Dugsiga hoose dhexe ee waaberi group ee xaafada waaberi oo bixiyey abaal
marino kala duwan...
Sawirada halkan ka daawo.... Guji
(Jun 7, 2008) Xaflada si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qeb galeen
odoyaasha iyo waalidiinta ardayda dhigata dugsiga waaberi group oo ay maal
galiyaan jaaliyadaha dibadaha ku nool ee reer waaberi ayna wax ka wartan arday
ka so jeedo qoysas danyar ah iyo agoon ayaa lagu qabtay manta xarunta dugsiga oo
ku taal xaafada cali boolaay oo ka tirsan dagmada waaberi ,
Ku xigeenka mamulaha dugsiga waaberi macaln ciise cumar nuur ayaa ii sheegay in
dugsigaan ay dhigtaan arday garayso ilaa 300 labada galin maalin kasta jimcaha
mooyee wuxuuna intaa ku daray macalinku isaga oo hadalkiisa sii wata in ardayda
lagu baro manhajka somaliga qeybtiisa Kenya ayna wax ku bartaahn luqada
ingiriiska marka laga reebo somaliga,carabiga ,iyo tarbiyada islaamka ,
Dugsigaan ayaa maacalintiisa gaarayaan ilaa 7 macalin oo waxbarashadodu tahay
ilaa dugsi sare halka qaarkoodna ay hada jaamaca dhigtan ,
Munasibadii xaflada manta ayaa waxaa loogu duceeyey maalgaliyeyaasha dugsiga
waaberi oo ay ka mid ahaayeen xaawa Maxmed ( la helow ) iyo Cabdi Maxmaed sheikh
oo iyagu codsaday
Xaflada manta lagu qabtay xarunta dugsiga ayaa aheyd mid abaal marino lagu
gudoonsiinayey ardayda ugu darajada sareyso oo loo qeybiyey 1aad ,2aad ,iyo 3
aad
Arintaa suurgalnimadeeda ayaa waxaa qeyb weyn ka qaatay caruuska iyo caruusada
ku nool dalka ingiriska oo iayagu bixiyey qarashka abaal marnta ardayda kuwaas
oo kala ah Cabdi maxamed Sheekh iyo xaawa maxamed Xasan lahelow
Aradaydii manta la gudoonsiyey abaal marinada ayaa si aad ah ugu farxay wax
yaabaha la siiyey oo ay ka mid ahaayeen ,kitaabo quraan,buufin, buugag, nacnac ,
qalin qori , iyo baqshado xiran oo ay lacagi ku jirto sidoo kale waxyaabha ay
caruurtu ku cayaaraan oo loogu talagalay in ay ku farxaan ,
Sidoo kale dadkii ahlakaa ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamuud mahdi cali
oo ku hadlayey magaca waalidiinta ardayda isaga oo u mahad celeiyey qaban
qaabiyeyashi xafladaan iyo kooxda waaberi group oo isu taagtay in ay dhibaatada
ka saran dadka reer waaberi waxaana baal marino kala duwan la gudoonsiiyey ilaa
12 arday oo keenta imtixaankii teeramka darajada 1aad ,2aad iyo 3aad
Ustaad Cali Rooble Nuur ayaa sheegay in bilowgii dugsigaan la furayey jireen
arday aan waxna qorin waxna aqriyin balse manta ay ka baxeen sidaa oo ay waxna
qoraan waxna aqriyaan
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2008