SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qaxootinimo iyo Qoomamayn - dhacdo la-yaab leh...!!

Koox Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo uu maan-qaaday u tahriibidda dalka Sacuudiga, ayaa iyaga oo markaas ku sugnaa magaalada Cadan ee dalka Yemen, oo ay Qaxooti ku ahaayeen, waxaa ay heshiis la galeen nin "Ma-naxe" ah oo lagu yiqiin xagga wax-tahriibinta.

Ninkan ayaa waxaa uu ogaaday, yaqiinsadayna: in ay kooxdani dhammaantood yihiin kuwa il-duufsan, ku cusub dalka Yemen, anna fikrad ka heysan fogaanta(masaafo) ay isu jiraan Cadan oo Yemen ah iyo Jidda oo Sacuudiga ku taalla. Waxay kooxdu iska ahaayeen "Reer-baadiye" Soomaaliyeed oo mar-dhoof ah, laakinse Xoolo badan soo iibsaday, watana Lacag lixaad leh oo Doollar ah.

Ninkii wax-tahriibinayay, ayaa si ku-meel gaar ah u dejiyay dhallinyarada Xaafad fog oo duleedka Cadan ku taalla, si ayan xiriir ula yeelan Soomaalida kale. Wuxuu kula heshiiyay lacag dhan 2500-Doollar, waayo waxay tiradoodu ahayd 10-ruux, oo uu midkiiba bixinayo 250$ oo min Cadan ilaa Jidda ah.

Goor ay saqdii dhexe ahayd, ayuu u soo kireeyay Bas 12-qaad ah(Caasi), wuxuuna ka soo dhaqaajiyay Cadan. Qaab farsamaysan oo uu yiqiin ayuu ku soo gudbiyay Kontoroollada Magaalooyinka. Habeenkii labaad, goor ay haddana saqdii dhexe ahayd ayuu keenay, kuna daadiyay magaalada Xudeyda ee Xeebta Badda Cas, Galbeedka Sanca ee isla dalka Yemen ah.Wuxuuse u sheegay dhallinyarada in magaalada ay soo caga-dhigteen ay tahay Jidda oo Sacuudiga ah.

Wuxuu u kireeyay oo seexiyay dhallinyaradii Lukaando ku taalla duleedka magaalada,wuxuuna ku yiri:-"Magaaladu waa halis habeennadii, ee markii uu waagu baryo, qof kasta ha ka baxo Lukaandada oo ha raadsado Eheladiisa".

Isagu wuxuu gacanta ku dhigay oo jeebka ku ritay lacagihii lagu heshiiyay oo 2500-Doollar ahayd, magaaladiisuuna dhinaca ka galay,waayo Soomaalida ayaa tiraahda:-"Ishiisa laga garte ayaa Ushiisa lagu dilaa"...!!.

Markii uu Waagii baryay ayay dhallinyaradii ka soo tooseen Lukaandadii. Waxay isu soo raaceen laba-laba; iyaga oo soo abbaaray dhanka Suuqa. Waxay istaageen faras-magaalaha, waxayna -iyaga oo ku hadlayay carabi jajab ah- dadkii weydiiyeen halka ay ku taallo Xaafadda Km.7 ee ay Soomaalidu ku badan yihiin...!!.

Dadkii reer Xudeyda oo yaabay, ayaa u sheegay dhalinyaradii habowsanayd, in ayan Xudeydaba ku oollin Xaafad lagu magacaabo Km.7, balse Xaafadda magacaas wadata ay ku taallo Jidda oo Sacuudiga ah.

Dhallinyaradii oo isla quman ayaa weydiiyay dadka Su'aal ahayd:-" Halkaan Jidda ma aha miyaa ?!!". Waxaa loogu jawaabay:-" Jidda waa Sacuudiga, halkaad joogtaanna waa Xudeyda oo dalka Yemen ah".

Intii ay iyaga oo qoomamaynaya iska daba wareegayeen, ayaa waxaa gacanta ku dhigay Booliska magaalada, dhowr maalmood oo ay xabsiga ku jireen ka-dibna waxaa lagu soo celiyay Cadan.

Waxay raadiyeen ninkii lacagta ka qaatay ee wax-tahriibiyaha ahaa, waxaase loo sheegay in uu u dhoofay xagga Yurub. Ma aysan aqoon magaciisa oo buuxa, wax aqoonsi ahna kama ay heynin. Soomaaliduna waxaa ay ku maahmaahaan:-"Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa". Waxaa kale oo la yiraahdaa:-"Dhar- magaalo si loo labisto waa fududdahay, laakin dhal-magaalo si loo noqdo waa ay adag-tahay"...!!.

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS