SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararka Toddobaadka ugu Doorka wayn Leh. - Soomaaliya iyo Caalamka kale...

Ergadii Isbahaysiga oo ka baxay shirkii Jabuuti, oo haddana ku so noqotay.

Ergadii ka socotay Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya si ay kulamo ula yeeshaan QM iyo DFKMG ayaa ayaamahan shir u joogay magaaladaasi Jabuuti ee wadanka Jabuuti.

Iyagoo ilaa 3 shir ku qabtay balse natiijadoodi la gaadhi waayay, ayaa shir maanta lagu balansanaa oo la is lahaa labada dhinac iskaga hor keena, ayaa isagu fashilmay maanta ka dib markii uu soo fadhiistay Safiirka Ethiopia u jooga dalka Jabuuti.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu ah madaxa kooxda Isbahaysiga ee joogta Jabuuti ayaa isagu ku andacooday in Safiirka laga saaro Shirka si wada hadaladu usii socdaan, balse arrintaasi way suurtoobi wayday maadama ay QM hoosta ku wadato Ethiopia. Cabdiraxmaan wuxuu kaloo intaa ku daray in uu shirkani fashilmay.

Golaha Midnimada iyo dhaqanka Beelaha Hawiye way ku taagreen ka bixitaanka shirka ee Isbahaysigu ka kaceen.

Safiirkaas Itoobiyaanka ah ayaa waxaa lagu tilmaami karaa in uu isagu ka masuulka yahay qaska iyo jahwareerka meesha ka dhacay, maadama ay Isbahaysigu sheegeen in aysan meesha u iman in ay isa soo hor fadhiistaan Saraakiil Itoobiyaan ah, oo aanay u dulqaadan karin in uu goobta shirka soo fadhiisto. Nuur caddena uu ka cadhooday Safiirkaas imaantinkiisa.

Ahmadou Ould-Abdalla ayaa ugu baaqay Isbahaysiga in ay xaalada dajiyaan oo ay kusoo noqdaan madasha shirka, balse Isbahaysigu arrintaas ma suurto galin in laga dhaadhiciyo, waxay si xun u canbaareeyeen Safiirkaas Itoobiyaanka ah waxaanay sheegeen in aysan waligood wada fadhiisan doonin Safiir Itoobiyaan ah, maadama ay Itoobiya ka wado xasuuq iyo barakicin dalka Somaliya.

Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil oo isagu ka mid ah kooxda ka socota DFKMG ayaa ku tilmaamay in Isbahaysigu aanu nabad iyo xasilooni dalka ka dhacda u diyaar ahayn, sidaas darteedna aysan u diyaar ahayn shir iyo wada hadal ay nala sameeyaan, hadaanu nahay DFKMG. Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil wuxuu kaloo taageeray Safiirka Itoobiyaanka ah ka dib markii uu soo fadhiistay madasha shirka.

Wafdi tiro yar ka kooban oo uu hogaaminayo Ahmadou Ould-Abdalla ayaa kusii jeeda Hotelka ay Isbahaysigu degen yihiin, si ay ula soo hadlaan wixii dhibaato ahna laga xaal mariyo.
Hotelkan oo ay kuwada jiraan dhamaan Ergada Isbahasyiga iyo DFKMG, ayaa waxaa lasoo xaqiijiyay in uu Cabdilaahi Yuusuf lasoo dajiyay qolal (rooms) u dhaw qolalka ay ku jiraan Isbahaysigu, ka dib markii ay ogaadeen in qolalka ku xigaa uu degen yahay Cabdilaahi Yuusuf, ay goosteen in ay Hotelka iska guuraan, balse qolal kale oo ku yaalay Hotelka meel kale looga raadiyay, halkasna ay imika ku nool yihiin.

Halkaa waxaa ka cad in aysan haba yaraate wax saaxiibtinimo ahi aysan ka dhaxayn Dawlada iyo Isbahaysiga.

Ahmedou Ould-Abdalla ayaa isagu beeniyay in ay casuumeen Safiirka Itoobiyaanka ah, laakin wuxuu sheegay in ay casuumeen Safiiro badan oo kakala socday wadamada Yurub. Safiirka Itoobiyaanka ah ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay DFKMG dabada ku wadato, maadama ay Dawlada Cabdullahi Yuusuf laf dhabar Dawlada Itoobiya.

Safiirkan xalkiisu wuxuu noqday in uu galaafto Safiiradii kale ee ka socday caalamka, maadama go,aan lagu gaadhay in dhamaan Safiirada caalamka ka socda ee jooga madasha shirka dabada laga wada dhigo, uuna ku jiro Safiirka Itoobiyaanku, arrintaas ayaan la ogayn in ay hir gali doonto.

Isla maalintii ku xigtay ayaa Isbahaysigu ogalaaday in uu shirka kusoo noqdo ka dib markii lala yeeshay wada hadalo dheer. Wali ma cadda qodobada ay isla meel dhigeen Isbahasyigu iyo DFKMG.

Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa la sheegaya in uu ku soo jeedo wadanka Jabuuti isaga iyo xulufo uu wato, waxaana la xaqiijiyay in ay QM u yeedhay si ay aragti buuxda uga qaatan fikradooda ku aadan shirkan ka socda Jabuuti. Daahir Aways iyo xulafadiisu lama sheegin in ay shirka ka mid noqon doonaan ama ay ka qayb gali doonan.

Isku soo wada duubo, DFKMG oo iyadu xidhan shaadh Itoobiyaan ah, iyo Itoobiyaan xidhan shaadh QM ayaa ah meesha kaliyah ee wali la isku maandhaafsan yahay maadama uu Cabdillahi Yuusuf sheegay in hadii ay ciidamada Itoobiyaanka ahi baxaan, ay Dawladiisu dhacayso.

Brack Obama oo noqday musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga.

Sen. Brack Obama oo ah nin u dhashay qawmiyada Madawga ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee Madaw ah ee kusoo baxa doorashada Madaxwaynaha dalka Maraykanka, xisbigiisuna uu yahay Xisbiga Dimuqraadiga.

Hillery Clinton oo iyadu la tartamaysay Sen.Obama in ku dhaw 16 bilood, ayaa ka dib markii uu Obama ku guulaystay ugu hanbaliyeeysay guusha usoo hooyatay Obama. Hillery Clinton ayaa iyadu ku adkeesatay in aanay wali ka tanaasulin xilkeedi musharxnimo, halka la filayo in ay bari oo sabti ah caadi u cadaysato in ay ka tanaasushay.

Brack Obama ayaa ku ceceliyay in uu ku guulaystay masharaxnimada Xisbiga Dimuqraadiga, balse Hilley Clinton arrintaas way kasoo hor jeesatay maada ay sheegtay in ay wali hadhsanyihiin gobolo kale, dadka qaar ayaa sheegay in xitaa hadii goboladaas lagu soo darro aanay gaadhayn Sen.Obama, maada uu aad codadkiisu u bateen.

Xcel Energy Center oo ah meeshii uu Brack Obama ka jeediyay qudbad ayaa halkaas wuxuu ka jeediyay hadalo dad badan soo jiitay maadama uu u xaqiijiyay shacabkiisa in uu isagu ku guulaystay musharaxa madaxweynaha dalka USA.

Isla xarunta Xcel Energy Center ayaa waxaa kasoo qayb galay ku dhawaad (18,000) oo qof, halka dadka dabada taagnaa ee ay meshu ka buuxsan tay lagu qiyaasay 15,000 oo aad xiiso ugu hayay in ay u sacabo tumaan Sen. Obama.

John McCain oo isaguna ah nin la tartami doona Sen.Obama ayaa lagu caleemo saari doona isla xaruntan Xcel Energy Center bisha September ee soo socota, ninkan ayaa isaguna carqalad aad u wayn ku ah Obama maadama ay isaguna taageeradiisu badan tahay. Brack Obama ayaa isagu sheegay in uu ka soo gudbay loolaan aad u waynaa ee uu kula jira xaaska Bill Clinton ee magaceeda la yidhaah Hillery Clinton.

Sen.Obama ayaa wuxuu taageerayashiisa kasoo jeeda wadanka Isreal ku war galiyay in ay dalka Falastiin nabad kuwada noolaan doonaan, halka Qudus uu ku tilmaamay in ay caasimad u noqon doonto wadanka Isreal.

Arrintaas waxaa canbaareeyay Madaxweynaha dalka Falastiin Maxamuud Cabaas, maadama uu ku tilmaamay dal dadkii lahaayeen nool yihiin in aan marnaba laga xayuubin karin, aanay sharci darro tahay. Waxaa kaloo ku farxay arrintaas Raisul Wazare Ehud Olmert ugana mahad naqay Sen.Obama.

Obama ayaa aad looga taageray Qaarada Afrika, iyo madawga deggen dalka Maraykankaba.

Cabdullahi Yuusuf oo ka badbaaday shirqoolo Dil ahaa.

Madaxweynaha DFKMG Cabdullahi Yuusuf ayaa mar uu u socday shirka Jabuuti ka furmi doona ee ay kuwada hadli doonana Dawladiisa iyo Mucaaradka la magac baxa Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya, isagoo jooga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaa la shegay in weeraro ay muqaawamadu kusoo qaadeen, balse ciidankii ilaalinayay ay ka badbaadiyeen dilkaas loogu talo galay Cabdullahi Yuusuf.

Wadada Maka Al Mukara mar uu Madaxweynuhu marayay ayaa waxaa lagusoo weeraray gantaalo iyo rasaas aad u badnayd, balse markii uu gaadhay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade halkaasna looga daba keenay Madaafiic kale iyo Hoobiyayaal ku dhacay garoonka qaybo ka mid ah.

Xuseen Maxamed Xuubsireed oo ah Afhayeenka khaaska ah ee Madaxweynaha ayaa isagu sheegay in ay ahayd isku day dil ahaa oo la doonayay in Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf lagu khaarajiyo, balse aanu Ilaahay ugu talo galin in uu maalinkaas dhinto.

Ilaa iyo hadda lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay goobtaas dagaalku ka dhacay, wadada Maka Al Mukaramana ay furan tahay imika ka dib markii ay ka tageen ciidamo lasoo istaajiyay si ay amaanka wadada iyo Madaxweynaha u sugaan.

Waxaa kaloo la sheegay in ay ciidamo ka soo goosteen DFKMG kuna biireen Maxkamadaha Islaamiga ee ku sugan magaalada Jawhar. Imantinka ciidamadaas ka dib waxaa gacmo furan ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha kuna sugnaa Jawhar oo aad iyo aad ugu hanbaliyeeyay. Ciidamadaas oo watay gaadiid aad u fara badan iyo hub ayaa waxaa la dajiyay Saldhiga Booliska Jowhar ay ku leeyihiin magaaladaas. Balse lama soo cadayn inta ay tirada ciidamadu tahay.

Afhayeenkii ganacsatada G. Banaadir ayaa isagana lagu dilay Muqdisho ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen koox hubaysan oo lagaran waayay meel ay kasoo baxeen iyo meel ay ka socdaan ba. Arrintani waxay warwar wayn ku abuurtay ganacsatada G.Banaadir gaar ahaan ragga ka ganacsada Suuqa Bakaaraha.

Somaliland iyo Mucaaradka oon wali is waafaqsanayn.

Jamhuuriyada Somaliland iyo Mucaaradka dalkaas ayaa shirar badan ku yeeshay caasimada dalkaas ee Hargeisa, shirarkaas oo lagu soo af jarayay khilaafyo ka dhashay muddo kordhinta loogu daray Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Kulmiye iyo Ucid oo iyagu ah labada xisbi ee ka jira Somaliland ayaa aad u canbaareeyay muddo kordhintaas, halka Riyaale ku tilmaamay eedaymo uga soo jeediyay kabadaas xisbi.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ah ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye ayaa mar la waydiiyay in uu Madaxweyne Rayaale yahay Madaxweynaha sharciga ahee Somaliland, in ay ku raacsan yihiin iyo in kale, wuxuu ku jawaabay Cabdiraxmaan (Horta heshiisku wuxuu dhammaanayaa sida caadiga ah ee dunida oo dhan lagaga dhaqmo marka wax la kala saxeexdo, iminka waaniga idiin sheegay oo arrimo ayaanu isku afgaranay, kuwaas oo heshiiska qayb muhiim ah ka ah, laakiin heshiis dhammaaday oo weli la saxeexay ma jiro, marka taasi timaado ee la saxeexdo ayey su’aashaa jawaabteeduna joogtaa, laakiin inta weli heshiisku qabyo yihiin arrintaasi way laaban tahay, isagu [Rayaale] hadduu sidaa u haysto xor buu u yahay).

Mar la waydiiyay arrimaha soo socda ee ay ka wada hadli doonaan wuxuu yidhi (Annagu sida xaqiiqdii muuqata heshiiskan 90% (boqolkiiba sagaashan) annagaa sii daynay, sababta aannu u ogolaanayna waa danta ummadda, laakiin waxa weeye xukuumadduna siday rabtay may wada helin, annaguna sidaanu rabnay maanu wada helin).

Isku soo wada duubo, waxaa cad in aanay Somaliland iyo Mucaaradkeedu wali go,aamo aanay isla meel dhigin. Carqalada ugu wayn ee soo food saaray Rayaale waxay tahay in ay shacabka reer Somaliland badankoodu aanay wada raacsaneen isaga, maadaama uu Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha xisbiga Ucid, uu ku tilmaamay in aanu Mr. Rayaale u dhalan Somaliland,balse nasiibku keenay ama ka dhigay Madaxweyne.

Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom

Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS