SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Meydadka dad rayid ah ayaa saaka daadsan xaafadaha lagu dagaalamayo sida ay indhahooda ku soo arkeen dad joobgoogayaal ahaa deegaanada lagu dagaalamayey ee Magaalada Muqdisho.

Sawiro halkan ka daawo....

Jun 8, 2008: Wararka ugu danbeeyey ee ka imaanaya magaalada Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saaka dagaal culus uu ka bilowday qeybo cusub oo degmada Wardhiigleey dagalkaan ayaa u dhexeeya ciidamada Ethiopia oo garabsiinaya kuwa dowlada KMG somaliya xoogagahubeysan ee kasoo horjeeda Siyaasada DF iyo joogitaanka ciidamada shisheeyey ee gudaha somaliya

Iska horimaadkaan ayaa bilowday kadib markii ciidamada DF iyo kuwa Ethiopian-ka isku fidiyeen xaafadaha Xararyaale, Geed Jaceyl iyo Laba Dhagax oo ka tirsan degmada Wardhiigleey halkaasoo dagaal ay kala horyimaadeen kooxaha hubeysan ee Muqdisho ku sugan.

Dagaalka ayaa intii uu socday waxaa barbar socday duqeyn aan loo aabo yeeleyn dadka iyo guryahay xaafadaha wardhiigley iyo howlwadaag ee magaalada muqdisho gobolka banadir waxaana ku nafwaayey dad badan oo rayid ah oo aan ku jirin dagaalka kuwaasoo guryahooda lagu dumiyey madaafiicda

Meydadka dada rayid ah ayaa saaka daadsan xaafadaha lagu dagaalamayo sida ay indhahooda ku soo arkeen dad joobgoogayaal ahaa deegaanada lagu dagaalamayey ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa Soomaalida ee fariisimaha ku leh xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo isbitaalka Digfeer ayaa madaafiic aan loo meel dayin ku garaacaya maanta suuqa weyne ee Bakaaraha, halkaasoo khasaaro xoogan ay kasoo gaartay shacabka ku sugnaa suuqaasi.

Inta la ogyahay 27 ruux ayaa madaafiicdaan ku geeriyootay halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 85-ruux sida ay xaqiijinayaan wararka aan ka helayno suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ahaa Madaafiicda ayaa waxay ku habsadeen dhismaha shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telcom dukaanka muraayadaha araga ee tokiyo wach and optiko shirkada isgarsiinta ee wacaale internet caffe guryo dadrayid ah ay daganaayeen baqaaro ku yaal gudaha suuqa Bakaaraha, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha dadka rayid ah iyo shirkadaha ay manta ku dhaceen madaficda kasoo gaartay, sidoo kale qeybaha kala duwan ee suuqa Bakaaraha ayaa madaafiicdaan arxan darada ah saaka lagu garaacayaa.

Waxaana Waddooyinka kasoo baxa suuqa Bakaaraha ee Isgoosyada Howl-wadaag iyo Bakaaraha lagu arkayaa meydad iyo dhaawacyo gaarigacano looga soo daabulayo suuqa Bakaaraha, iyadoo wararka ka imanaya Muqdisho ay sheegayaan in ilaa 70 madfac lagu ganay suuqa bakaaraha

Waxaana la ogeyn sababta ka danbeysa in Ethiopian-ka iyo kuwa DF ay madaafiicda ugu garaacayaan suuqa Bakaaraha oo aan wax dagaal ah saaka ka dhicin, balse dadku isu diyarinayeen in ay bilaabeen oo ay furtaan goobahooda ganacsiga

Shirkada isgarsiinta ee hormuud ayaa hada ka baxday ka dib markii ay madafiic ku dhaceen system-ka shirkada Hormuud ee Mobilada taasoo dadweynaha ku wareersan yihiin, waloow ay jiraan madaafiic ku dhacday xarumaha shirklado kale sida kuwa xawaaladaha qaarkood


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

oilWarar is Khilaafsan oo ka soo baxay Somaliland iyo Puntland oo ku Saabsan Ajaanib Laga Qabtay Aagga Laasqoray...
Somaliland:
Labada Ajnebiga ah waa Shiine iyo Carab..
Puntland: Ajaanibtaasi macdan kama baareyn Puntland..
Somaliland: Ajaanibtu jeebabka waxaa ugu jirey dhagxaan
Puntland: Waa kalluumaysato fasax haysta Puntland..
Somaliland: Ciidamo Puntland ayaa bililiqaystay Laasoqray
Puntland: Ciidamo Puntland ayaa Cayrsanayey Ajaanibta..
Somaliland: Ciidamada Puntland dad ayey laayeen...
Puntland: Ajaanibtu hub ayey Soo geliyeen Puntland...
Dadka Degaanka: Somaliland dadka waa lagu wareejiyey
Wararkaas iska-hor imanaya ka akhri halkan....

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS