SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cidamada Ethiopia Iyo Kuwa Dowlada KMG ah Oo Dad Rayid ah Ku Dhaawacay Degmada Dharkeynley

Ciidamada Ethiopia Iyo Kuwa dowlada KMG ah Ee Lagu soo Tababaray Adis-ababa oo is garabsanaya ayaa Habeenkii Xalay ahaa isku fidiyey Degaanka Degmada dharkaynley Iyagoo halkaasi Dhaawacyo kala Duwan ugu gaystay dad Rayid ah Oo aan waxba Galabsan .

Goob Jooge magaciisa Kusoo Gaabiyey maxamed ayaa saxaafada U sheegay In Ciidamada Ethiopia iyo Kuwa copiga Loo Yaqaano ee lagu soo tababaray adis-baba ay isku fidiyeen Deegaankaasi islamarkaana Ku dhaawaceen Hal Qof oo rayid ah oo Xiligaas marayey sida Uu sheegay goob Joogahaasi Wadada dheer ee agagaarka dabakaayo Madow.

Sidoo kale Xaalada degmada dharkeynleey ayaa Saaka Degan kadib markii ay Saaka waaberigii Ka bexeen Ciidamadasi iyagoo la sheegayo Inay dad Rayid ah oo aan La sheegin Tiradooda ay ka qab qabteen Halkaasi Lamana Oga Halka ay geeyeen dadkaasi .

Si Kastaba Ha ahaatee Cidamada isku Jirka ah Ee Ethiopia iyo Kuwa dowlada ayaa Tiro ka dhowr jeer weeraro U gaysta dadka rayidka ah ee an waxba Galabsan islamrkaana Inta ay Qab qabtaan Xabsiyada u Taxaaba waloow qaarkood aan la Ogayn Halka Ay Geeyaan .

Sh,Maxamuud Ibraahin Suuley Oo Sheegay Mar Kale Inay Dagaalka ay Kula Jiraan Ciidamada Ethiopia ay Sii Wadi Doonaan

Golaha Maxaakimta islaamka soomaaliyeed ayaa Mar Kale shaaca Ka Qaaday Inay sii wadi doonaan Dagaalka ay Kula Jiraan Ciidamada Ethiopia ee Dalka Soomaaliya Ku sugan Taasoo ay sheegeen inaysanJoojin Doonin dagaalka Doonin dagaalka Ilaa Iyo inta ay iskaga Baxayaan dalka Soomaaliya

Afhayeenka Dhinaca Siyaasada Ee Golaha Maxaakiimta islaamka Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud Ibraahim Suuley Oo Ka Hadlay Qaar ka Tirsan warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday Inaysan Marnaba Ka Raali Noqon Doonin In Ciidamada Cadowga Ethiopia ay dalka soomaaliya Ku sugnaadaan islamrkaana ay Dagaalka Wadi doonaan ilaa ay Ku dhamaadaan ama Iskaga baxaan .

Sidoo kale Shiikha Oo ka hadlay arimo dhowr ah ayaa kaloo carabka KU adkeeyey Dilalka Loo Gaysanayo dadka Wax galka ka ah Bulshada dhexdeeda inay Ka dambeeyaan cadowga Illaahay Oo Ula Jeeday Ethiopia iyo Inta Tageersan islamrkaana Ugu Baaqay Mujaahidiinta inay arintaas Fiiro gaar ah U yeeshaan kana Hortagaan dadka inta La Dilo Lagu soo Tuurayo suuqa bakaaraha Oo Uu sheegay In la doonayo in dadka mar kale la Bililiqaysto .

Dhinaca kale Afhayeen Sh,Maxamuud ibraahin Suuley ayaa Arin Qaldan Ku Tilmaamay Sida ay Golaha amaanku U banaysanayaan Xeebaha soomaaliya Iyagoo kusoo gabanaya Ayuu Yiri Burcad badeeda islamrkaana sabab ka dhigay in Xiligii ay Nabada dalka Soomaaliya Noqday ee Lixdii bilood ay Bur Buriyeen cadowga Aan Raaliga ka ahayn Shareecada islaamka waa siduu hadalka U sheegaye

Si Kasataba Ha ahaatee Hadalka Sheekh Suuleey ayaa Kusoo Beegmaya Xili ay Dagaalo Faraha Lagaga Gubtay ay Ka Socdaan Gudaha Caasimada Iyo Meelo kale islamarkaana U dhexeeya Xoogaga Diidan Joogitaanka Ciidamada shisheeye Iyo Siyaasada dowlada Iyo Ciidamada Huwanta ah Ee Ethiopia ,Dowlada iyo Amisom

Yaasiin Maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

somalitalk Muqdisho

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS