SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xilligga fasaxa Ardayda Dugsida Sare/Dug.Hoose & Waajibaadka Waalidiinta

Waxaannu ognahay in sanad waliba Xilliggan oo kale ay ardadu qaataan fasax aad u dheer oo ay kaga nastaan kallahaadii ay u kalihi jireen Dugsida iyo Waxbarashadii maadiga ahayd waxaase xusid mudan Waalidka mar walba garab taagan Ubadkooda kulana jira halganka ay waxbarashada ugu jiraan Carruurtooda ku gacn siiyaan wax walba oo ay u baahan yihiin Ubadkooda,Waxaa kaloo xusid mudan Macallimiinta oo iyaguna ku dadaala sidii uu ardaygu u noqon lahaa mid dhisan oo isku kalsoon dhinaca walba waxbarashada akhris iyo qoraalba.

 
Haddaba, waqtigan wuxuu leeyahay welwel iyo walaac aad u weyn waxaanna haboon inay Waalidiinta ay muujiyaan firfircooni dheeraad ah ,sababtoo ah waxaa jira Dhallinyaro hore u fara baxsatay oo baadi goob ugu jira kuwa kale oo doonaya inay galaaftaan Qayb kale oo iyaga la mid ah,sida looga badbaadi karana waa in aad Ubadkaaga ka dhigtaa Mashquul kuna sintaa Masaajida iyo Dugsiyada Quraanka laga barto iyo Diinta si uu u noqdo mid Caqiidadiisu ay dhisan tahay ,waa inaad ka ilaalisaa inuu Xiriir la sameeyo kuwa hoos fadhiya Gidaarada ama taagan agagaarka Waddooyinka Waaweyn ee Magaalooyinka .
 
Waalidka, Macallimiinta Dugsiyada Quraanka iyo Dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan Waddamada reer Galbeedka ayaa waxaa saaran Xill aad u adag ee ku aadan Xilligan ay ardadu ku jiraan fasaxa ,si loo badbaadiyo Ubadka Soomaaliyeed isla markaana loo dhiso Mustaqbalkooda dambe ayaa waxaa haboon in loo sameeyo banaamijyo aad u xiisa badan oo aqoontooda lagu kordhinayo iyo  garaadkooda waxbarasho iyo Cilmiba, taasoo ay ardadu u baahan yihiin kuna noqon karaan kuwa horumar deg deg ah gaara .
 
Saxaafadaha Soomaaliyeed gaar ahaan TV-yda ku hadla Af-Soomaaliga waxaannu ka Codsanaynaa inay barnaamijyadooda ku daraan inay Xiriir la sameeyaan Goobaha ay ardadu fasaxa ku joogaan kana waraystaan ,habka wanaagsan ee ay uga badaadi karaan Ubadka kuwa kale ee lumay ee dhaqankii ka tegay iyo kuwa dhaqankoodii iyo diintoodii weli ku dhegan ,iyo inay soo bandhigaan habka ay u wada shaqaynayaan Waalidka iyo Macallinka Madarasadda ,taasoo noqon karta mid dhalisa guul iyo horumar aad u weyn.
 
Waddamadan reer Galbeedka ayaa waxaa jira arday Soomaaliyeed oo horay u maqli waayey Waalidkood oo maanta ku sugan Xabsiyada Waaweyn kuwaas oo ay ku haysato dhibaatooyin joogto ah , haddaba si loo badbaadiyo kuwa hadda gcanta lagu hayo waa in la adkeeyaa daryeelkooda loona dhisaa barnaamijyo ay ku badbaadi karaan oo Diin iyo Cilmi ah Aabaha ayaa wuxuu yahay Mas'uulka koowaad ee la doonayo inuu Ubadka u istaago iyadoo Hooyadu ay mar waliba tahay Kaalinta ugu Muhiimsan ee guriga lagana maarmi karin dhammaan nolosha bani'aadanka , Aabuhu waa inuu Qoyska oo dhami ku Xiraa Goobaha Waxbarashada Diiniga si Qoysku u noqdo mid qaata waddada Hannuunka ah.
 
Haddaba, maxay tahay cabsida ugu weyn ee looga baqayo Ubadka Soomaaliyeed?waxay tahay qaadashada dhaqamada Shisheeye iyo balwadaha Xun Xun ee uu khamrigu ka mid yahay oo ilaa iyo hadda ay qaar ka mid ahi ay Meherad ay ka dhigteen uguna bahdilmeen Magaalooyinka Waaweyn ee Waddamadan reer Galbeedka ahi , si loo badbaadiyo inta hadda gacanta lagu hayo waxaa haboon inaannu dadaalka kordhino noqonnana kuwa Xilkaasi guta , Sababtoo ah Ubadkeennu waa Madaxdii berrito waa kuu Dalka u tallin lahaa.
 
Aragtida ay qabaan dad badani ayaa waxay tahay in aysan arday ama dhallinyaro Soomaali ahi aysan lumi lahayn haddii uusan jirin Dagaalladan Sokeeye ee Daba dheeraaday iyo Xasilooni darra ka jirta Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Gumeystaha ee ku sugan Dalka intaa oo dhami ay Sababeen in ay Qoysas fara badani ay ku firxadaan dhammaan dunida Daafaheeda qaataan Dhaqankii Qolyihii ay derriska wadaageen ku qaabilay Qaxootinimada.
 
Tarbiyada iyo Aadaabta ardayda ayaa waxay tahay mid muhiim ah una baahan in tixgellin la siiyo waxaad arkaysaa inuu yahay waqtigan waqtiga keliya ee Sanadka Waalidka iyo Ubadku ay wada sheekaysan karaan ayna tahay in Ubadka laga dhiso dhinaca Tarbiyada iyo Aadaabta , Waqtiyada kale ee Sanadka ayaa waxaad moodaa inay adag tahay inay isku waqti wada kulmaan Shaqada iyo Waxbarashada oo waqtiyadoodu kala gedisan yihiin darteed ,haddaba waxaa haboon inay waqtiga laga wada faa'idaysto si horumar loo gaaro.
 
Guusha iyo Himilooyinka aannu higsanayno ayaa waxaa ugu horeeya in aannu Ubadka haddii ay marin habaabaanna bulshadii oo dhami waxay noqonaysaa mid marin habowday
Ubadku waa Ubaxii Dalka waxaana wanaagsan in lagu dadaalo Warbarashadooda , Caafimaadkooda, Tarbiyadooda, iyo Aadaabtoodaba, si ay u noqdaan kuwa loo aayo ama ay u noqdaan berrito Waalid wanaagsan oo dhala Ubad wanaagsan oo ka dhisan Diinta.
 
Gabagabadii iyo Maqaalkani aannu kaga hadlaynay Xilligga fasaxa Ardayda Dugsiyada Sare Dugsiyada Hoose ayaa waxaannu ka codsanaynaa dhammaan Jaalliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waddamadan reer Galbeedka inay u dhimriyaan Ubadka Soomaaliyeed kuna dadaalaan sidii loo badbaadin lahaa , Waxaanna si gaar ah uga Codsanaynaa Waalidiinta iyo Macallimiinta inay samaystaan Barnaamijyo gaar ah si aysan ardadu u helin waqti ay uga baxsadaan akhrinta iyo Qoraalka Qur'aanka iyo horumarinta tarbiyada iyo Aadaabta.
 
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.