SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

RUNA HA SHEEGIN BEENA HA SHEEGIN WAXAAD SHEEGTANA HA WAAYIN

Halganka tujaarul xarbigii wax kasta ka ganacsan jiray iib gayntiisa ay ka maageen, halganka siyaasi hore iyo mid danbaba inuu sarifo ka xishooday, halganka qof waliba dhinac ka duleediskiisa ALLE dartii ugu samray raga u soo shaqo tagay waxay ogaadeen in bulshadeenu ay mar tahay reer guura oo meeshii calaacal laga sheego u guura, marna tahay bulsho kacaanoo baaqii soo yeeraba sacab ku ayida rajo wiira wiirana muddo isaga noolaan kara oon waligiood arag siyaasi run u sheega.

Maantoo cadowgii jabay oo dhul kooban uu ka howlgalo iska daayee maalintii maxkmaduhu jabeen oo Jubadda hoose oo lagu duqaynayo ku koobnaayen war gadmi karay ma keenin, eeg haddii qaramadda midoobay ciidan ku filan keento kan Itoobiya ha baxeen taasoo macnaheedu yahay in sharciyeyntii Itoobiya shalay tabcanayashu siiyen manta loo sii ansixiyo waayo haddii U.N ciidan keeni waayo dalka xitaa qarni Itoobiya xukumi, eeg ninkii xikmad iyo xoog waayey oo Tigree u yeertay ha ka shaqeeyo sidii loo bixin lahaa waxaan u jeeda qodobka dowladdu ha ka shaqayso siddii Itoobiya loo bixin lahaa, eeg qodobka ciddii heshiiska diida dhinac halaga noqdo nuxurka warkaasi waa madaxdii Asmara C/laahiyey ku mowqif yihiin.
Hal qodob oo halgankii diinta iyo dalka ka turjumaya kama soo bixin shirka raggii halganka matalayey ee shirka tagayna afar qiyaano bay ku dhaceen:-
1- ma jirto qodob damanad qaad buuxda muujinaya in Itoobiya baxeyso oo heshiiska ku jiraa.
2- Waxay aqoonsadeen xukuumaddii dunuubta gashay.
3- Ma jirta qodob muujinaya xasuuqii rayidka loo gaystay.
4- wax qarsoon bay ku iibsadeen masiirkii umadda kaasoo malahayga aan u maleynayo inay awood qaybsi la galeen tabcanayasha Tigreega qaaduminta u ah xogta iyo xantuna waxay leedahay shir baa lagu qaban doona jiddah dhamaadka July awood qaybsigana halkaas buu ka dhici.

Haddii xukuumaddii Kacaanku ay ku dhacday inqilaabkii kadib dabin la yiraa haddii rag beel u badani inqilaab kugu dayeen adna beel dugso taasoo keentay in sharcigiii iyo kala danbayntii dano beeleed ka waynaadan, haddii urur beeleedyadii xukunka riday ay han dowlo ka doortan nin walba hoobiyoow ridaa haybtiisna waa hogaamina, haddii caydiid laba dabin ku dhacay kan hore oo ahaa labaddii sano oo Cali Mahdi oo uu dayn waayey iyo tan labaad oo ahayd dabin caalami ah oo looga aar gudanayey diidmaddii barnaamijkii new world order(wajiga cusub ee gumaysiga) ee xilligii Unosom, tiiyoo ay taasi u wehlisay deegaanadii uu gacanta ku hayey oo maamul dadka kala nabadgaliya isna kala nabad gala uu ka dhisi waayey, haddii Cali Mahdi raggii halgamey oday beeled ku badalo ay fashilisay, haddii Cabdi qaasim ay fashilisay dabinadii Itoobiya, kala dirkii ciidankii maxakamdaha, iyo rag aan heshiis rabin oo qabqable la yiraa heshiis ka raadi, C/laahi Yuusufna waxaa fashiliyay diin la dirir, dugaagi wax ka dhaxeeyen(qabqablayashi) uu kaabaha u ahaa iyo dalka cadow ku soo hag, haatan halgankii Muqaawamo runa ha sheegin beena ha sheegin waxaad sheegtana ha waayinta shirka Jabuuti ka soo baxday ma fashilin doonta?.

Intii ALLE dartiis u diriraysay xaqay ku sugnaan, intii danlay ahaydna labay u qaybsami kuwa naq raaca oo dib ka eeda iyo qaar hurdada loogu gooyo oo halganka iyadoon qalbi ka ahayn ku soo noqda, mudada kala guurka afarta bilood dadku labay noqon kuwo rajo wiira wiira suga iyo qaar dabinka fahma wallow la helli doono kuwa toos ula safta gurbaan la yeeriyey.
Marxuum Zoppe waxuu dhihi jiray durbaan ninkii xadda meeshu ku yeeri lahaaba laga rabaa hadda raga Asmara ka tirsan ciidanka taageersan oo ay xabad joojinta ku amrayan ayaa laga rabaa hadeysan wiilashay diin shalay u sheegen manta yaa reer fulaan ah dhahayn.

Maqaal hore oo aan qoray ayaan ku iri laba Shariif ha la kala reebo haatan xaqiiqdu waxay tahay intii heshiiskaas saxiixday inaysan masiirka umaddii halgamaysay matali Karin ee muqaawamo cid matasha ha doorato, waayo isaga garaadihii iska tiriyey meeshuu u socdana shahadadii Geedi iyo rag la mid ihi ka heleen buu ka heli hadaanba bilaha heshiiska laga war dhowrayo dhexdooda aan shahaadadas la siin, waayo haddii halganka hubaysani joogsan waayo, aaminkii qudbaduhuna uusan jirin maxaan kaa gadana ayaa iman.

Gabagabadii abwaan baa horey u yiri’ Adoo xarafsanaayoo dagaal maalina u xaydan , xinjirtooda nimankaad xilal ku daaqaysey, markaad xamatay oo dayacday baan kaa xanuunsadey, xaniinyaha siddii lay jaraan aan xiq leeyahay’.

WQ CAANAGEEL
caanageel@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS