SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

10 Jun 2008.

Madaxii ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya oo la dilay

Shirkii soomaalida ee Jabuuti oo la soo gabagabeeyay

Wakiilka TPLF ee Gambella oo galitaanka Canada loo diiday

Jamaal Diiriye Khaliif oo kasoo tagay barlamaanka Federaalka Itoobiya oo xogwarran naga siiyey dhiibatada uu gumaysigu ku hayo Ogadenya.

======================

Madaxii ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya oo la dilay

Mid ka mid ah madaxda ugu sarraysa ciidammada Itoobiya ee haysta dalka Soomaaliya ayaa axaddii lagu dilay magaalada Muqdisho. Sargaalkan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegayaa in madaxa laga toogtay, isagoo wax ka fulinaya hawlgallo dadwaynaha ka dhan ah oo ciidammada gumaysiga Itoobiya ka fulinayeen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay la soo daristay xaalad argagax ah markii la dilay madaxoodii ugu sarreeyay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaallo is-dabajoog ah oo isla maalinkaas ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dhinteen ugu yaraan 50 askari oo Itoobiyaan ah.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa markii dhaawacani soo gaadhay waxay sidii caadada u ahayd madaafiic aan aaba-yeel lahayn ku garaaceen Suuqa Bakaaraha, halkaas ay ku dileen ugu yaraan 40 qof oo rayad ah, 123 kalana ay ku dhaawaceen.

Duqayntan ayaa sidoo kale dhaawac ballaadhan soo gaadhsiisay Suuqa Bakaaraha iyo sharikadaha ka hawlgala, gaar ahaan sharikadaha isgaadhsiinta ee xarumaha ku leh Suuqaas.

Shirkii soomaalida ee Jabuuti oo la soo gabagabeeyay

Shirkii ay Qaramada Midoobay qabanqaabisay ee soomaalida uga socday dalka Jabuuti ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo lagu heshiiyay qodobbo ay ka mid yihiin in muddo soddon maalmood dhexdood ah xabbad joojin lagu hirgaliyo.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabisla arrimaha Soomaaliya Axmed Walad-Cabdalla ayaa shir jaraaid oo axaddii uu qabtay wuxuu ku sheegay inuu goaansaday inuu soo gabagabeeyo shirka, isagoo tilmaamay in dadaalkii dheeraa ee loo galay isu soo dhawaynta labada dhinac uu guuldarro ku dhammaaday.

Arrintaas ayaa keentay in beesha caalamku ay sii kordhiso dadaalkii ay wadday, isla markaana ay shirka soo faragaliyaan dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Talyaaniga, kuwaasoo labada dhinac ku cadaadiyay inay isu tanaasulaan oo heshiis macquul ah ka yeeshaan qodobka la isku mari laʼaa ee ah waxa laga yeelayo ciidammada gumaysiga Itoobiya ee dalka haysta.

Dhinacyada wadahadalladan ka qayb galaya, oo kala ah dowlada ku meelgadhka ah iyo Isbahaysida Dib U-xoreynta Soomaaliya, ayaa wixii siniintii ka horreeyay diidanaa inay si fool-ka-fool ah u kulmaan.

Isbahaysida Dib U-xoreynta Soomaaliya ayaa dalbanayay in ciidammada Itoobiya ay Soomaaliya kaga baxaan muddo afar bilood gudohood ah, isla markaana heshiis kasta oo la galayo si fiican loogu qeexo xilliga iyo qaabka ay ciidammada Itoobiya uga baxayaan dalka Soomaaliya, hase yeeshee qodobkan ayaa loo qoray qaab aan caddayn, iyadoo dowlada ku meelgaadhka ah laga codsaday inay ku dadaasho sidii ay Itoobiya uga dhaadhicin lahayd inay ciidammadeeda afar bilood gudohood kula baxdo.

Qodobada kale ee lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in Qaramada Midoobay loogu baaqay inay afar bilood gudohood dalka Soomaaliya ku keento ciidammo nabad ilaalin ah oo karti u yeelan kara sugidda nabadgelyada dalka.

Hase yeeshee in kastoo labada dhinac ay heshiiskan isla saxiixeen haddana waxaan caddayn in labada dhinac ay fulin doonaan waxa ay ballanqaadeen.

Dowlada ku meelgaadhka ah ayaan la hubin inay doonayso ama awood u leedahay inay Itoobiya ku qabnciso inay ciidammadeeda afar bilood gudohood kula baxaan.

Sidoo kale Isbahaysida Dib U-xoreynta Soomaaliya ayaan la hubin inuu ka dhabayn karo xabbad joojinta uu saxiixay, maadaama kooxaha dagaalka wada ay horay u sheegeen inayna matalin kooxaha shirka ka qayb galaya, isla markaana ay dagaalka wadayaan ilaa iyo inta ay Soonmaaliya ka caydhinayaan ciidammada Itoobiya.

Wakiilka TPLF ee Gambella oo galitaanka Canada loo diiday

Dowlada Canada ayaa oggolaanshaha dal ku-galka u diiday wakiilka xukuumadda gumaysiga Itoobiya u qaabilsan gobolka Gambella, kaasoo doonayay inuu ka qayb galo shir kaniisadeed oo ku soo bandhigi lahaa waxa uugu ugu yeedhay fursadaha cusub ee dhaqaale ee gobolka Gambella.

Ninkan, oo lagu magacaabo Omot Obang Olom, ayaa lagu waday inuu ka qayb galo shirkan oo Canada ka dhacayay sabtidii la soo dhaafay, waxaana loo diiday in la siiyo fiiso uu ku galo dalka Canada, iyadoo lagu eedeeyay inuu galay denbiyo baniʼaadamnimada ka dhan ah.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa xasuuqii ay ciidammada Itoobiya ka gaysteen gobolka Gambeella sannadkii 2003, halkaasoo ay ku dileen ugu yaraan 400 oo u dhashay qabiilka loo yaqaano Anuak oo ay ka tirsan yihiin dadka ugu badan eek u nool gobolka Gambella.

Dad badan oo u ololeeya arrimaha xuquuqul insaanka ayaa goʼaankan aad u soo dhaweeyay, isla markaana muujiyay inay aad ugu faraxsan yihiin in ninkaas laga mamnuuco Canada, maadaama loo tirinayo inuu xadgudubyo baniʼaadamnimada ka dhan ah gaystay.

Xaq uma laha inuu yimaado oo Canada kula hadlo dadka Itoobiyaanka ah, mar haddii lagu eedeeyay inuu gaystay gaboodfallo baniʼaadamnimada ka dhan ah, sidaas waxaa yidhi nin u hadlay Golaha Cadaalada Anuak.

10 Jun 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com

Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.