadka ka yimi Qaarada africa iyadoon loo aabe yeelin rag iyo dumar yar iyo weyn. Iyadoo haba yaraatee aanay jirin waxay geysteen dad  ka badan 60 qof Oo naftoodii ku waayey iyo in ka badan 65000 oo la barakiciyey.

Dhacdooyinka ugu naxdinta badnaa waxaa ka mid ahaa dad iyaga oo nool La gubay,waxa kale oo la yaab lahayd video laga duubay  4 nin oo police ah Oo ku soo baxay niman dhawr ah oo dilaya nin aan south african ahayn ka dib markay nimankii arkeen policeka ku soo socda ayey  qunyar U dhaqaaqeen dhinaca kale sidii niman aan waxba geysan.

4tii nin ee policeka ahaa markay dul yimaadeen ninkii dhaawaca ahaa Ayey halkay ka caawin lahaayeen ama ampulance ugu yeedhi lahaayeen Waxay bilaabeen inay korkiisa sheeko ku qabsadaan iyagoo mashquul ku ahaa Mobileladii ay siteen ninkiina halkii ayuu ku nafwaayey. Taas waxaa dheer dhibaatadu waxay gaar u tahay dadka ka yimi africa oo keliya Oo may saamayn ama waxba looma geysan dadka ka yimi dunida inteeda kale.

Arintani waxay i xusuusisey nin la odhan jiray Alfred N’zo  oo ahaa ninkii madoobaa Ee ugu horeeyey  ee noqda wasiirka arimaha debeda  ee south africa Ninkaas  waxa lagu marti qaaday inuu ka soo qayb galo shirkii midowga Africa 1994.

Ninkaas iyo weftigii uu watey waxaa lagu soo dhoweeyey gacmo furan Waxaana laga filayey ninkaasi inuu u mahad naqo dalalkii africanka ahaa ee mudada dheer La garab taagnaa taageeradii hiilka iyo hoodaba lahayd.

Ninkaasi wuxuu jeediyey khudbad u badnayd digniin iyo dardaar werin Wuxuu ku tiiqtiiqsaday inaan africa wax weyn ka sugin dalkiisa. Wuxuu ku celceliyey hadalo u badnaa hadaanu cid wax tarayno Dadkayga ayaa u baahan inaan wax u qabano iwm. Khudbadiisu guud ahaan waxay ahayd midaan meesha qaban. Dad badanina waxay u arkeen inay ceeb iyo weji gabax ku tahay dadka South africa.

Dhawaaqa ninkaa ka soo yeedhayna  waxa aad uga hadlay Nelson Mandela Oo muujiyey sida uu uga xunyahay hadalada ninkaas. Hadaba maanta waxa cad in ninkaasi aanu keli ku ahayn fikradaas Ee ay la wadaagaan south africanka intooda badani.

Madaxweyne Mbeki oo ugu dambeeyey hogaamiyayaashii Nalsom mandela,Govan mbeki,Walter zisulu,Ahmed khadrada Iyo rag badan oo la mid ahaa ayaa hada xiliguu xafiiska hayn lahaa Gebogebo ku dhowdahay,taasoo fursad siin doonta nimanka Ka soo qalin jebiyey xaafadaha laga soo abaabulo xasaradahan Socda inay xukunka dalka la wareegi  doonaan. Kooxdaas waxa hormuud u ah Jacob zuma oo ku eedaysan loona Haysto dembiyo dhawr ah oo ay ka mid yihiin kufsi iyo xatooyo Markaa miyaan la odhan karin .

(South africanku sidii loogu lisay umay hambaynin). Sooyaalka taariikhduna waxay qoraysaa: 1.south africa waa dalkii ugu dambeeyey ee laga xoreeyo heeryada gumaysiga Iyadoo africa oo dhami taageerayso markay keli ahaantood ku guuldaraysteen

2.waa dalka keliya ee africanka ah ee ay ka suurto gashay in laga abuuro Xukun midabtakoor ah dadkooduna ogolaadeen  inay ku noolaadaan xeryo loo ooday

3.waa dalka keliya ee ay qabsadeen 82nin iyo 8 dumar ah oo dooni ku yimi iyadoon cidina Qori ku tuurin,dabadeedna ka dhaadhiciyey buugaagta taariikhdana ugu qoray in dhulka south africa ahaa dhul banaan oo aan cidi joogin marka laga reebo dhawr qof oo( bushman ah).

Waa dad miskaha ku xidha harag oo dabato ah kuna nool saxaraha kalahari.

5.waa dadka keliya ee ninkii ugu maahmaahay(General Verwoerd) wax kasta oo ilaahay abuuray markaan arko aad ayey ii cajebiyaan laakiinse waxaan layaabaa sababta ilaahay u abuuray(Kafir) Qofka madow iyo cudurka lo’da laaya (Dabakaruub),welina ku faraxsan inay ugu yeedhaan ninkaas iyo tafiirtii uu ka tegey(Boss).

5.lamana odhan karo sababta cadaanka tirada yari u qabsadeen south africa inay tahay meel ka  Dhul wanaagsan ama ka barwaaqo badan africada kale balse waxaan odhan karnaa Ishoodaa laga arkay oo ushoodii baa lagu tumay. 

Jh suleiman 13/06/2008

Omane24@yahoo.com Suleiman-jama@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS