Xafiis Caalami ah oo Qaabilsan Duulimadka Diyaaradaha oo Boosaso laga
Furay.
Xafiiskan oo lagu Magacaabo Horn Africa Aviation Services Agency ayaa
Munasabad Balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyinta Dowlada Puntland
iyo Qaybaha Bulshada oo ahayd Furitaanka Xafiiska ay ka dhacay Xafiiska
Boosaso.
Duqa Boosaso C/risaaq Xareed ayaa xariga ka jaray Xaiiskan qaabilsan
Duulimaadka Caalimiga ah, isaga oo soo dhoweeyay kuna tilmaamay horumar
ku soo kordhey Degaanka oo loo baahnaa.
Ugaas Xasan Ugaas Yasiin oo ka mid ah Isimada Puntland oo munaasabada ka
hadlay ayaa muujiyay inuu ku faraxsan yahay xafiiskan iyo shaqada uu
qabanyo oo uu ku tilmaamay inay qayb ka tahay horumarka aduunka uu
maanta gaaray.
Siciid C/laahi Saalax Deer oo ah Maamulaha Xafiiskan islamarkaasna
hawshan ka shaqeeyay ayaa ka warbixiyay xafiiska iyo shaqooyinka uu
qabanayo.
Mr. Siciid waxa uu sheegay in furitaanka khadkan ay ku hawl jireen mudo
sanad ah oo ay soo bilabeen bishii juun ee kal hore.
Siciid C/laahi ayaa sheegay in xafiiskan uu wakiil rasmi ah Puntland uga
yahay Diyaarada Yamaniya Airweys iyo kuwo kale oo caalami ah gaar ahaan
waxa uu sheegay inuu xafiiska u fududeynayo dadka soomaliyeed
duulimaadyada wadamada aduunka oo dhan sida kuwa u baahan Ganacsiga,
Waxbarashada, Xajka iyo Cumrada.
Qaban qaabiyaha Xafiiska Siciid C/laahi ayaa tilmaamay in Qaaradaha
aduunka oo dhan ay geyn karaan qofkii doonaya, waxana uu xusay Xafiisyo
ay ka fureen Gobolada Dalka, Jabuuti iyo wadamo kale oo wakiil ay ka
dhigteen wakaalado kale oo arrimaha duulimaadka ka shaqeeya.
Xafiiskan Horn Africa Aviation Services Agency ee Boosaso laga furay
ayaa in mudo ah ay hadal hayeen Dadweynaha Puntland oo aaminsan inuu wax
weyn ka qaban doono baahidooda dhinaca Safarka Diyaaradaha ee aduunka.
Cawaale Jaamac Salaad
Boosaso.Puntland