SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Isbahaysiga dib u xorayntu Soomaaliya guul ma gaadhsiin karaa ?

Sidaad wada ogtihiin Isbahaysiga waxa la asaasay September 2007, kadib shirkii ka dhacay Asmara (Eriteriya).
Shirkani siyaabo badan ayuu kaga duwan yahay shirarkii hore. Dadka kasoo qayb galay waxay ku midaysanayeen dib u xoraynta dalka, nin kaste jeebkiisa ayuu ka bixiyay kharashkiisa.
Shirkani mudo yar buu socday, xilkana laguma qaybsan qabiil.

Shirka dabadii mas’uuliyiinta kasoo baxday iyo tiradoo wanaag uma arkin. Hasa yeeshee waxaan is idhi, dib baa loo sixi khalada ah ee muhiimku waa dhismaha ururka iyo u jeedadiisa.

Nasiib daro wax dib u habeen ah kuma iman Isbahaysiga, maaliinba maalinta ka dambeysa ayuu soo shaac baxaa kartida qayb katirsan mas’uuliyiinta sare sare ee Isbahaysiga ay u leeyihiin sii hogaaminta ururka.

Hadii aan soo qaato labadii bilood ee ugu dambeeyay waxa dhacay laba shir oo waxa lagu sheego Qaramada Midoobay (QM) amba Qulka Madow qabanqaabisay.
Shirka hore waxa uu ka dhacay Nairobi, ka labaadna Jabuuti. Labada shir waxa ka qayb galay xubno ka tirsan Isbahaysiga.

Horaantii shirka Jabuuti dhagarqabe Cabdilahi Yusuf waxa uu sheegay inaan laga hadlayn xukun qaysbsiga iyo ciidamada Itoobia. Sidoo kale kali taliye Meles Zenawi waxa uu sheegay in ciidamadiiso dhalka ka baxayn ilaa inta laga guulaysanayo wadaniyiinta Soomaaliyeed.
Hadaba waa maxay waxa Sheikh Shariif Axmed uu shirka ka sugayaa ?
Iyadoo arinto sidaas tahay mas’uulinyiinta sare sare ee Isbahaysigu uu ku jiro Sheikh Sharif Axmad way ku dagdageen laba shir iyagoo xubnaha Isbahaysiga dhamaantood kala tashan.

Markay xubno ka tirsan Isbahaysiga sheegeen in lala tashan waxna kasoo baxaan shirka Jabuuti Sheikh Sharif Axmed eedayn ayuu u jeediyay dowlada Eriteria.
Ka qaybgalga shirka iyo eedayntani waxay ku tusaysaa kartida Sheikh Sharif Axmed u leeyahay si haynta hogaanka ururka.

Marka hore Qaramada Moodow iyo waxa lagu sheegu beesha caalamka waa Maraykanka iyo xulafadiisa.
Maraykanku waaka habeen iyo dharaar ladagaalamaya Soomaali, mar diyaarado ku weeraro iyo mar Xabashi gacan siiyo.
Hadii Qaramada Midoobay iyo waxa lagu sheego beesha caalamka shir ku baaqaan, waxa wanaagsan in loo diro xubin hoose si Isbahaysiga loogu tilmaamin nabad diid.
Isbahaysigo marnaba dowlado iyo ururo shisheeye kalama xaajoon karo sida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed cadowga looga xorayn lahaa.
Isbahaysigu waa inuu fuliyaa Istratejiyad iyo Plan dalka lagu xoreeyo.Maaha Isbahaysigu wixii madaxa kaga soo dhaca inuu ku dhaqaaqo.

Marka labaad eedaynta Eriteriya dusha laga saaray waa wax laga xumaado, hadii khilaaf u dhexeeyo Isbahaysiga iyo dowlada Eritera si hoose ayaa loo dhameeyaa.

Hadii aan usoo jeesto dhanka Kenya iyo Jabuuti, dowlada Kenya waxa ay kamid tahay cadow(1) Soomaalida. Markaa ma wanaagsana in latago wadan cadow ah, wadahadalku haka dhaco wadan ku lug lahayn dhibaatada Soomaaliya.
Jabuuti waa dhul Soomaaliyeed, laakin dhaba dhilifka gaalada ayaa ka taliya. Maraykanku waa halka uu kasoo duulo iyadoo shacabka Jabuuti laga wargalin.
Kali taliyaha Jabuuti dano Soomaaliyeed ma fulinayo, shacabka Jabuuti buu wax u qabanlahaa. Calanka Jabuuti waxa uu u taaganyahay danaha gaalada, markay danahaa dhamaadaan wadanka waxaa loo gacan galin Xabashida sidii Hong Kong ugu noqotahay Shiinaha.
Ogaada Jabuuti iyo Soomaaliya way isku xidhan yihiin, Soomaaliya haday jirin Jabuuti ma jirayso.
Jabuuti iyo kuwa Soomaali baan ka baxnayn le waa lagu soo socdaa, koonfur dabadeed.
Markaa maanta Soomaali xoriyad haysada ma jirto, qasabay ku tahay Soomaali dagaalka inay kawada qaybgasho.

Waxa layaable yiilka soomaaliyeed ee dhufayska ku jira waxa uu gartay inuu garan Sheikh Sharif Axmad : Cadowga qori oo galiya baa saari.
Wadahadalka ay wadaan Qaramada midoobay iyo waxa lagu sheego beesha caalamka waa waxti la siinayo Xabashida si ay isku habeeyaan.
Laakiin ninka qori haysti waxa uu u baahayn yahay hogaan dajiya istratejiyad iyo plan si qoriya loogu toosiyo halka ku haboon taasina Sheikh Sharif Axmed hada mahayo mana helidoona waayo waxgarad Soomaaliyeed oo arintani hirgalinlahaa Sheikhu talo kama qaadan.

Si Isbahaysigu xilkiisa uguto waxa muhiin ah dib u habayn la sameeyo.

- Isbahaysigu haku dadaado inuu yareeyo taagerada Xabashidu ka helayso Maraykanka iyo xulafadiisa isagoo wax aan jirin ka diga waxyaabaha Xabashidu ku andacoonayso.
Xabashida marka kali lagu helo waxa soo dhawaanaya dib u xoraynta dadka iyo burburka cadowga.
Maal mihii lasoo dhaafay kali taliye Meles waxa uu sheegay in ciidamadiisa kala baxayn Soomaaliya ilaa la burburiyo argagixisada (wadaniyiinta Soomaaliyeed). Maalmo kadib Xasan Daahir Aweys ayaa ku jawaabay “cadowga dalka waa laga xoraynayaa, dowlad muslin ah yaa laga dhisi Soomaaliya”.
Waxa Meles u sheegay gaalada Aweys baa markhaati u noqday. Hadala caynkani uma wanaagsana dib u xoraynta dalka.
- Wadaadadu ma fahaynsana habka aduunku u socdo amba siyaasada hada jirta. Sidaa darteed wadaadadu halka dambe ha joogaan saxaafadana yay la hadlin. Af hayeenka Isbahaysiga oo galiya yaa la hadli kara saxaafada si loo mideeyo aragtida Isbahaysiga.
- Hogaanka ha loo dhiibo waxgarad Soomaaliyeed oo garanaya: Soomaalino, Muslinimo, habka aduunku u shaqeeyo.
- Ka fogaada Carabta iyo waxa lagu sheego Jaamada Carabta waa daba dhilifka Maraykanka. Carabi waatuu ka gabyay Sayid Cabdula Xasan. Bal fiiriya maxay Soomaali ugaysatay Yeman hadana dowlada Yemen waxay la safantahay Itoobia.
- Lasoo kobo tirada mas’uuliyiinta Isbahaysiga ee golaha fulinta.
- Xildhibaanada golaha dhexe nimba magaalada uu ka yimid haku laabto isagoo Isbahaysiga u qaabilsan goobta uu daganyahay. Xildhibaanku halkaa haka wado wacdi galin iyo maal uririn. Sanadkii mar amba laba jeer golaha dhexe shir hayeesho.
- Istratejiyad iyo plan cad oo guusha soo dadajiya oo ladajiyo.
- Wixii Isbahaysiga kala qaybinaya oo laga waantoobo.
- In laga faa iidaysto kartida iyo maskaxda soomaali oo dhan, hogaankana lagu koobin dadka koonfurta ilayn waxa dhacay soomaali oo dhan ayuu taabtaye.


Dadka Isbahaysiga mas’uuliyiinto garanaya ha u tabiyaan qoraalkan

(1) Cadowga Soomaalida:
Ingiriiska, Farasiiska, Maraykanka, Itoobia, Kenya, Yemen, Uganda, Burundi, Masar iyo waxa lagu sheego Qaramada Modow …etc.


M. Kani
xascumar@yahoo.fr

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.