SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

 BAAQ TAAGEERO AH

Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Canada Oo Ayidey Heshiiskii Ay Dalka Jabuuti Ku Gareen Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Isbahaysiga Dib U Xoraynta Soomaaliyeed

Waxgarad ka tirsan Jaaliyadaha Soomaaliyeed oo ku-kala nool Gobolada Dalka "Canada" ayaa cod taageero ah ku biiriyey Heshiiskii dalka Jibuuti ay ku gaareen DFKM ah iyo Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed ka dib markii khadka isgaarsiinta ku-kala warqaateen

Waxgaradkaan ayaa cod dheer ku muujiyey taageerada u hayaan heshiiskaas nabadeed oo ka dhacay wadanka walaalahanahay ee reer jibuuti ayagoo mahad balaaran u soo jeediyey Shacabka Reer Jibuuti iyo Madaxweynahooda Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo ku timaamey inuu yahay Shaqsi baal dahab ah ka galey Taariikhda Soomaaliya

Waxgaradkaan ayaa sidoo kale u mahad celiyey Wakiilka Xoghayaha QM u Qaabilsan Soomaaliya Mudane Axmadu walad Cabdalla oo runtii u muujiyey Ummadda Soomaaliyeed wax la ilaabi karin oo lagu xasuusan doono iyo dhamaan wadamadii kale oo ka geystey hashiiskaas inuu qabsoomo

kulankaas oo khadka isgaarsiinta ahaa ayaa lagu sheegey Hashiiskaas inuu yahay mid taariikhi ah oo u horseedi karo ummadda mid lagu diirsado waxeyna u mahad celiyeen Dowladda FKM ah oo ugu Horeeyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo RW Nuur Cade iyo Madaxda Isbaheysiga oo ugu Horeeyo Gudoomiyaha Fulinta Sh. Shariif iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe Shariif Xasan Sh.Adan iyo dhamaan Xubnihii kala hadaba Labada dhinac ee heshiiska saxiixay ayaa u soo jeedineynaa iney ixtiraamaan, ilaaliyaanna qodobadii heshiiska si loo dhameeyo dhibaatada taagan

Uga dambeyntii ayaa lagu soo xirey taageeradaan "ALLAH BARIGA AAD KA DHARGI DOONTO WAXAA LAGA GARTAA AGAASINKIISA" waxaa ku kolsoonahay inuu guuleysan doono heshiiskaan mar hadii ay horkacayaan mas'uuliyiin shacabka soomaaliyeed aaminsan-yihiin


wabillaahi towfiiq

BY X.Maxamoud
moalinm2us@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS