SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sheekh Shariif ma ilduufay?

Dad badan ayaa is weydiinaya su'aalo waaqici ah oo aan meel loo maro lahayn ka
jawaabidooda, haba carabka ku qaloociyaan shariifka warka quruxda badan Alle
haybada u siiyay.

Su'aalahaan ayaa ah:


* shariifku ma iloobay xasuuqi shacabka?
* ma iloobay culamadii la gowracay?
* ma iloobay dhalaankii dugsi qur'aanka ee siidii ugaartii loogu shabaaxay?
* ma iloobay balantii shariifka "gorila war daba dheerada ayaan galayna"
* ma iloobay...... ma iloobay... ma iloobay???????

Maya..... maya.... maya, shariifku wax ma iloobo ee waxbuu maldahaaa.
Hadaba taariikhdu waa marag ma doonto, nina ma diido nina ma doonto runbay dacal ku haysaa.

Sheekh shariif markii la doogtay iyo markii la dacarodayba marna
niyadiisa ku ma soo dhicin inuu gato diintiisa iyo dalkiisa toona sida lagu
yaqaan dadka imaanku afka ka galay ee markii soorta dhulka loogu tuuro ciidda ka
jafjafta.

Maaha nin ku shaqaysta qabyaaladada halakaysay soomali oo idil. Dib u eeg
markii reer tolkiis ku edeyeen in uu u adeego qabiilo dano gaar wata, ileen
qabiil waxaa ka hadla ninkii qabiil ku ugaarta, Qofkastoo wanaagsan xumaan looma
waayo waxay ku magacaabeen shariifka la soo ganay. Bal eeg cartoonkii Amin Camir ee uu Dameerka ka dhigay sheekha ee uu sharaf dhac anshax xun ku sameeyay taas oo markaa ka turjumaysay caqliga maangaabka qabiilka ku adeegta.

Sheekh shariif waa nin dulqaad badan oo aan la laba kaclayn hadii uu dareemo
in meesha uu wax u wada aan loo wadanin. Balxusuuso 6 bilood ee loogu magac daray '60 sano ka khayr badan' shariifka waxaa ka hos kacay dhalaan ku miyirsaday
cimaaamd iyo jeedal aan naxariis lahayn, aroos farxadeed burburin aan lahayn
diin loo cuskado, hanti shacab dab qabadsiin, haween uur leh jeedal ku garaacid
iyo waxaad rabto samee haddad dhalinyartahay diinta dhawaan gal kutahay.

Intaas oo qadaf ah sheekhu waa la aamusay bal inaan howshaan ugubka ah aan la isku qabqabsan sidii tii danley oo kale oo qabiilkastaa dantiisa ka dhex raadiniyo.


Haddii aad u malaynayso in shariifku owbidaar ($) lagu salaamay sidaasna uu ku
badalmay bal taariikhda dib u eeg. Markii cadowga injirta leh hantiyay
dalkeena Muslim iyo gaalba waxay ku tashadeen in shariifka maankiisa la badalo
dhagahan looga shubay waxaad tahay qunyar socod ayaguna waa mintid ee wax nala qaybso adiga ayaan madax kaa dhigaynaa, waa sida lagu sirto iimaan laawayaasha,
Bal Geedi dib u milicso waxaa lagu yiri sanadka danba adiga ayaa madaxweyne ah
sidaas ayuuna ku tanaasulay.

Hadadaba aan nuxurka dib ugu laabtee waxaa marag ma doonto ah in Sheekhu
qalinka ku duugay heshiis ku sheeg ka qaraar badan dhuunkaal balse uu gar u
yeeshay arinkaas inuu ku dhiirado. Shariifka waxaa la dhihi karaa dhowr arimood
ayuu uga gol leeyahay heshiis ku sheegaan:

1) Shacabkeenii oo aduunku ku fiirsanyo gumaadka Xabashida arxanka daran
indhahooda ku soo jeediyo aduunka bal si ay u diirnaxan amaba yiraahdaan "what
hell is going on!". Taasna guul ayuu ku gaaray mar hadii u la fadhiistay ergadii
security council-ka una riyaaqeen arigtidiisa fog ee xal u helida dalka.

2) inuu ka soo saaray cariish mugdi ah siyaasadii isbahaysiga aduunkana
gaarsiiyay magacooda oo asluub leh.


3) in mar haddii xabashidu 2 sano gumaad joogta ku hayso xoogna lagu saari waayo
inuu xeelad kale ku dayo aduunkuna marqaati ka noqdo.

4) inuu ka hortagay in C/laahi Yusuf markale malakumowd 5 sana kale soo taagan ku noqdo ummadda soomaali.

5) inay dhamaatay beenti xabashidu owrka ku kacsanjirtay ee urur Zanawe EGAD.


Gabagaddii waxaa hubaal ah in sheekh Shariif yahay halyay u soo baxay umadda soomaaliyeed shanteeda geesood. Sheekh Shariif ma aqbalaayo in masiirka umaddan tabaryar Abu Mansuur ku rido abeeso afkeed, Indhacadana boholo u qodo shacabkaan aan haraadku dayn.

Shariifkow Alle ha ku grab galo walaadan dadkaada iyo diintaada siisanayn soor quureed. Ogow nin ku jecel ayaa ku nici, mid neceb ayaa kujeclaan aragtidaadu ha salaysnaato diinkaakaaga xeeladna haka marnaan.

waxaa qalinka ku duugay

Liibaan Ali
liibaan555@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS