SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

WARSAXAAFADEED JAWAAB U AH SHIRKII SHIRQOOLKA EE JABUUTI

Isbahaysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliyeed oo la aasaasay bishii September 2007,Ujeedada ugu wayn oo loo aas aasayna ay ahayd xoreynta Dalka laga xoreeyo gumaysiga Xabashida iyo kalkaaliyaashiisa.Kadib markii isbahaysigu ku guulaystay isagoo kaashanaya shacabka soomaaliyeed iyo muqaawamadiisa inuu ka xoreeyo gumaysiga wadanka qabsaday, lana ogaadey  inuu dalka ka xoreeyay in kabadan 90% ayaa waxaa soo shaac baxay shirqool loo dhigayo shacabka soomaaliyeed iyo muqaawamadiisa oo lagu wiiqayo guulaha aan horey u soo sheegnay ee la gaaray.

Sidaa darted markaan  aragnay arimahaas waxaan go’aan ku gaarnay inaan shacabka Soomaaliyeed u cadayno mowqifkayaga inagoo ku cadaynayna  qodobadaan soo socda.

  1. Waxaan cadaynaynaa in shirqoolka jabuuti  uu xoojinayo joogitaanka ciidamada gumaysiga Ethiopia qodobka 7aad farqadiisa B eena oranaysa in 120 cisho gudohood in dowlada ku meelgaarka ah eey warsanayso Ethiopia in go’aankeedii hore ay qaadatay ee ahaa in marka ciidamo UN ah oo dhamaystiran markay yimaadaan soomaaliya in markaas ka dib Ethiopia baxayso sidaa darted  qodabkaas saas u yaalo ay saxiixeen mas’uuliyiinta sheeganaya ARS inay tahay shirqool qaa’inimo ah oo lagu sharciyeeynayo joogitaanka gumaysiga Ethiopia loona xilsaaray kuwa dabadhilifka u ah gumaysiga saas darted  kama nahin qayb wax walba oo go’aan ah oo ka soo baxa shirqoolkaa jabuuti,Sababahaan oowgooda-Waxa uu ka soo horjeedaa mabaadiidii loo aasaasay isbaysiga taasoo ugu muhiimsanayd xoreynta dalka.b-Ka qayb galayaasha  shirqoolkaa waxay ku tunteen qawaaniintii isbahaysiga taas oon ku cadaynayno inaysan matalin isbahaysiga oo ay ku joogaan magaciisa.
  1. Ma ogolaanayno mana dhici doonto wax loogu yeero xabad joojin aan la galno gumaysiga xabashida iyo gumaysi kalkaalka.
  2. Ma ogolaan doono wax loogu yeero ciidamo UN, sababtoo ah horey ayaa loo soo arkay ciidamo UNTAF iyo UNSOM 1993tii, marka  shacabka soomaaliyeeed waa isaga filan yahay nabadgelyadiisa hadii laga saaro gumaysiga dalka taas ooy marqaati uga tahay 6 bilood oy jireen maxkamadaha. Iyo hada gobolada gacanta ku hayaan.
  1. Waxaa nasiib daro ah iyadoon kor ku soo sheegnay inay socdaan shirqooladaas hadana in shacabkii loo gaysto duqayn, barakicin,xasuuq,hadana hoteeelada ugu waawayn jabuuti lala dego Gabre iyo dabadhilifyadiisa.
  1. Mar labaad hadana waan cadaynaynaa in dadka ka qayb qaatay shirqoolkaas aysan matalin shacabka soomaaliyeed iyo Isbahaysigaba.
  1. Waxaan umada soomaaliyeed iyo muqawamada ugu baaqaynaa inay labanlabaan halganka ay wadanka uga xoreynayaan iyo dabadhilifyadiisa ayna adkeeyaan midnimadooda.
  1. Waxaan dowladaha nabada jecel ee aduunka ugu baaqaynaa inay gacan naga siiyaan sidaan dalkeena uga xoreyn lahayn gumaysiga iyo gumaysi kalkaalka ku soo duulay.
  1. Isbaysiga Dib –u-Xoreynta soomaaliyeed waxa uu mar labaad u balan qaadayaa shacabka soomaaliyeed inuusan kaleexan doonin wadadiisii raadinta xoriyada,qaranimada iyo midnimada soomaaliyeed uuna difaacayo sharaftooda, diintooda, dalkooda iyo karaamadooda  intaba.   Inaysan waxba u dhimi doonin mabaadiidii iyo hadafkii isbahaysiga loo aasaasay,  dhowr qof oo damac iyo dano qaas u ah kuna  bedeshay xorayadii umada soomaaliyeed kuraas eey lawadaagaan  cadowga soomaaliyeed.
Wabilaahi towfiiq

Xaafiiska G/Xigeenka Koowaad  ARS

ZAKARIE MOHAMUD HAGI ABDI

ASMARA 10-JUNE-2007

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS