SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warsaxaafadeed, Tacsi iyo Cambaareen dilkii Wariye Nasteex Daahir Faarax

Dhammaan Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed (UWS) iyo taageerayaashiisa, iyagoo ka xun kana tiiraanyeysan, waxay halkaan tacsi uga dirayaan Qoyskii, Eheladdii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Wariye Nasteex Daahir Faarax, oo si xaqdarro ah loogu dilay Magaalada Kismaayo, Soomaaliya.

Waxaan kaloo halkaan tacsi uga diraynaa Dhammaan bahda Saxaafadda, gaar ahaan Laanta AF Soomaaliga ee BBC-da ee uu ka tirsanaa. Waxaan isagana Allah (SWT) uga baryeynaa inuu Naxariistiisa Janno ka Waraabiyo. Ehelladiisana samir iyo Iimaan ka siiyo. “Aamiin”.

UWS waxay kaloo tacsi taa la mid ah u dirayaan Dhammaan dadka rayid ahaa ee ku geeriyooda maalin walba gudaha Somalia. Waxayna ALLAH (SWT) ugu baryayaan intii dhimatay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo. Ehelladoodana samir iyo Iimaan ka siiyo. “Aamiin”.

Dhammaan xubnaha UWS waxay Cambaareynayaan dilka xaqdarada ah ee loo geysto bulshada rayidka ah gaar ahaan wariyeyaasha, Odayaasha dhaqanka, Culimada, Haweenka, Ganacsatada iyo Ardayda.

Xubnaha UWS waxay codsi u jeedinayaan Dhammaan Hayadaha nabadgelyada ee ka jira Soomaaliya inay sugaan Ammaanka dadka wax ku oolka ah ee shacabka u shaqaynaaya, iyo inay bulshada ka dhex qabtaan gacan ku dhiiglayaasha falalka noocaan ah geysta maalin walba.

UWS waxay kaloo codsi u jeedinayaan Hayadaha u dooda Xuquuqda Aadanaha inay diiwaan gelin iyo baaritaan ku sameeyaan falalka dilka ah oo lagula beegsanayo bulshada rayid ah oo aan waxba galabsan.

         Xusuusnow Halku dhigga UWS.

  1. Sanadood  Jug Jug Meesheeda Joog

          Waddanigii Dhiig Lahow Kac                        

Abdullahi Jama Mohammed                                                                                                                                                

AFhayeenka Ururka Waddaniga Soomaaliyeed (UWS).                             

Toronto, Canada

soomaalibaanahay@hotmail.com   

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS