SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GUUXA SIYAASADDA
Afar qodob ayaan halka wax marayan ku soo koobi :-

1-ILA QOSOL SIYAASO
2- CAR IYO WIRA CAMIILADOOW FURA
3-KULA BIDCA DALAALA
4- HALGANKII WAA XUJOOBAY IYO WAA RIDOOBAY.

ILA QOSOL SIYAASO
Soomaaliddu waxay ku mahmaahda’ xabaal iyo ninkeed loo kala tag’ hadda raga Asmara ka tirsan ee Jabuuti jooga C/laahiyan hotel uga cararnay, siminaar diidnay oo dib uga qayb galnay, safiirka Itoobiya Jabuuti u joogan shirka halaga saaro niri saddex midkood bay idinka tahay ragaan qamaar siyaaso aqoon ama aan wax la dhuuman jirin oo xagga ay u socdaan ka meeraya, ama eeda idinku badato intaan karaamo ka raadinaysaan ama waaba idinka runoow godka aad ku socotaan ayaa in badan oo idinka mid ihi ogayn, sidaas waa naqaana sidaasna waa naqaana hadey arrintu sidan tahay sir bay raad ku leedahay ayeey hoboladii Daleys dhihi jirtay, fadlan maaweeladda iyo masrixiyadda ku badala runta si arrini u kala cadaato.

CAR IYO WIRA CAMIILADOOW FURA

Shirqoolkii Kenya lagu sameeyay ee ay ka soo baxeen xukuumadii loogu magac darey Idooro aan ku dillee(duqa) +abaalmarintii xumaanta(qabqablayaashi xildhibaanadda noqday)dilaa sarre haddii aan la dillin waa dalacayaaye saa la dilli waaye, iyagoo hankoodii dowlad tuula jooga ku qab jabey ayaa waxaa u qarxay kaar la yiraa la dagalanka argagxisadda oo ku soo kordhiyey cudud Tigree iyo caashaq Mareykan balse nasiib daro rag fursadda ka fa,ideysta waa noqon waayeen halsano iyo lix bilood kadib kaarkii waa dhacay markii cududii Itoobiya dhaafi wayday boqolkii 15% oo ay Xamar ka joogan, Baydhabo iyo Baladwaynoo sidii wiifoowgii marna ka guuraan marna soo dagaan ayaa raggii markii hore iyaga qandaraaska siiyey qidad cusub raadiyeen waxaa fashilmay kooxdii xiriirka caalamiga ama dalalka Soomaaliya daneeya idaacadda nalaga sheegay, waxaa lagu xijiyey U.N arrintu lagu wareejiyey kadibna shirkan baa loo gogol xaarey , waa qiddad cusub oo fashilka dhacay iyo guusha muqaawamadda lagu qarinayo, raga gabyaa waxay yiraahdan’ shilal baa lawada saran yahay shiishna soo maqane waxaad manta sheer sheerisana waa shirqool kale’ hadda ama jabuuti naf ka daya ama Tigree talo saarta walaan camiil talo ku naaloon’ car iyo wira camiiladoow fura’.

KULA BIDCA DALAALA
Qodobka Itoobiya ha baxdo iyo raggii xasuuqa gaystay ha la maxkamdeeyo waxaan ahayn oo raga reer Asmara ee Jabuuti tagey ay ka hadlayan waa bidco , U.N ha yimaad waa bidco kabiira tiiyoo waxa lagu badalanayo aan la sheegin, marya calasa wax lala qaybsana waa bidco dalaala, aduunkii wixii nagu dhacay nagu fiirsada xal laga sugaa waa ileen qayladeydiyo qalashadda waraabaha iiga maadan qabanine adigaa hunguri qabay……. .
Siminaara la baraa kuwii diinka xambaarsana waa fariin si dadban loo yiri xarfaha insaanku qoraa ka aqoon og kalamadka ALLE sidda dadka diriray loo heshiisiyo ama aan dhaho waa riwaayadii NGO laydu wax ku cunni jireen.

Gunaanadkii inta Jabuuti joogta ee ALLE dartii run ka tahay Itoobiya hadal lagu bixinaa iyadoon wax lagaga badalan ha ahaato shareecadda islaam ee hirgalinteed lagu badasho sharci insaan ama marya calas sharafta dhimatay loo nooleeyo ama kuwa Itoobiya ka xoog badan oo dalka loo saxiixo, waxan u maleynaya inay siran yihiin, kuwa dabinka soo guntay ee gada islehna karaamo la,aan bay ka macaashin.

HALGANKII WAA XUJOOBAY IYO WAA RIDOOBAY

Daraawiishtii Sayidku hor kacayey ciddi halgankooda ka hor timaad waxaa lagu xukumi jiray waa xujoobay taas oo macnaheedu ahaa madaxa halaga jaro, halgankaas waxaa laga faa,idey in Soomaliya noqoto dalka kali ah ee muslin ah ee gumaysi soo galay oo dadkooda wax gaalo noqday lagu arag, hadda halgankan cusub ee ka soo bilowday dagaalkii lala galay kooxdii la dagaalanka argagixisadda la baxday hadda laba qodob baa laga macaashay intii xumeed ee bulshadda ku dhexjirtoo la bartay iyo nimcadda xukunka islaamkoo la isku xukmiyaa leedahay oo lixdii bilood la arkay, balse maadama wali halgankii socdo in hadafkii laga lahaa oo ah dalkoo nabad ah iyo diintoo dastuur ah in arrintaas meel ka hooseysa lagu soo afjaro waa qasaaro wixii dhacay aan lagu iibsan Karin, waxa taagana aan xal u ahayn.

Sayidkii ayaa rag la diriray ugu gabyeen’ hadduu uurka kaa jiro wardigu kaama orodneene’ hadda inkastoon aaminsanahay inaan waxba laga gaareyn Jabuuti hadana hadiiba rag durduriyo maxaa loogu gabyi.

WQ Maxamed Guuleed | CAANOGEEL
caanageel@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS