SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

C/Shakuur Cali Mire oo Cambaareeyey Dilka Weriye Naxteex Daahir Faarax.

Innaa-lilaahi Waa Inaa ilayhi Raajucuun: Waxaa caaway oo ay taariikhdu tahay 7/6/08 lagu dilay magaalada Kismaayo Weriye Nasteex Daahir Faarax oo ahaa nin dhalinyaro ah saaxiibkay ahaa, Nasteex wuxuu hiigsanayey mustqabal ifaya hase ahatee waxaa hor-istaagay qadarta illaahay kasow dhagar-qabayaal haddaan aduunka lagu cinqaabin ay sugeyso cadaaladda Rabi oo aan laga baxsan Karin.

Waxaan marka hore Tacsi u dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka tagay weriye Natxeex Daahir Faarax iyo dhamaan ummddaa Soomaaliyeed iyo gaar ahaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo intii uu sida gaar ka ah ula shaqeynayey waxaanan illaahay subxaanuhu-watacaalaa uga baryayaa inuu janatul-fardows geeyo.

Waxaan si aan kala harlaheyn aan u cambaareynayaa falkaas foosha xun ee lagu dilay weriye Nasteex Daahir Faarax oo ahaa nin dhalinyaro oo ummada u hayey adeeg xirfaddeed oo ka dhexeeyey dadka Soomaaliyeed gudanayeyna hawllihiisa ku dhisnaa mihnnada suxufinimo. Sidaas-darteed waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ay sida tooska ah arrintaani u quseyso oo ay ugu horeeyaan wax garadka iyo masuuliyiinta ku sugan magaalada Kismaayo in la iska kaashado sidii loo horkeeni lahaa sharciga iyo cadaaladda cidii geysatay fal dambiyeedkaas tiiraanyada leh ee lagu afjaray nolasha ruux muslim ah umaddiisana u hayey adeeg guud.

Nasteex waxaa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo dadaal badan, muddo yar gudeheedna ku taagsadey hawlo suxufino oo ay gaari waayeen kuwo muddo sanado ah ku jirey saxaafadda, mudo kooban oo aan wada shaqeynayney-na waxaan ku bartay hal abuur badan iyo baadi goobka wararka muhiimka ah ee bulshada ka dhex jira waxaan muddo badan ku dhiiri galin jirey ka mira dhalinta mihnadiisa suxufinimo taas oo uu ka dhabeeyey.

Waxaan aad ugu kalsoonaa inuu ka mid ahaa weriyeyaal fara ku tiris ah oo si dheeli tiran u soo gudbin jirey wararka iyo akhbarta ka jirta deegaanada ay ka shaqeeyaan.

Waxaana markale si qoto dheer u cambaareynayaa falkaas foosha xun, annigoo ku celcelinaya in ay lagama maarmaan tahay in xoogga lasooro sidii loo heli lahaa gacan ku dhiiglihii geystay dambigaas si loo mariye wixii uu mutaystay.

Dilka Nasteex waxa uu qeybka yahay silsilad dilal ah oo loo geystay suxufiyiinta Soomaaliyeed bilowgii sanadkan iyo sanadkii tagay ayadoo ay hay`adda Amnesty International ku tilmaantay Soomaaliya dalka ugu khatarta badan marka ay timaado ku shaqeynta hawlaha suxufinimo, haddaba suxifiiyiinta oo ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee bulshada waxaa ay difaac ka sugaan illaahay kasokow waa bulshada deegaanada ay ku dhex noolyihin sidiaas darted waxaan markale carabkayga ku adkaynayaa sida aan uga xumahay dilkaas loo geystay Nasteex Daahir annigoo u arka helida gacantii ka dambaysay dilka Nateex inay yareynayso dil noocaan oo kale ah oo mustabalka dhaca.

C/shakuur Cali Mire,
Raadtv International
London,uk
shakuur111@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS