SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

BOOQASHADII AGAASIMAHA JAALIYADA SOMALIDA SOUTH AFRICA (SASA) EE CAPE TOWN IYO MARTI QAAD UU KAHELAY MADAXDA SOMALIDA GOBALKA WESTERN CAPE.

Ahmed Dawlo oo ah madaxa hay,adda Somali Association of South Africa SASA oo soomalida wadankan dagan u shaqaynaysay muda aan ka yarayn 10 sano waxayna sii aad ah uga howlgashaa gobalada Gauteng iyo Estern Cape.

Ahmed Dawlo ayaa ku yimid gobalka western cape booqasho 24 saac ah kadib markuu marti qaad rasmi ah ka helay hay,adda xalinta khilaafaadka ee South Africa (conflict resolution) sii uu ugala qayb qaato dood cilmiyeed kusaabsanayd waxa keenay dhibaatada jinsiyad nacayb ka iyo qulqulatooyinka baryahan ka aloosan wadanka koonfur africa .
Wuxuna ka mid ahaa 5 marti sharaf oo lafa guraysay mowdacan xalinta khilaafka kana jawaabaysay wixii su,aalo ah ee kusaabsan mowduucan isaga ah.

waxaana kamid ahaa 5 tan mas,uul; madaxa hay,adda xuquuqul insaanka k/africa mr.Jody kallopen, madaxa hay,adda xalinta khilaafaadka k/africa mrs.Zimtiri Eresamus, iyo 3 masuul oo kale oo kamidyahay Ahmed Dawlo.

Waxaa munaasabadan ooy kasoo qayb galeen dad kor u dhaafayay 250 qof qiyaastii lagu qabtay meel lagu magacaabo Center for the Books oo kutaala xudunta magaalada Cape Town habeenimadii khamiista hayd ee 5 ta bisha june 2008 .

Waxaana intooda badan dadkii meesha isugu yimid oo u badnaa dad u dhashay wadanka south africa amaba hestay dhalashadiisa ka muuqtay in ay ka xunyihiin dhabaatada loo gaysanayo dadka africaan ka ah een u dhalanin wadanka iyada oo carabka lagu dhufanayay Somaalida iyo Zimbawean ka oo ah labada qoomiyadood ee dhibaatada ugu badan ka soo gaadhay weeradii asbuucyadii lasoo dhaafay kadhacay wadanka k/africa .

Mar laga hadlay sida ay u suurta gali karto barmaamijka ay dowlada k/africa qorshaysay ee ah in intergration ka ama isfahansiin bulshada south africa iyo walaalahooda afrikaan ka ah ee kusoo doolay loogu samayn lahaa looguna celin lahaa dadka meelihi ay kasoo barakaceen ganacsigoodiina dib ugu bilaabi lahaayeen ayaa waxaa timid su,aal ah sida ay usuurta gali karto in soomaalidu shirko lanoqonkarto dadka koonfur afrikaan ka ah eey ka dhexganacsadaan si loo abuuro is afgarad waara .

Ahmed Dawlo ayaa isagoo su,aashaas ka jawaabayay kuxidhay laba shuruudood.

1-Inloo tixgaliyo somalida dhaqankooda isagoo xusuusiyay dadkii shirka fadhiyaymurti ganacsiyeed soomaalidu leedahay oo ah; Faa,iido badan oo raagta mid yar oo soo dagdagta ayaa ka roon.

2- In latixgaliyo diinta islaamka oon ganacsiga dhexdiisa lagu dari karin waxyaabaha Ilaahay xarimay sida Khamrida iyo Khamaarka oo labaduba ku badan ganacsiga dadka South African ka ah.

dhinaca kale wuxuu Dawlo shalay maalinimadii khamiista Fursad u helay inuu ka qayb galo shir ay lahaayeen Somali crisis management Team oo ka dhacay xaafada Bellville ee soomalidu sida aad ka ah u dagantahay oo lagaga hadlayay sidii dhibaatoonika jira xal loogu heli lahaa waxaana laga dhagaystay warbixin kooban oo kusaabsan dood cilmiyeedii uu ka qayb galay iyo khibrada uu wadankan u leeyahay.

waxana lawaydiiyay su,aalo la xidhiidha waxa laga fili karo dowlada maadaama oo uu aad ulasocdo siyaasada dowlada south africa iyo xalada wadankaba wuxuuna tibaaxay in dowladu ay ku adkaatay inay ka hortagto waxyaabaha dhacay taasna ay muujinayso masuuliyad xumo qayba ka mid ah laamaha dowlada sida police ka ,militariga, isagoo tusaala usoo qaatay Agritville oo ah Tuulo u dhow xaasimada wadanka k/africa una jirta 5 km wasaarada gaashaandhiga dalka k/africa intii laboobayayna ayna ciidamadu wax lataaban karo ka qabanin .

Ugudanbayntii wuxuuna Axmed dawlo dib ugu laabtay magaalada Johannesburg oo uu kasoo kicitimay markii hore .

Xadiis Xaaji Aadan
xadiis80@hotmail.com.
Cell: + 27721980051
Office: + 27219497637
Cape Town
South Africa

Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS