SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Isbitaalada Caasimada Muqdisho Oo La Ciir Ciiraya Dhaawacyada Dadkii Duqayntii Bakaaruhu Waxyeelaysay.

Waxaa si weyn Looga dareemayaa Qaar ka Tirsan Isbitaalada caasimada muqdisho dhaawacyada dadkii ay waxyeelaysay duqayntii ay Ciidamada Ethiopia ay ku duqeeyeen Madaafiicda Suuqa weyn ee bakaaraha taasoo ay si weyn U buux dhaafisay Isbitaalada waaweyn ee magaalada MUqdisho .

Dhaawacyada kasoo gaaray Duqayntii Dhowaan ay Ciidamada ethiopia Ku duqeeyeen Suuqa ganacsiga ,shirkadaha iyo Meelo kale ayaa la sheegay inuu gaarayo mid sii cagagaynaya ilaa (5-qofood taasoo ay ku kala Jiraan isbitaalada Madiino .,Dayniile ,Isbitaalka Xaawo cabdi iyo Kuwo kale .

Sidoo kale Duqayntan ba,an ee ay Ciidamada Ethiopia U gaysteen Xarumaha waaweyn ee shirkadaha ku dhexyaala suuqa bakaaraha ayaa waxyeelo ba,an kasoo gaartay Guryo badan oo gubtay islamrkaana ay La eegteen madaafiicda islamrkaana Qaarkood Dusha ka Gubtay iyadoo ay ka damiyeen dabkii Qaar Ku dhaqan dadweynaha magaalada Muqdisho .

Dhinaca kale Agaasimaha isbitaalka madiino Ibraahin dheere ayaa somalitalk u sheegay in dhaawaca soo gaaray labadii maalmood ee nasoo dhaafay isbitaalka ay Caga cagaynayaan ilaa 65-qofood islamrkaana ay iminka La tacaalayaan sidii ay U dabiibi lahaayeen taasoo uu sheegay inay ku guda Jiraan daaweynta dadkaasi .

Si kastaba ha ahaatee dadka shacabka ah Ee Dhaawacyadu kasoo gaareen Duqayntii maalintii Axadii Ee Iminka Ku Jira Qaar ka tirsan isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa La il daran Dhibaato baahsan Oo kaga Timid xaalada Duruufeed ee ka jirta Muqdisho oo ay usii Dheer tahay Daawo Xumo ka Jirta isbitaalada Magaalada Muqdisho oo Iyagu dadaalo dheeraad ah ugu Jira sidii ay Ula tacaali Lahaayeen dadkooda la Il daran dhibaatada dagaal ee dhaawacyadu kasoo gaareen.

Yaasiin Maxamed Cali (faytin)

Yaasiinfaytin@hotmail.com

Somalitalk Muqdisho

+2521-5580916

Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS