SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirka Jabuuti:  Ciidamada Itoobiya Waa in Dalka uga baxaan 120 Maalmood Gudahood

Sawirada Shirka Jabuuti Ka Daawo Halkan....
Sawirada waxaa qaaday Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.

Kulan balaaran oo lagu soo gebagebeynayo shirkii dibu heshiisiinta maalmahaan uga socdey Isbahaysiga Dibu-xoreynta iyo DFKMG ayaa laga soo saarey Qoraal ka kooban sedax bog oo ay isla garteen labada dhinac iyo Beesha Caalamka, ayaa ka koobnaa 11 Qodob oo loo arkey xalkii ugu horeeyey oo ay isla gaareen labad dhinac.

Shirkaan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadley Uqaybsanaha arimaha Soomaalia ee Qaramada midoobey Cabdalla, waxaa uuna ka hor akhriyey qodobadii ay ku heshiiyeen labada dhinaca iyadoo ay goob joog ka ahaayeen diblamaasiyiin kala duwan oo dalka Jabuuti safaarado ku leh iyo xubno kale oo ka socdey beesha caalamka, sidoo kale waxaa halkaasi hadalo taageero ah iyo adkeynta qodobada laga la soo jeediyey labada dhinaca oo ay ugu horeeyaan labada shariif iyo Cabdishakuur oo sedaxduba ka socdey Isbaheysiga, halka DFKMG ay u hadleen Nuur Cade, Axmed C/salaan iyo xubin kale oo wasiir ah.

Qodobada qoraalkan oo ahaa kuwo inta badan taabanaya labada dhinacba ayaa waxaa ugu muhiimsanaa

"in ciidamada Ethobia ay dalka uga baxaan 120 maalmood gudahood, bedelkoodana la keeno ciidamo UN-ka ka socda oo aan ku jirin safka hore"

Hase ahaatee qodobkan ayaa ahaa mid inta badan oo Soomaali ah ay ku waayeen naftooda, maalkooda, ayna ku dhaawacmeen in kabadan inta dhimatey, waxaana Guryahoodii uga barakacay dad ka badan hal milyan oo ruux oo maanta qaarkood ay u jiifaan meel banaan ah, halka kuwo kale aan la ogeyn, halka ay ku dambeeyeen raq iyo ruuxba.

inkastoo in badan oo madasha ka hadashey ay kusoo cel celinayeen sidii lagu hirgelin lahaa qodobada heshiiskan, hadana su'aasha taagan ayaa ah wax mudo ku dhowaad laba sano xabad lagu xalin waayey in qalin iyo seddax waraaq lagu soo gebagebeeyeyo.

Dowlada jabuuti oo ah dowlad ay inta badan dhinac kasto soomaalidu ka wadaagaan, islamarkaana Xukuumadii hore ee la ridey qaybweyn ka qaadatey gobonimo qaadashadeeda ayaa ah dowlad ay ku nool yihiin dadyow ama qowmiyado kala duwan oo aan ayaa hadana waxaa ka jira maamul iyo kalsooni weyn oo laysku halaynkaro oo ay muujiyeen mas'uuliyiinteeda, waxayna cagta saartey wadadda horumarka iyo harumarinta shacabkooda, iyagoo ay dhinacyada ka xigaan kuwo kala duwan oo aan gabaneyn, islamarkaana doonaya inay marto wadadii ay martey Soomaaliya, laakiin waxay wax lala yaabo ah in Ummad isku af ah isku diin ah isku dhaqan ah ay mudo 18-sano si bareer ah isu dilaan iyagoo aan la ogeyn waxa ay isku dilayaan.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com


Shirkii Jabuuti oo heshiis buuxa lagu gaadhay

Shirkii uga soconayay Soomalida magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa waxaa la kala saxiixday go,aamo ay labada dhinacba ay isku waafaqeen ka dib markii ay shirar badan ku galeen magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Shirkan oo lagu tilmaami karo mid ka wanaagsan kuwii hore ee ay hore u yeesheen ayaa wuxuu aakhir keenay in ay Isbahaysigii iyo DFKMG markii ugu horaysay ay wax isla meel dhigaan.

Xafladii heshiiska oo ka dhacday Hotelka Kempinski ee ay degan yihiin dhamaan wufuuda labada qoloba ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra,isul wasaaraha DFKMG iyo wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somaliya, iyo wufuud kale oo ka socotay beesha caalamka, sida USA iyo England iyo qaar kale.

Qodobada la isla meel dhigay waxaa ka mid ah;

1)In ciidamada Itoobiyaanka ahi ay ka baxaan dalka Somaliya Afar Bilood gudahood.

2)In la dhaqan galiyo heshiiska ay wada saxiixdeen DFKMG iyo Isbahaysigu, 30 maalmood gudahood.

3)In xabad joojin waarta laga sameeya dhamaan dalka Somaliya, 90 maalmood gudahood.

4)In si wadajir ah looga wada shaqeeyo nabadeynta waddanka Soomaaliya.

5)In la dhiso guddi ka kooban 15 xubnoo oo ay labada dhinacba ka socda oo la socda dhaqan galinta xabad joojinta dalka.

6)In isna la dhiso guddi ka kooban 15 xubnood oo ay hogaanka u hayso QM kana shaqayn doona arrimaha siyaasda iyo dib u heshiisiinta. Iyo qodobo kale oo dhawr ah.

Waxaa ku saxiixan shirka magaca DFKMG iyo magaca Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya iyo Wakiilka arrimaha Soomaliya u qaabilsan QM ee Ahmedou-wala Abdalla.

Qodobada ay labada dhinac wada saxiixeen waxaa kaloo ku jira in ay labada qoloba ay beesha caalamka ka codsadeen in hirgalinta heshiiskan iyo in lagu taageero dhamaan heshiisyada ay isla meel dhigeen, sidii looga dhaqan galin lahaa dhamaan dalka Somaliya.

Isbahaysigu wuxuu kaloo codsaday in si degdeg ah loo keeno ciidamo ka socda QM oo badala kuwan Itoobiyaanka ah.

Isbahaysigu wuxuu ka digay in ciidamada la keeni doono aysan ku jirin dalalka la dariska Somaliya.

Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna ka hadlay xaflada ayaa taageeray heshiiskan, wuxuuna u mahad celiyay Wakiilka Qaramada Midoobay Ahmadu Ould Abdallah oo dhabarka u xirtay sidii loo heli lahaa heshiis kama danbeys ah, oo xal looga gaadho arrimaha Somaliya.

Saxiixa xafladan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wakiilo Matalayey dalalka USA, England, Sacuudi Carabiya, Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay.

Heshiiskan oo ah mid ay soo dhoweeyeen beesha caalamka iyo dhamaan xubnihii ka qeybgalay shirkaasi ayaa waxaa ka hadlay hoggaamiyeyaasha wafdiga, oo hadaladoodi halkan aan lagu soo koobi karayn.

Axmed Cabdi Salaam oo dhinaca dowladda u saxiixay heshiiska ayaa waxaa uu ka sheegay xafladda in ay aad ugu faraxsan yihiin heshiiska caawa ay wada gaareen iyaga iyo Isbahaysiga, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii loo hirgelin lahaa.

Sidoo kale C/raxmaan Shukri oo isna u saxiixay dhinaca Isbaheysiga ayaa soo dhoweeyay isagoo u mahad celiyay dhamaan wafuudii caalamiga aheyd ee ka soo shaqeysay in heshiis xal u ah umadda Soomaliyeed la wada gaadho.

Axmed Cabdisalaan ayaa wuxuu sheegay in ay ka midha dhalin doonan heshiisyadan ay caawa kala saxiixdeen, oo ay nabada Somaliya ay ka go,antahay xagooda, oo ay mar kasta ka shaqayn doonaan.

Heshiiskaan waxaa qalinka ku duugay Madaxda Ergada DFKMG Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo Madaxa ergada Isbaheysiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Marka loo fiirsado dhinacyadaan heshiiyay caawa ayaa u ekaa kuwa isku faraxsan iyadoo qaarkood la arkayay iyagoo garbaha is heysta oo kaftamaya, taasoo niyad wanaag ka muujiyeen wafuuda kala duwan ee heshiiskaan kasoo qeyb galay.

Xafladii ka dhacday madasha shirka ayaa waxay u ekeyd mid uu qof kastaaba ka miijiyay aragti wanaagsan oo u dhalan doonta shacabka Soomaaliyeed, dhamaan Ergooyinka ka socda DFKMG iyo Isbahaysiguba si wacan oo daacad ah ayeey usoo badhigeen heshiisyada ay wada gaadheen oo runtii wax ku ool ah.

Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom


Jabuuti oo dadaal ugu jirta sidii ay u badbaadin lahayd shirka Soomaalida uga socda dalkeeda.

Tan iyo markii uu dalka Jabuuti ka furmay Shirka dib u hashiisiinta Dhinacyada isku ahaya Siyaasada Soomaaliya ayaa xalay markii ugu horeysey uu Rajo xumo ka soo if baxdey Wuxuuna qarka u saaran in lagu kala dareero wada xaajoodkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo uu Ergayga gaarka ah ee Arimaha Soomaaliya u qaabilsan Xogahayaha guud QM Axmed Wlad Cabdalla uu rajo xumo ka muujiyey shirka ka socda dalka Jabuuti.

Xalay ilaa iyo saaka ayaa kulamo gooni gooni ah oo Diblomaasiyiinta Qaramada Midoobay iyo Dowladda Jabuuti la yeelanayeen dhinacyada Soomaalida ayaa sida muuqata ilaa iyo hadda wax horumar ah laga gaarin.

Axmed Wlad Cabdalla waxaa uu xalay sheegay haddii ay dhinacyada Soomaalida muujin waayan isu tanaasul uu ka xirxiran doono Boorsadiisa Magaalada Jabuuti dibna ugu laaban doono Xafiiskiisa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa ayuu yiri Axmedu Wald Cabdalla "Waxay diideen in ay tanaasul sameeyaan sidaasi darteed muddo badan in layska joogaa Jabuuti ma ahan wax muhiim ah oo macno yeelan kara" oo ah wakiilka Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa ee arrimaha Soomaaliya mar uu shalay gelinkii dambe shir jara’id ku qabtay magaalada Jabuuti

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo farageliyay muranka u dhaxeeya dhinacyadaas Soomaalida ah isagoo ka dhaadhicin doono inay eegan danta Umadda Soomaaliyed oo ah is afgarad dhex mara Siyaasiyiinta si Umadda dhibka uga baxdo.

Haddaba waxaa aad u yar rajada laga qabo in shirkaas natiijo la taaban karo ka soo baxaan maadama ay Mowqifyo kala dheer kala taagan yihiin Dhinacyada Soomaalida.

Si Kastaba ha ahaatee Arrinta ugu weyn oo dhinacyadaas isku mari weysan yihiin ayaa waxaa ka mid ah bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, Dowladda Federaalka ayaa qabta in la yiraahdo Ciidamada Shisheeye mar kaliya haka wada baxaan, halka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ay soo jeedinayaan Ciidamada Itoobiya badalkooda dalka la keeno Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

Mohamed Ismail
mismacil@live.co.za
Johannesbrug, South Africa


Warbixinno shirka Jabuuti....

Ahmedou Ould-Abdalla ayaa shir jaraa,id ku qabtay madasha shirku uu ka socdo ee magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, ayaa waxa uu rajo xuma ka muujiyay shirka kooxaha Soomaalida uga socda Jabuuti, wuxuuna yiri ( Is mari waaga shirkan soo food saaray waxa ugu wayn Soomaalida oo kalsooni darro ku habsatay, iyo labada Ergooyin oo uu mid kastaaba doonayo in arrimhiisa la hor mariyo ama loo fuliyo).

Waxa uu sheegay oo kale inay Isbaheysiga istaageen inaysan wax wada hadal ah la fureynin toos iyo mid dadban toona DFKMG ah ilaa dalka laga bixiyo ciidamada Itoobiyanka oo ay u arkaan kuwa xasuuq iyo barakicin isdaba joog ah ka wada Somaliya.

Ahmedou Ould-Abdalla wuxuu intaas raaciyay in hadii ay Soomaalidu wax isla meel dhigi waayan ay QM ku khasban tahay in ay shirka soo gabagabeeso, maadama ay QM in badan ku dhex jirtay ayna ku wareertay arrimaha Somaliya.

Danjiraha Ahmedou Ould-Abdalla wuxuu tilmaamay oo kale in qodobada la isku maan dhaafsanyahay ay yihiin qodobo ama waxyaabo shakhsiyaad gooni ah ay wataan, balse ma uusan sheegin qodobadaas kuwa ay kala yihiin.

Danjiruhu wuxuu kaloo sheegay in hadii aanay kulmin DFKMG iyo Isbahaysigu, oo labada dhinac isu tanaasulin, in uu shirkani noqonayo mid guushiisu dib u dhacdo ama uu fashilmoba.

Ahmadou waxuu uu raja xumo ka muujiyay joogitaanka Jabuuti ee Jeneraal Gabre isagoo beeniyay inay u yeereen Gabre, waxuuna sheegay inaysan aqoon sababta Jeneraal Itoobiyan ah ay kala tashanayaan xaalada Somalia iyadoo ay jiraan mas'uuliyiin ka waawayn Gabre oo lagala tashan karo arrimaha Somaliya.

(Hadii ka bixitaanka ciidamada Itoobiyaanka ee gudaha Soomaaliya kala tashaneyno Itoobiyaan waxaan kala tashaneynaa madaxda sar sare ee uu ka mid yahay Ra'iisul-wasaare Meles Zenawi, balse ma naqaan sabab aan kula tashano Jeneraal Gabre umana yeerin QM) ayuu yiri Ahmadou.

Gabre Girma waa Taliyaha ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Somaliya, mar la waydiiyay in uu isagu fashiliyay shirkan Jabuuti ka dib markii uu yimi madasha shirka ee Jabuuti, wuxuu ku jawaabay ( Aniga QM ayaa ii yeertay si aan warbixin uga siiyo ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalka Somaliya iyo waxa ay ka qabtaan halkaas), wxaanu intaas ku daray in uu raali ku yahay in ciidamada laga saaro dalka Somaliya, isna uu ka bixidoono wakhtiga loo cayimo.

Isbahaysigu wuxuu ku hanjabay in ay DFKMG wada dagaalami doonaan, hadii aanay ciidamada Itoobiyanka ah xal laga gaadhin oo aan wadanka laga saarin, waxay kaloo sheegen in aysan marnaba wada hadal dhex mari doonin DFKMG iyo Isbahaysiga inta ay ciidamada Itoobiyaank ahi ku jiraan gudaha Somaliya.

Waxaa lasoo wariyay in Danjiraha u qaabilsan arrimaha Somaliya ee Ahmedou Ould-Abdalla uu kulamo la yeeshay Safiirka Itoobiya ee u fadhiya dalka Jabuuti oo ah kii laga saaray shirka ayaanti dhawayd, iyo Taliyaha ciidamada ku sugan Somaliya ee Gabre, kulankaas albaabada ayaa u xidhnaa ilaa imika lama sheegin wixii ay isla meel dhigeen.

Waxaa kaloo la sheegay in arrinta Somaliya faraha kasii baxayso oo uu soo badanayo dagaalka u dhexeeye Isbahaysiga iyo DFKMG maadama ay labaduba ay isku khilaafsan yihiin bixitaanka ciidamada Itoobiyanka ah.

Si kastaba ha ahaate, waxaa muuqata in qodobka la isla mari la,yahay uu yahay ka bixitaanka ciidamada Itoobiyanka ah ee ku sugan dalka Somaliya.

DFKMG waxay marar badan soo jeedisay in ay saxeexaan qodobkan, balse Meles Zenewi uu ka hor joogsaday arrintan in ay saxeexaan, isagoo u adeegsaday Taliyaha ciidanka jooga Somaliya ee lagu magacaabo Gabre, oo isagu imika ku sugan shirka Jabuuti, sababta ugu wayn ee uu u tagay ay tahay in uu ka hor istaago saxeexa ay DFKMG saxeexayso ka bixitaanka ciidamada Itoobiya, ee ku sugan Somaliya.

Waxay dad badani qabaan in shirkan ka soconaya Jabuuti uu yahay mid ay ku heshiinayaan Beelaha Hawiye, maadama ay labada nin ee Isbahaysiga horbood u ah ay kala yihiin Sheekh Shariif  iyo Cabdrixmaan. Dhinaca DFKMG labada nin ee horbood u ah ay yihiin laba nin oo iyaguna beeshaas ah oo kala ah Nuur Cadde iyo ku xigeenkiisa Cabdisalaan.

Waxa kale oo ka socda magaalada Jabuuti wadahadalo lagu badbaadinayo shirka dib u heshiisiinta ee dhinacyada Somalida ee halkaas isku haya, waxaana shirkaas ku kulmaya Safiiro ka kala socda wadamada, England,USA, Italy iyo qaar kale oo badan, shirkan waxaa guud ahaan soo qaban qaabisay Dawlada Jabuuti.

Si kastaba ha ahaate waxaa la sheegaya in uu shirkani fashilmi doono, maadama ay qolooyinka ku sugan Jabuuti QM iyo Ergooyin DFKMG iyo Isbahaysiguba ay wadaan abaabul ah in ay isaga baxaan dalka Jabuuti, waxa la sugaya oo kaliyana ay tahay go,aan kasoo baxa QM oo ku saabsan shirkan.

Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS