SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Abwaano maanta kaalmo lacageed garayso $ 3500 gaarsiiyey qaxooti iyo dad ka bakaracay guryahoodii

Sawirada Halkan ka daawo...

Safaaradii maraykanka ee siliga oo noqday dhul ay dagan yihiin qaxooti iyo dad guryahoodii ka barakacy

Qaar ka mid ah Jaliyada somaliyeed ee ku nool dibadaha ayaa iska soo uruuriyey deeqo lacageed kuwaa oo soo gaarsiiyey gacanta abwaano can ah oo somaliyeed si ay u gaarsiiyaan dadka u baahan ee jilicsan ,

Deeqdaan ayaa lagu soo hagaajiyey gudoomiyaha golaha abwaaniinta somaliyeed abwaan abshir nuur faarax (abshir bacadle ) waxaana gacan ka siinayey afhayeen golohaasi Cisman Cilmi Guure iyo abwaan Maki Xaaji Buurfuule Banadir

qaar ka mid ah Jaaliyadaha dibadaha oo ay ugu horeeyaan
wadamada iswedhan ,waxayna ku midaysan yihiin ururka nabda iyo horumarinta somaliyeed waxayna soo dhibeen kaalmo gaarayso $1000 iyaga oo soo wakiishtay Cabduqadir Cukaash
sidoo kale jaaliyada Isweserlan qar ahaan magaalada nashatan ayaa iyana abwaanintaan soo gaarsiiyey lacago $1000 waana qeyb ka mid ah lacago ay soo dhiibeen oo intii kale aan weli la bixinin
waxaa jira iyana gabdho muxsiniin somaliyeed ah in ay soo garsiiyeen $2300

Gudoomiyaha golaha abwaanada somaliyeed oo uu la socday afhayeenka golahasi abwaan Cisman cilmi guure iyo abwaan Maki Xaaji Banadir ayaa manta lacago loogu deeqay dad muqdisho ku dhbataysan ka qeybiyey deegaanka TIIDA deeq lacageed gaarayso $1500 dooalr oo lacag Somali loo bedelay oo ay soo dhibteen dad muxsiniin ah oo somaliyeed ayuu ku wareejiyey abwaan abshir nuur faarax bacadle , qaar ka mid ah odoyasha deegaanka tiida waxaana ka xusi karnaa Colow Gacal Faarax oo ka mahad celiyey isaga oo ku hadlayey magaca dagmada dayniile deeqda inteeda kale ayaa la siiyey deegaano ay ku jiraan jiiro miskiin laba xero oo ay dagan yihiin dad gaaraya 250 qoys oo aanay jirin cid u fosta iyo meel ay u shaqo tagaan ayaa midkiiba la siiyey lacag dhan 200.000 ,ispitaalka dagmada daynile ayaa la gudoonsiiyey deeq kaalmo ah oo gaarayso $ 1000 taas oo loogu talagalay in lagu hormariyo howlaha ispitaalka ka socoto sida shiidaal ama qof markaa loogu iibiyo wax aan laga heli Karin ispitaalka wuxuuna sheegay agaasimuhu Dr maxamuud Mye Abuukar in ay haatan jiifaan ispitaalka dayniile bukaano gaaraya 85 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan iyada oo u gudoomay agaasimaha cusub ee ispitaalka dayniile Dr maxamuud Mye Abuukar oo isagu bil ka hor ka yimid dalka hidiya si uu dalkiisa iyo dadkiisa wax ugu qabto isaga oo halkaasi deganaa mudo

Dadka ka faaidaystay deeqdaan manta ayaa badankoodu waxay ahaayeen dad waayeel ah caruur agoon ah dugsiley , haween , dad waayeel ah ,kuwo cuuryaamiin ah oo dhamantood ahaa dadkii ay ku waajibtay isla markaan ay doorteen abwaaniintaan ka dib markii ay u kuur galeen halka iyo dadka la siinayo deeqdaan lacageed ,

Deeqda manta dadkii ka faadiideystay waxaa ka mid ahaa Salaado Edan isaaq oo sheegtay in ay ka barakacaday gurigeedii oo ku yaal deegaanka mcalin biyo baalow ee xafada howlwadaaga magaalada muqdisho ka dib markii ay ku bateen iska horimadyada hubeysan iyo qaraxyada waxayna sheegtay in aysan jirin cid biisha ayna ku noshahay wixii ay siiyaan dadka deriska ka ah oo kaliye iyada oo intaa raacisay in aysan weligeed guri ka sameysan baakado iyo udbo iyo maryo la isku xirxiray oo hada u dhisan waxayna u duceysay dadkii deeqdaan u so diray iyo intii ka qeyb qaadatay soo garsiinta deeqdaan wax ku oolka ah sida ay sheegtay ,

Macalin Maxamud Maxamed waxuu dugsi quraan ku hayaa xerada jiira miskiin arada dhigata dugsigiisa ayaa gaarayso ilaa 53 arday oo aan heysan waxyaabaha sahli kara wax barashada isaguna wuxuu ii sheegay inaysan aradaydu heysan googol ay fadhiisataan loox ay quraanka ku qortaan bacao ay ka galaan roobta oo xiligisii lagu jiro ,kitaabo , wuxuna shaaca ka qaaday in ay halkaan dagan yihiin mudo afar bilood ah isaga oo intaa ku daray in maalintii ii biil ahaan u bixiyo sided kun oo kaliye mana ma heli karo ayuu yiri wax ka badan intaa wuxuuna bulshada somaliyeed si gar ah uga codsaday in ay kaalmeeyaan macalinkaas duqsi quraanka ku haayo oo taleephonkiisa iigu sheegay in uu yahay 00252155103965

Sidoo kale Nuunaay Maxamed Adan oo aan kula kulmey buushkeeda iyada oo dubanaysa loos ayaa ii sheegtay in ay looska ka soo gashao 25 kun sh Somali ah

Kalaay am nuur wxay ii sheegtay in aysan sifiican hadalka u maqlin iyada oo araguna ku liito ayaa tiri wiilkeygii I masruufi jiray Ciidanka Ethiopia ayaa xabad ku dhuftay oo meyd ahaan uga tagay hadana wuxuu jiifaa isbitalka ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi waxaana uu dhaawac ka soo gaaray garabka iyo xiniinyaha waxaana agtaagnaa haweeyney uu qabo oo umul ah iyada oo ii sheegtay in aysan heysan wax ay ku daaweeyaan

Dhamaan deeqihii manta ayaa si nabad ah loo garsiiyey labada xero oo ay ka dhisteen jiiro miskiin , silage maraykanka deeganak TIIDA iyo ispitaalka dayniile oo dhamantood ka wada tirsan Magaalada muqdisho Gobolka baandir

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS