SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

QIRASHOOYIN SOO HOR DHACAY

Oday beeldaaja baa degmadii uu joogay waxaa gudoomiye looga soo dhigay nin habeenkiina qayila maalintiina jiifa xilli abaar ahna waa lagu jiray maalintii danbe ayaa Xuseen Kulmiye madaxwayne ku xigeenkii xilligi kacaanku dagmadii yimid markaasu ku yiri duqowdii baladka warama , oday ka mid ayaa yiri’ Anagoo iska liidana ayaa kuwa iska sii liita madax nooga soo dhigeen markaas baan isla wada liidana’hadda go,aamadda ka soo baxay shirka Jabuuti iyagoo awalba nuxur ahaan liitay ayaa hadana Mareykan iyo Itoobiya madaxda hirgalintooda laga sugayo ahaayeen, bal eeg siday u hadleen.

Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka Sean Mccook waxuu yiri waan soo dhawaynaya shirka Jabuuti waxuuse ka gaabsadey inuu cayimo xilliga Itoobiya ay baxeyso ama uu ka hadlo bixitaankooda, ka rog oo laba saare T.Vga ku hadla codka dowladda Itoobiya waxuu yiri shirka saddex qodob ayaa ka soo baxday tan koowaad oo ah in ciidamadda Itoobiya aysan waligood ka bixin Soomaaliya, tan labaad in argagixisadda lala wada dagaalamo iyo tan saddexaad oo ah in la taageero dowladda ku meel gaarka.

Ogaabey U.N ma ahan hay,ad dhaqaalo ahaan iyo siyaaso ahaan qaadan karta go,aan Mareykan la,aantiis tiiyoo aysanba kuba jirin Soomaliya oo ah dalka uu Mareykan Itoobiya ku soo fasaxay markuu rabana kor u ka duqeeyo, xanta laga helayo dadka u dhaga daloola qorshayaasha Mareykan ee Soomaliya ku wajahani waxay sheegayan in Mareykan heshiiskan laba qodob kali ah ka danaynayo tan koowaad oo ah ciidanka UN iyo tan labaad oo ah kala jabka Asmara, xogtani waxay intaas ku dareysaa in uu haatan Mareykan bilaabay inuu uruuriyo ilaa 220 qof oo uu doonayo inuu shir u qabto marka xilliga xerta C/laahi gaban gabo yahay waxuuna doonaaya ciidankkaas UN inuu u isticmaalo xukuumadas inta ka horaysana katarabiil ay u sii ahaadan ciidanka Itoobiya iyo magac u yaalka maato layska ee magaca dowlo sheegta, tan Itoobiyana faalo iyo faaqido ka bixin ma leh oo waa meelaan rabay roob igu cayri ansixintii xaaranta ahayd ee C/laahi ayaa mid qudba siraa rag loo xil hayey ugu dareen Hadraawi baa siinlay uu tiriyey waxaa ku jiray’ Rag siyaasi wada noqay wada furay silsiladaha ‘ shanta nin ee wax saxiixday iyo shanta geed fadhiga u ah qaanadii muqaawamo ku hadalkeeda ku fiicnaayen markii mowjaddaha siyaaso qaaraji la galay daadka qaadey halgankii umadana waa dhabar jabiyeen iyana waa iska karaamo tireen towbaduse waa furan tahay.

Sheekh Shariif oo wareysi siiyey Aljazeera waxuu ku baaqay in shirka la taageero, isagoo xusay in shirka gudaha laga taageersan yahay , waxaase aan la yaabay wareysiga waxaa ku jirtay sheekha oo leh waa in la sii wada muqaawamadda hubaysan ee looga saarayo ciidanka Itoobiya dalka sow taasi jabin mayso qodobkii xabad joojinta ee uu saxiixay , Cumar Idris oo ergada Asmara uga qayb gashay shirka ka mid ah runtiina ah nin aan si wayn ugu xilhayo oo isna wareysi siiyey websaydka Goob Joog waxuu yiri’ xabad joojinta macnaceedu ma ahan hubka ha la dhigo laakiin waa ha la sugo mudada xabad joojinta haddii waqtiga ciidanka loo qabtay ay ku bixi waayana dagaalka ha la wado’ inkastoo ku taagnaanshaha heshiiska uu Idiris uga saxsan yahay sheekha hadana saddex meeloodba waa ka hor imaanaysa rayigiisa tan hore cadowgu dhulka waa isku faafinaya hadaan xabadda lala hor taagnayn, tan labaad ciidanka muqaawamo mid dowli ah maahan oo xerooyin ku xaroonaya ee ninba cidiisi meeshay jirtuu aadi haddii la yiraa dagaal dhamaa, tan saddexaad isaga wax saxiixay laf ahaantiisa shaki ku jiraa waayo war nin wayni ma noqdo haddii iyo haddii, ee waxaa u qumanyad inuu yiraa anaa hubee ha la joojiyo xabadda, si kastaba ha ahaatee beel ka mid ah beelaha waqooyiga dagaa hadda ka hor qabaal ku diriray, markaas loo tiriyey gabay ay ku jirtay ‘ kasi waaye waxuu waa qabaal waadna kabataane’hadda ragga Jabuuti talada isbahaysiga ula cararay qabaalkii oo kale ku tageen, waxaanse sugayna ragga Sheekhu u horeeya waxa ay ka yeeli doonaan marka cullimadda islaamku ay iftooto waxa islaamku ka qabo go,aanka ay qaateen.

Gabagabadii ma is tiri C/laahi Yuusuf baa run ka sheegay shirka mar uu joogay shirkii qaramadda midoobay oo la yiri shirka Jabuuti ka waran waxuu yiri’ horta Itoobiya biximayso, ra,isul wasaaraha iyo ra,isul barlamanka lagama hadli karo’ waxaa intaas wehliya weli C/laahi natiijadda shirka kama hadal tiiyoo ay u wehliso inuu u gurya noqday xarunta laga xukumo ee Addis oo uu manta u kicitimay, shirku waxuu ahaa shumac ay la ordayeen Nuur Cadde iyo Axmed Cabdisalaan waxaana si aan mug siyaaso ku fadhin ula qaatey raggi xertooda talada kala soo dhuuntay ee laba Shariif u horeeyen, dib u xasuuso markii C/laahi iyo Geedi xilka qaadistii ay codad barlaman isku mari waayeen amarka Geedi lagu riday waxaa siiyey Mareykan iyo Itoobiya, kulli tabcane waxaa ugu xog fog kaabo tabcanyaasha oo ah C/laahi, wararka Itoobiya iyo Mareykan ka soo baxay marka lagu daro arrintu waa halkii Soomaali uga mahmaahdey sader muuqda su,aal ka dhan ee fadlan ragga Jabuuti saxiixayoow qaladkiii aad halganka ka gasheen ha ku darinina iibgaynta waxaan gadmayn.

WQ CAANAGEEL
caanageel@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS