SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad heer sare ah oo ay ku kulmeen Ururka Initiative of Change iyo Xisbiga HA NOOLAATO

Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo ay ku kulmeen Xisbiga HA NOOLAATO iyo Ururka Caalamiga ah ee Initiative of Change ayaa habeenkii xalay ka dhacday xaafadda Westminister ee bartamaha magaalada London.

Xafladdan oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Caalamiga ah ee Initiative of Change oo ka sheqeeya nabadda, is aaminka iyo wada noolaanshaha shucuubta dunida ayaa waxa lagu soo dhoweynayey Xisbiga HA NOOLAATO oo dhowaan waddaniyiin iyo aqoon-yahanno Soomaaliyeed kaga dhawaaqeen cariga Ingiriiska.

Ugu horrayn xafladda waxa ka hadlay xiriiriyaha Ururka Initiative of Change Mr Jim Baynard Smith oo ka waramy wax-qabadka iyo taariikhda ururkooda. Mr Baynard Smith wuxu halkaa si weyn ugu soo dhoweeyey Xisbiga HA NOOLAATO isaga oo tilmaamay in aannu muddo dheer arag siyaasiyiin Soomaaliyeed oo aragtidaa fog leh. Waxa kale oo isna xafladda ka hadlay Peter Riddell oo ka tirsan Ururka Caalamiga ah ee Initiative of Change oo ka waramy dhibaatadii dunidu soo martay iyo sidii looga heshiiyey. Peter Riddell wuxu tusaale u soo qaatay sidii looga heshiiyey dagaalkii labaad ee dunida oo ay ku dhinteen in ka badan 30 malyuun oo qof, heshiiskaas oo baajiyey in aan dagaal dambe Yurub ka dhicin.

Waxa isaguna halkaa khudbad aad u qiiro badan ka soo jeediyey John Browne oo madax ka ah guddida la baxday National Sorry Day ee madaxda Australia ku khasbay in ay raalli gelin ka bixiyaan dembiyadii laga galay dadkii asalka u lahaa dhulka Australia. Waxaanu John Browne si jiririco leh uga waramay halgankii ay u soo galeen in la gaaro maalinta National Sorry Day ga.

Intaas kaddib waxa xafladda lagu soo dhoweeyey Guddoomiyaha Xisbiga HA NOOLAATO Mudane Cismaan Abokor oo ugu horrayn ka waramay baahida keentay aasaaska xisbiga, taas oo uu ku tilmaamay in ay hawshan bilaabeen kaddib markii ay u adkaysan waayeen dhibaatada joogtada ah ee ka taagan dalkoodii oo halis ugu jira in laga waayo maabka dunida. Isla markaana ay ku guul darraysteen siyaasiyiintii hore in ay xal u keenaan dalkooda iyo dadkooda.

Guddoomiyaha Xisbigu wuxu ku dheeraaday ujeeddooyinka xisbiga iyo sida ay u arkaan in ay maanta Soomaaliya u badbaadin karaan. Waxaanu Xisbiga HA NOOLAATO ku sheegay mid aan hore loo samayn isaga oo kale oo ka duwan urur siyaasadeedyadii dalka soo maray oo dhan xagga afkaarta, hufnaanta dadka wada iyo sida xubnihiisu uga kooban yahay dhammaan gobalada Soomaaliya oo dhan.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Mudane Shariif Cali Shariif Axmed iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Xasan Diiriye oo ka waramay halka ay marayaan hawlaha xisbiga iyo yoolka xisbigu tiigsanayo.

Xafladdan oo ay goob-joog ka ahaayeen siyaasiyiin iyo ruug-caddaa caan ka ah geyiga Soomaaliyda oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisal Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Mudane Cismaan Jaamac Cali (Cismaan Kalluun), Cumar Salaad Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiintii waaweyneyd ee hore ee Soomaaliya, iyo madax iyo masuuliyiin kale oo isugu jira Soomaali iyo ajanebi.

Waxa kale oo iyaguna xafladda goob joog ka ahaa saxaafadda Soomalida sida TV-ga Warsan iyo idaacadda Somali On Air.

Weriye C/Naasir Cirro
cirro1982@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS