SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA !

(Wadaadka taladiisu ma amxaaro ha joogtaa !)

H.A.Gendisch -Juunyo-2008

Waa wadaad somaliyeed oo ilahay baray diinta , dagaal  yahay aan cabsan , balse waxaa dad badan shaki ka galay sahanka siyasadeed ee wadaadka Sh. Xasan daahir Aweeys meeshii Soomalida lagu furi lahaa inta aan la guurin oo aan lagu dhicin shirqool kale oo siyaasadeed , waxaa aanu marna ka taxadarin waxa uga iman kara oo ay dhali karto Ficilkiisa iyo hadalkiisa siyaasadeed, Waxaa wanaagsan in ujeedo salkeedu wanaagsan yahay in  laga leeyahay fikir kasta oo siyaasadeed, miyaanay ahayn in laga fikiro maxsuulka int aan lagu dhaqaaqin . Waxaa laga joogaa markii aan qoray maqaalkii biloowgii dhamaadkii  maxaakiimta ( the begining of the end ) 22 bilood ( July 2006) , taasoo inkasta oo saaxiibo badan oo dunida daafaheeda kala joogaa aan ra’yi ahaan ku kala duwaneeyn, qaarkoodna iga codsadeen inaan cagta u dhigno taladaas aan faafiyey, hadan u dhacday sidii aan ka baqayey ama u saadaaliyey in hadii  Sh. Xasan daahir aweeys hogaamintiisa ururka ay noqon doonto fashil, marna may iman  laheeyn in wadaada lagu shaabadeeyo siyaasada xagjirnimo ee wadaadadii nabada u horseeday somaaliya tasoo aan rumeeysnahay in hogaaminta ragaas ay haadaanta ka tuurtay. Waxaan ka digay dagaalkii hogaamiye kooxeedkii oo markii laga raayey dhulka lagu jiiday oo ahayd arin aan marna loo baahneyn waxaa jirta gabay aan u maleeynayo in sayid Maxamed laga soo xigtay oo oranayey “ Maandhoow ixsaan lagama tago Eed hadaad Fali “ Sh. Xasan daahir aweeys Wali wax kuma qaadan in uu siyaasada wax ka ciyaaro marka laga reebo. Dhismihii ururka dib u xoreeynta ee Casmara lagu aasaasay oo u ogolaaday inuu gadaal fariisto

.

            Waaxaa maalmahan soo baxayey eedeeymo aad u balaaran oo hadii aan la xakameeyn dhaawac weeyn u geeysan kara halganka loogu jiro in wadanka amaxaaro laga saaro. Waxaa wax laga naxo ah hadaaqa hogaamiyeyaashii dhinaca dagaalka qaar ka mid ah Yihiin ragiii u sababta ahaa fashilkii kacaankii maxaakiimta , oo ilaa hada meel ay qabsadeen aan la arag iyo meel ay ka dagalamayaan, sida sh. Yousef indhacadee oo wali fari ku mudan tahay inuu halganku daacad ka yahay iyo inkale amxaaraduna ay gobolka shabeelaha hoose kaabiga isku hayaan meel uu xabad uga ridayna aanay jirin , Sh. Hassan turki, oo ku siifoobay is tus-tus iyo inuu taarkag practice ka dhigto  madaxweeyne shisheeye , taasoo wax ay soo kordhineeyso aanay jirin. Iyo in ay ku raacaan sh. Daahir aweeys inaanay ogolaan doonin in ciidamo shisheeye oo UN ka socda Somalia la keeno. Taasi maba xumee maxaa ay somali u hayaan maanta  ? oo aan ka aheeyn jab iyo halaag meel looga baxo aan jidkeedii la heeyn.  
 

Dhowr todobad mar laga jooggo ayaa waxaa la soo wariyey in madaxweeyne cabdilaahi yousef isugu yeeray taageerayaashiisa oo ka cadsady inaay dagaal isu diyaariyaan hadii aay itoobiyaanku baxaan somaliya waayo waxaa uu yiri gardheerayaal na dhaafi mayaan   UN ciidankeeduna ku difaaci mayaan , taasna waxaa inooga sii daran cadow badan oo aan ka sameeysanay qabaailada somalida oo laga yaabo in ay ku garab galaan ciidamada wadaada dagaalka ay kal soo horhjeedaan dowlada iyo kuwo aan moodno in ay nala jiraan oo wadaada la shaqeeya dhulkoodiina ay ka taliyaan  min xarardheer ilaa muqdisho.  Waxaa uu intaas ku daray arintu  sidii ay u maleeynayeen aanay noqon oo soomali meel ay joogtaba u midoowday in itoobiya cadow u tahay loona baahan yahay in dalka laga saaro. Waa inaan isku tashana aayuu madaxweynhu yiri . isagoo ay ka  muuqato welwel badan. Waxa isku duubay soomali ma ahan Sh. Xasan daahir iyo wadaada oo kaliya ee waa in Somaliya aanay ogaalaan karin in itoobiyaanku ay caruurtooda iyo hawenkooda xaafadaha ku gowracaan dibadana u dhoofiyaa sidii badeeco qaali ah tasoo ay ka siman yihiin gobolada isku sheega in ay nabada haystaan.  Waa yaabe oohdintii ku taagneeyn cabdilaahi yousef miyaanuu ka fujin tala xumida wadaadka reer jibriil, Sh xasan daahir aweeys , markii uu yiri ciidanka UN dooni meeyno, dagaalbaa inaga dhexeeya, waxa ay wadaaan sh shariif iyo sharif xasan oo hogaamiya dhaqdhaqaaqooda waxba kama jiraan. Qofka baniaadamka ahi  talo waa ka qaldami kartaa , lakiin  qof mumin ah dhowr jeer god lagama wada qaniino.  Talo xumo waxaa ahayd dagaalkii loo iclaamiyey in lagu qaaday baydhabo ee lagu laayey kumanaan mujaahidiin ah oo soomaliyeed , talihii hogaaminayey ee dagaalka u jiheeyeyna uu dibada u dhoofay maalmo ka hor intii aanu dagaalka bilaaban. Taasi ma waxaa ay ahayd talo xumo mise ku talo gal siyaasadeed? , oo haadaanta looga tuurayey  xoogagii koraayey ee ciidamadii shabaabka  oo ay muuqatay inaanay ku guuleeysan karin  dagaal fool-ka-fool ciidan dowladeed oo qalabkoodii u dhan yahay ( itoobiya) , saanadoodiina diyaar tahay . garab gardarana soo sameeystay uu dusha looga duqeeyo.   
 

Talo xumo kale miyeey aheeyn mise ku talo gal siyaasadeed   , hogaamintii ciidamada maxaakiimta ee xamar soo galay looga saaray intii cadowga itoobiya soo galin magaalada, ee la yiri dhaqaale ayaa baaba’aya ee logu gumaaday inta dhexeeysa kismaayo iyo raaskiyaambooni. Rag baa ka shaqeeyey  taladoodu ku xiran tahay meelo sare, darajo sarana ka heesta dowlado afrikaan iyo reer galbeed ah.   Tan maanta uu sh xasan daahir horseedka ka yahay talo xumadii sedexaad miyaa mise waa kala jabkii ugu waynaa ee lala damacsan yahay si mid mid loogu ugaarsado loona helo kuwa soo sheega dhaqdhaqaaqa maxaakiimta , miyaanay ahayn ragga ku taageeraya wadaadka kala tagaa ragii wax ka ogaa isku darka itoobiya iyo somalia ,  buug kasta oo wadaaad lagu jabiyeyna isagu sirteeda reer galbeedka siiyey. Ragii waraabaha u loogay shirkadii albarakat,   Ma haduu faruureey fiqi dhalay, maxaa shiiq xasan dahir haduu dal xoreeynayo asmara dhigay, muu ciidan kaxeesto oo sidii Col. umar xaashi dalki tago. Oo joojiyo codsiga uu omar xaashi ka codsay inuu ka soo horjeesto sh. Shariif, oo raaco isaga , taasoo uu omar hashi ku gacan sayray. Meeyey ragii kale ee hogaanka u ahaa muqaawamada dhinaca sh shariif jirin, miyaan rumeeysan karaa , somali waxaa shirqoolaya Sh. Sharif ahmed, Sh. Cabdiraxmaan Janaqoow, Sh. Ibraahim cadow, Dr. Mohamed abdi, Iyo shariif xasankii barlamaanka, oo rumeeysanaa rag tiro yar oo salka ku haya fikirkii fadhiidka noqday ee carta  iyo talo xumadii keentay in barka horeba amxaaro dalka timaado, miyaaneey fikirka somali inteeda badan ahayn ee gacana dagaalka lagu wado midna nabad lagu raadiyo, waxaa ila tahay in col cabdilaahi yousef iyo col. Daahir aweeys u istaageen fashilinka xal loo helo somaliya. Waxaa ila tahay hadii al helo balan cad ( Time/and day) oo itoobiya dalka looga saaro oo qaramada midoobay soo saarto goaankaas in raga heshiiska wada guleeysteen hadii kalana dagaalku meeshiisa ka sii socon doono .  .  
 

Talo iyo Tusaale 
 

Waxaa dad  badan la tahay inkasta oo halganka dagaalka itoobiya xaq yahay hadana aanay jirin TALO looga bixi karo dhibaatada dagaal ee qaranku maanta ku jiro , iyo qorshe siyaasadeed oo somaliya iyo dunidan aan maanta ku nool nahay ka gadmi karta markaad aragto inaad maanta isku ujeedo noqotaan, cabdilaahi yousef oo diidan ciidamada Qaramada midoobay la keeno, Meles sinaaw oo aaminsan inaanay somali is maamuli karin oo la hogaamiyo ee isaga loo daayo somalia kadibna uu qoloba qol yar oo qabiil ku xirto ummada kalana uga dhigo codow iyaga ka daran , kana dhaadhiciyey aduunka in somali ay yihiin kuwo mitid ah oo aan aduunka la socon karin, iyo kuwo aan wax qaybsan karin oo aan dowladnimo rabin , hadii aad UN Dhaleeceysay waxaa kuu soo baxaya inaad laf cad toobin ku heeysaan. Waxaa lama huraan ah in  isbedel siyaasadeed la helo, lagu tirtirsiiyo in itobiya marka hore dalka laga saaro , inta kaba u qaada oo ay ugu horeeyaan baarlamaanka golaha amxaaro raaca ku xigaan , haraadi kasta oo aan dan la laheeyn in qaranka iskiis u istaago uu danbeeyaan.   Inkasta oo qof kasta oo soomali ah aan talo looga maarnim loona baahan yahay in  meel wax loo wada jeediyo oo aan cadowgii aan wali bixin la qaybsamin, hadana waxaa marna laga marmeeyn in hadii hal dhinac wax loo wada wadi waayo ay hogaamiyaasha kala qaybinaya xilkooda iska casilaan oo meesha u baneeyaan kuwo ciyaari kara kaarka siyaasada maanta  , hadii kale waxaa dhici doonta in Meeshaas ku lunto dadaalkii loogu jiray sidii dalka loo xoreeyn lahaa, dadka soomaliyeed waa ka soo daaleen is qabqabsiga beelaha reer muqdisho soomalina ma maqli karto magaca qabiil oo danbe oo reer muqdisho ah, waayo qof kasta waxaa uu ka dharagsan yahay waxa ay sameeyeen jamac ahaan, iyadoo aan qof gooni ah maanta lagu faquuqeeyn, miyaanay ahayn in ummada aan la iska dhax saarin oo aanay noqon tuke cambaar leh, kuwii diinta sheeganayey sanad ka hor ee hada u soo tafaxaytay saldano jufo hoose, waxaa hadana mar kale is heeysta kuwii shalay dhibaatadan na baday oo aan marna madaxooda ka saari karin, ficil qabiil, hadii ay wadaad noqdaan, wadii wadanka loo dhiibo oo somali oo dhan ay doorato. Hadii ummadii baaba’day oo wax la xukumo aanay jirin. Miyaneey ahayn in  ummada iraadadeeda aan la hor istaagin hadii UN balanqaaday in ciidanka itoobiyya la saarayo, kan qaramada midoobay la keenayo wadankana  dowlad ku-meel gaar la dhisayo inta mid cusub laga soo dooranayo kordhis wax la yiraana aanay jirin : Sh aweeys iyo Raga yar ee la socda   miyaaneey ahayn in ay  : 
 

1. In uu taageero talada  ay inta badan isku raacaan ururka dib-u-xoreeynta somaliyeed ee uu hogaanka ka yahay Sh. Shariif  
 

2. In uu joojiyo hadalada aan loo meel dayin ee uu saxaafada siiyo , taasoo wax ay dumiso moogiye aan waxba wanaajin. 
 

3. In uu garto in wixii soomali isku diray ay weli meesha yaalaan oo aan laga heshiin sidaas darteedna aan marna laga maarmin in qaramada midoobay u dhexeeyso inta laga gaarayo wood ( vote ) loo dhan yahay. 
 

4. In wax uga weyn ummada somaliyeed aanay jirin WADAHADAL iyo   in cadowga itoobiya dalka dibada uga baxo , hadii uu u heeysto in guuli soo dhowdahay aanay fari ka qodneeyn inta dib –u-heshiisiin aanay gaarin xoogaga is haya oo golohaanu ugu horeeyaan iyo dowlada . 
 

5. Inuu ka qayb qaato in dib loo dhiso gole-cusub oo shacabka somaliyeed uu yeesho, gole xukuumada ku meel gaar ay inta laga gaarayo election. Gartana inaan Hami iyo  
 

6. Inuu u hogaansamo kitaabka Ihaay  oo tilmaamay in taferaaruqu yahay fitna  oo loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado oo la is cafiyo. Horana loo socda . waxaa ay dad badan arintani soo xusuusay halgan kale oo lagu qasaaray oo oday kale oo mudug ka yimid oo somali masiirkeeda kiisa  gaarka ah siistay. Yaa yaabe xagee u danbeeysay , miyaan wax lagu qaadan. 
 

Wabilaahi Towfiiq

Hussein Abdikarim ahmed-gendisch

Concern Citizen

Raleigh, NC , USA

Gendisch@aol.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 9, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS