SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

MACHAD BARASHADA CALUUNTA ISLAAMIGA AH OO BOORAMA LAGA FURAY.

Boorama[jam]Machad lagu baran doono culuunta islaamiga ah iyo luqada carabiga oo muddo sadex sano ah lagu qaadan doono heerka diblomada ah ayaa shalay si rasmi ah looga furay magaalada Boorama.

Machadkan oo loogu magac daray magaalada qadiimiga ah ee S aylac oo leh taariikh iyo xadaarad fog isla markaana ahayd goobihii ugu mihiimsanaa ee saldhiga u ahaa islaamka iyo fidinta dacwada shareecada waxaanay sheegeen aas aasayaasha machadkan Saylac oo noqon doona kii u horeeyay noociisa ee magaalada laga aas aaso inay u door bideen magacan maadama ay mihiim tahay in la is waafajiyo ama xidhiidh ka dhexeeyo magaca iyo goobta loo bixinayo Saylacna dalka iyo geeska Africaba oo dhan ay tahay goobta goobta ugu taariikh fog dhinaca islaamka iyo xadaarada kaleba.

Aas aasaha isla markaana ah madaxa machadkan culuunta ee Saylam Sheekh Xasan Khayre Dirir oo ka hadlayay waxyaabaha ku dhaliyay inay machadkan aas aasaan waxa uu sheegay inay dareemeen baahi weyn oo loo qabo dhinaca daraasaadka islaamiga ah oo aad moodo inuu meeqaamkoodii aad u hooseeyo marka loo eego waxbarsahada maadiga ah oo dalka aad ugu faaftay, waxa uu sheegay in inkasta oo ay jiraan madaaris taxfiidka quraanka ah iyo duruus masaajidada ka baxda iyo wacyigalino kale balse ay dhamaantood yihiin qaar aan habaysnayn oo ay dhacdo in kutubtii uu hore ula socday maahee mid kale ku soo dul dhoco ka dibna uu qofku garan waayo meel uu kaga hagaago ama meel uu waxbarashadiisii ka sii wato, si taa looga baxo loona helo waxbarashada akadamiga ah ee nidaamsan awgeed ay u goosteen aas aaska machadkan daraasaadka iyo luqada carabiga oo iyana fure u ah barashada cilmiga shareecada imikana hoos u dhac weyni ka muuqdo iyada oo machadkan uu sheegay inay wax ka bixin doonaan macalimiin aqoon sare leh soona saari doono arday tayadoodu dhisan tahay iyada oo shahaada heerka diblomadu ay ka caawin doonto ardayda go,aansata inay aqoontooda ku soo kordhistaan jaamacada duwalka islaamka iyo caalamka kaleba.

Isaga oo ka hadlayay ujeedooyinka machadkan waxa uu yidhi" waa in la faafiyo daraasaadka iyo culuunta sharciga islaamiga si loo soo saaro arday ku hubaysan dhaqan wanaagsan iyo shareecada islaamka oo isku taaga faafinta iyo wacdiga islaamka buuxiyana kaalinta culimada, dad aqoon yahan ah oo wax lagu aamini karo oo umadooda jahliga ka saari kara kuna dabaali kara dariiqa wanaagsan, mana noqon doono machadkani mid mucaaradad ku ah ama ka hor imanaya nidaamka iyo mu,asasaadka tacliimiga ah ee dalka ka jira balse waxbuu la qabsan doonaa waxaanan diyaar u nahay in loo sameeyo gudi cidwalba ka koobaan culimo,salaadiin iyo aqoonyahanba oo anagu fikradii keenee nala taabo galiya"

Gudoomiyaha maxkamada degmada Boorama Sh C/raxmaan Cilmi oo halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay culimada aas aastay machadkan iyo magaca Saylac EE loo bixIYAY oo UU ShEEGAY INUU AAd U FArxaD GAliyay MAAdaaMA ay aHAYd xarun islaami ah oo xadaarad xog isla markaana ay diinta islaamku soo gaadhay iyada oo aan gaadhin magaalada madiina ka dib markii ay qaar ka mid ah saxaabadii rasuulka[NNKHA] hijriyadii u horaysay ee ay u baxaan meeshii ay ka soo dageen ay ahayd Saylac oo islaamka ka horna taariikh fog lahayd sida boqortooyadii xayfa oo afrikada bari maamuli jirtay,abraha oo ay ka mid ahayd dhulkii ardul xabash,Najaashi oo ka dambeeyay, culimadii, xufaadii iyo ragii qoray buugaagta diiniga ah ee islaamka loogu kalsoonida badan yahay sida Jamaaludiin Abaa Yuusuf,Axmed Binu Al Asqalaali, Sh Hidaaya iyo culimo kale oo tiro badan, sidaa awgeedna waxa uu u soo jeediyay culimada Mahcadkan culuunta ee Saylac aas aasay inay isku dayaan sidii ay u soo ururin lahaayeen xadaaradii islaamiga ee Saylac iyo taariikhda qadiimka ah ee ku duugnayd, isaga oo u rajeeyay ardayda ka soo bixi doonta machadkani inay noqdaan dad aqoonta diinta ka dhisan umadooda iyo diintoodana ku anfaca si la mid ah culimadii Saylac ee ka tagay dhaxalkaa islaamiga ah gaadhsiiyana meel ka saraysa darajadii ay kaga tageen.

Dr Maxamed Cali oo ka socday kuliyada shareecada ee Jaamacada Camuud ayaa isna soo dhaweeyay kuna hambalyeeyay culimada aas aastay machadkan Saylac oo uu ku sifeeyay mid si weyn loogu baahnaa maadama ay dalka aad ugu yar yihiin goobaha culuunta sharciga marka loo eego kuwa maadiga ah oo tartan iyo muquunin xoog leh kula jira, waxaanu carabka ku adkeeyay inuu filayo in machadkani keeni doono faaiidooyin badan, bilow iyo ku dayashana uu noqon doono sidii loo abuuri lahaa machadyo noocan oo kale ah, maadaama dhinaca maadiga gobolkan lagu tiriyo kuwa ugu horeeya oo jaamacada camuudna maanta meelwalba looga yiimaado caalamkana la isku raacay in umada aqoonta leh oo kaliyi ay umadaha kalena hogaamin doonto sidaa awgeedmna loo baahan yahay in kor loo qaado culuunta daraasaadka islaamiga oo ah ta kaliya ee maanta aduunka bad baadin karta soona saari karta umad umad akhlaaq ahaan iyo diin ahaanba dhisan.

Sh Xasan Deheeye jimciyada khayriyada ee Awdal[Awdal charity] ayaa isna soo dhaweeyay machadkan cusub ee Saylac oo uu sheegay inuu wax weyn ka tarayo aqoonta diiniga ah iyo luqada carabiga oo sheegay inay hada halkii u hoosaysay marayso loona baahan yahay in kor loo qaado, waxa kale oo uu ka waramay xadaaradihii duwalkii islaamka oo uu sheegay in aqoontii iyo cilmigii ay soo saareen inay maanta ka faaiidaysteen dalalka reer galbeedka oo bililqaystay, islaamka iyo luqada carabigana u cadaadinaya iyaga oo ka baqaya inay soo baxdo dawlad islaami ah oo quwad leh, waxa kale oo uu sheekhu soo jeediyay in loo hawlaglo sidii machahadan loo balaadhin lahaa kuwo kalena loo abuuri lahaa si marlabaad umada qiyamkeeda iyo akhlaaqdeeda loo dhiso.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay X.Daahir Awcilmi, Suldaan C/raxmaan Dhawal, Axmed Sh Jbriil oo ka socday Jimciyada Alwafa khayriya, X. Amed Miisaan iyo Maxamed Muuse Budin oo ka socday xafiiska waxbarashada gobolka waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen aas aaska machadkan culuunta iyo luqada ee Saylac, iyaga oo balan qaaday waxkasta oo awoodooda ah inay ku taageei doonaan sidii uu machadkani u taabo gali lahaaa.

cabdiraxmaan maxamad habane
habane777@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS