SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho oo raashinka WFP u isticmaalaya arrimo Siyaasadeed

Dadka Soomaaliyeed  oo ciidamada Itoobiya uga bartey Madaafiic ay ku garaacaan iyo dagaal joogto ah ayaa maalmahan bilaabey in aragtidaas wax ka badelaan waxayna bilaabeen in ay raashin u qaybiyaan dadka ku waxyeeloobey Dagaalada socdey muddo sannad iyo bar

Minneapolis, USA: A focus on college at Somali Education Night  

Inkastoo inta badan ay diideen dadka qaadashada deeqdaas ayaa hadana dadkii qaatey waxay diideen in laga qaado sawiro waxaase dhacdey in sawiro tuugo ah ama si qarsoon  looga qaado

Sarkaal u Hadley ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in lacagta raaashinka lagu soo gadey ay bixiyeen Ciidamada Itoobiya ka dib markii ay xoogaa mushaarkooda ay ka jareen

      “Waxaan la qaybsaneynaa shacabka dhibaatada gaartey mana dooneno in aan meel cidlo ah uga tago”ayuu yiri Sarkaalkaas oo sheegay in dadka soomaaliyeed ay dhibaateeyeen kuwa aan dooneyn in soomaaliya hesho Dowlad iyo Nabad

Gudoomiyaha Dhaqanka ee beelaha Hawiye Mudane Maxamed Xasan Xaad ayaa Raashinka ay bixinayaan ciidamada Itoobiya ku tilmaamey kuwa sumeysan”Markii ay ku laayeen Madaafiic ayey hadana doonayaan in wxii ka harey ku dilaan sun” ayuu yiri Mudane Xaad oo shacabka ugu baaqey in ay ka digtoonaadaan suntaas wuxuu intaa raaciyey “Soomaalida waxay tiraahdaa “Nin ku diley har kuuma jiido” marka anagga iyo Itoobiya naga ma dhaxayso wax isa siin”

      Qaar ka mid ah bulshada ayaa aaminsan in Raashinka ay bixiyaan Ciidamada Itoobiya ay tahay kuwo laqa soo qaadey Bakhaarada Hayada cuntada ee Qaramada Midoobey WFP ku leedahay Magaalada Muqdisho kuwaas ay sheegeen in ciidamada Itoobiya u isticmaalaan siyaasad ahaan si ay u badalaan waxa ay shacabka aaminsan yihiin waxaana qorshahaan ka soo shaqeeyey Maamulka Gobolka Banaadir oo iyaga qaba in Ciidamada Itoobiya iyo dad Soomaaliyeed ay walaalo yihiin

Kabtan Haashim oo taliye ka ah Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Warshada Baastada ayaa si kulul u beeniyey in Raashinkan ay ka soo qaadeen Hayadda WFP wuxuu sheegay in Raashinkaas ay ka soo gaadeen Suuqa Bakaarah ka dib markii dadkii ay siisey Hayada WFP ay dib u soo geliyeen Suuqa si ay u helaan xoogaa lacag

      Sarkaalkan ayaa sheegey in ay sii wadayaan gacan siinta shacabka soomaaliyeed hase yeeshee shacabka ayaa inta badan ka soo horjeeda gargaarka ay bixinayaan ciidamada Itoobiya iyagoo sheegay in deeqdaas ay leedahay Hayadda WFP oo iyadu aan weli ka hadlin Gargaarkooda oo loo isticmaalaya arrimo siyaasadeed

      Kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan weerar ku qaadey goobo ay ciidamada Itoobiya ku bixinayeen Gargaar waxaana Dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen dad rayid waxayna kooxahaan sheegeen ama uga digeen dadka in aysan qaadan wax ay ugu yeereen raashinka sumeysan 
 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS