SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Warqad Furan oo ku Socota Kooxda la Baxday Xoraynta Soomaaliya (Shirka Jabuuti)

Assalaamu calaykum wa raxmatullaahi wa Barakaatuhu

Soomaalidu meelay joogtaba dareenkeedu aad buu kacsanyahay, quluubtooduna waxay joogtaa Jabuuti, waxayna dhegaha iyo indhaha ku hayaan war baahinta, iyagoo qaba walwal badan kana baqaya in shirku fashilo.  Wuxuu shacabku aad Allaah uga baryayaa inuu isu dumo quluubta nimanka walaalaha ah oo kala jiidanaya shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa ka muuqata koox aan innaba qadarinayn dareenka shacabka iyo dhibaatada haysata midna, waa kooxda tiri Soomaaliyaan xoraynaynaa, waa koox ay adagtahay in la fahmo waxay doonayaan, waxaan u malaynayaa xattaa iyaga inayan u caddayn waxay rabaan, hadday garanayaanna waxaa ka qaldan dariiqay ku raadin lahaayeen. 

 Kooxdaasi malaha ma garanayaan, dareenka dadka geedaha hoostooda yaalyaal oo aan haysan waxyaabaha aas aaska u ah nolosha qofka, oo ay isugu darmadeen gaajo, haraad, jiro, dhaxan, qorax, baqdin, walwal iwm, markay maqlaan koox hebla shirkii ma imaan sababna aan loo sheegin, hoteelkii waa ka guureen sababtoo ah Fulaan baa soo dagay, shirkii waa ka baxeen sababtoo ah Calaan baa soo fariistay, waxaad mooda inay iska cayaarayaan, aad waxaa u kala fog meesha Soomaaliya taal iyo sida loo dhaqmo.

Shalay waxay yiraahdeen Dawladda hor fariisanmayno, waa yaabe yaa wax kala dhexeeyaan oo ay la xaajoonayaan?    

Shacabka Soomaaliyeed uma baahna inuu maqlo waxaan nabad ahayn, wuxuuna taaganyahay sidii dhurwaagii la yiri hadba kii usha ka daa yiraahduu dhankiisa isu burshaa. 

Waxaad cudadaar ka dhigataan Itoobiyaa shacab xasuuqday, Itoobiya ha baxdo, qofka dhintay baa ka xanuun yar boqolaalka kun oo silica ku nool idinkuna aad dushooda kuraasi ku gorgor tamaysaan.

Itoobiya shalayna si dadban baad uga qayb qaadateen inay Soomaaliya qabsato, maantana albaabkay ka bixi lahayd baad inta quful ku jabiseen isla hor taagteen hadal iyo madfac aan hadaf muuqda higsanayn.  Waxaad xaqiiqa ahaan u ogtihiin inaan Itoobiya maalin sii joogi karin haddii Soomaaliyi heshiiso.  Shaki iigama jiro haddii shareecada islaamka lagu dhaqmi lahaa in idinka laysugu kiin rogman lahaa oo laydinla diriri lahaa ilaa aad nabadda qaadataan, qur’aan (49:9) laakiin waxaan taaganahay maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa!

Ugu dambayntii waxaan idin leeyahay Allaah uga baqa shacabka masaakiinta ah, waxaan soo xiganayaa oraahdii Xaashi Yaasiin Cismaan oo ahayd “nimanyohow raggii meeh” waxaa run ah Soomaaliya ragganimay u baahantahay.  Ragganimadu kuma koobna nimanka kali ah, oo waa loo adeegsadaa mararka qaarkood haweenka, waxaana la yiraahdaa
 

waa qof rag ah iyadoo laga hadlayo qof haween ah.

 Allaah Xaqqa hayna waafajiyo

Cabda12@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS