SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Banaanbax kadhacay Magaalada Cape Town Ee Wadanka Koofunrta Afrika

Banaan bax looga soo horjeeday danbiyada iyo jinisiyad naceybka dalka koonfur africa ayaa June 2, 2008 ka dhacay magaalada Cape Town ee gobalka western cape.

Mudaharaadkan ooy soo qaban qaabiyeen gudiga maaraynta musiibooyinka somalida kana qeyb galayeen dhamaan qaxootiga ku dhaqan wadan kan koonfur africa ayaa shalay abaarihii 10:00 am.
02-06-2008 ka bilowday dagmada 6aad ee magaalaada Cape Town.
dadkaan oo socod kumaray qeybo kamid ah laamiyada magaalada waawayn ee Cape Twon dadkaasoo ku qalabaysnaa boodhadh ay ku qornaayeen erayo lagaga so horjeedo jinsiyad nacaybka iyo kala qoqobka africa

Dadka Mudaaharadayay oo isugu jira dhamaan ajaanibta wadankaan ku nool oo dhan ayaa socodkoodii ku tagey Guriga Barlamaanka hortiisa halkaasoo gudidii So qabanqaabisey Mudahaaradkaan oo ay hor kaceysey Communitiga soomalida wadanka koonfurta Afrika ku kuwareejiyeen waraaq cabasha ah nin ka socday xafiiska madaxweynaha wadanka mudane THABO MBEKI oo lagu magacaabo Mr David Crucer iyo ninkale oo ka socday laanta nabad galiyada wadanka u qaabilsan Baarlamaanka .

Madaxdaan ka socotey Xafiiska Madaxwaynaha ayaa waxay u balan qaadeen dhamaan gudiyadii ka soo qayb galay Mudaharaadka oo ay ka mid ahayd soomaalida dagan wadanka Koofurta Afrika inay madaxweynaha farta kasaari doonaan cabashadooda, cabashadan oo qodobo badan oo muhiim ah ka koob nayd ayaa waxaa kamid ahaa :- In magdhow la siiyo dadkii hantidooda la dhacay, In la abuuro laan sirdoon oo ka warhaysa shirqolada ay maleegayan danbiilayaashu si looga hortago inta aan la gaysanin xadgudubka ,In loo fududeeyo sharciyada dadka wadanka soo galay lana siiyo sharci rasmi ah kuwii sii joogay wadanka muda 5 sano ka badan sida uu sharcigu dhigayo, iyo in loo ogolaado in UNHCR tu faragaliso dadka aan ku noqon karin TUULOOYINKA ee cabsidu hayso .

Dhinaca kale walow dadka mudahaaradka qaban qaabiyay ay isku dayeen inay qanciyaan dhamaan qaybaha ay khusayso arintanu waxaa jiray dad aan ku qancin cabashadaas buuqna ka dhaliyay mudaharaadka dhexdiisa oo iyagu ku adkaysanayay in ayna la hadlaynin dowlada Koofur Afrika iyagoo ku andocoonaya in ay la kulmaan UN ta laakiin nasiib daro UN ma imaanin goobta mana la hubo in ay dhagaysan doonaan cabashada daadkaasi maanka ku qaba iyaga oon o golayn in ay la hadlaan cidkale sida laga yaabo in aad ka akhrideen jariiradaaha wadankana waxay UN tu horay u cadaysay mowqifkeeda in ayna jirin wax ay ugu tala gashay dadkan la barakiciyay maadaama ooy arintanu Dowlada South africa u taalo ayna tahay dowlad qaabishay qaxootiga .

Si kastaba ha ahaatee waxayna arintaasu u dhaadhicin dad badan oo ajaanib iyo soomaaliba leh oo hantidoodii lagu boobay weeradii wadankan ka dhacayay Sadaxdii asbuuc ee lasoo dhaafay waxayna ku adkaysanayaan in ayna joogi karin wadankan waxayse tahay su,aashu xagee kaloo u furan inay aadaan Hadaad soomaaliya dhihi lahayd iyada oon axmaaro joogin ayay kasoo carareen UN haday dad dibad u qaadaysana waxay qaadi lahaayeen kuwa galayda cagaaran lagu quudiyo Dhadhaab iyo Kakuma (xeryaha qaxootiga Kenya 18 sano kujira) xaqiiqdu waxay tahay in ay u baahanyihiin in ay fakaraan kuna tasahadan naftooda Ilaahayna tala saartaan iskana iloobaan in UN wax ooga qaban karto dhibka saaran .

Mohamed Ismail
mismacil@live.co.za
Johannesbrug
South Africa

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS