SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
03 Jun 2008.


Dagaallo si xun loogu jabiyay ciidammada gumaysiga
Dhibaatooyin dil iyo xidhay isugu jira oo gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Golaha Ammaanka oo la kulmay dhinacyada Soomaaliya
Shirkii ururada dhalinyarada Ogadenya ee Yurub oo guul kusoo dhamaaday.
Waraysi xildhibaan Kieth Allison oo ka tirsan baarlamaanka Maraykanka
Wargayska kasoo baxa Denmark oo dhibaatada Ogadenya wax ka qoray.
======================

Dagaallo si xun loogu jabiyay ciidammada gumaysiga

Toddobaad iyo badh gudohood waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya laga dilay ugu yaraan 160 askari, ka dib dagaallo dhex-maray iyaga iyo CWXO. Waxaa sidoo kale muddadaas gudeheeda laga dhaawacay 61 askari inta la ogyahay. Waxaa kaloo laga gubay 2 baabuur oo Uuraal ah iyo hub aad u fara badan, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasina waxay u dheceen sidatan;

02/06/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Garoonka, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

01/06/08 dagaal ka dhacay Lix-irridoodka, oo Caado u dhaw, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 01/06/08 dagaal ka dhacay Qorile waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 9 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

31/05/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Lix-irridoodka, oo Caado u dhaw, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

30/05/08 dagaal adag oo ka dhacay Jiic-buur, oo ka tirsan degmada Dannood, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 15 askari, 16 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 30/05/08 dagaa isaguna ka dhacay Toon-ceeley, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

29/05/08 dagaal isaguna ka dhacay Farmadow waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

28/05/08 Duud-ciid, oo Qabridaharre ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 28/05/08 ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Karin-bilcille, oo Qabridaharre ka tirsan, ayaa weerar mir ah lagu qaaday, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

25/05/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugana Nus-dariiqa, waxayna ka dileen 7 askari, 5 kalana way ka dhaawaceen.

Cutub ka tirsan CWXO ayaa isaguna weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Yucub markii ay taariikhdu ahayd 25/05/08, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin. Isla taariikhdan kor ku xusan waxaa sidoo kale magaalada Wardheer gudeheeda lagu dilay sargaal u shaqayn jiray ciidammada gumaysiga Itoobiya.

Isla 25/05/08 dagaal ka dhacay Dudumo-cadka, oo degmada Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 25/05/08 weerar ciidammada gumaysiga loogu gaystay Dig, waxaa lagaga dilay 1 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

24/05/08 dagaal ka dhacay Wabi-yar, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

21/05/08 dagaal isaguna ka dhacay meesha lagu magacaabo Magool, oo ka tirsan degmad qabridaharre, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Baabuur la gubay


Dhinaca kale 30/05/08 waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya baabuur Uuraal ah lagaga gubay Bullaale, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkii iyo askartii saarnayd oo 50 lagu qiyaasay. Waxaa sidoo kale baabuurkaas lagu gubay hub iyo saanad badan oo ciidammadaasi wateen.

20/05/08 waxaa sidoo kale ciidammada gumaysiga baabuur Uuraal ah lagaga gubay Galadiid, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaana baabuurkaas lagu gubay in ka badan 50 askari oo saarnaa iyo hubkii ay wateen.

Dhibaatooyin dil iyo xidhay isugu jira oo gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Dil

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay adwayne rayad ah. Dhibaatooyinkan waxaa ka mid ah dil, dhaawac, xidhay iyo dhac, waxayna ka dhaceen meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.

30/05/08 Toon-ceeley, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin lagu magacaabo Naasir C/qaadir.

Isla 30/05/08 waxay ciidammada gumaysigu Bullaale ku dileen labo nin oo lagu kala magacaabo Wayrax Maxamuud Shafad iyo Maxamed Sulub.

Dhaawac

02/06/08 Meermeersane, oo Awaare ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dhaawaceen nin lagu magacaabo C/llaahi Xirsi.

30/05/08 Gaagaab, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu dhaawac ugu gaysteenKhaliif Ibraahim.

Dhac

17/05/08 Wabi-yar, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu adduun gaadhaya 10,000 oo Bir kaga dhaceen Ina C/llaahi Xaaji Bisle oo magaciisa hore aanaan haynin.
Xidhay
31/05/08 waxay ciidammada gumaysigu Yoocaale ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Mustafe Urur Maxamed
2- Sh Daa’uud Camaey
3- Axmed Dhaga-laab iyo
4- Aaden Gacamey
Dhinaca kale sida uu ku soo warramayo wariyaha noo jooga magaalada Jigjiga waxaa shir degdeg ah la isugu yeedhay maamul ku-sheeggii Kililka, iyadoo shirkan lagu amray inay yimaadeen wakiillada gumaysiga heer gobol iyo heer degmo labadaba. Lama sheegin waxa shirkan lagaga hadli doono, hase yeeshee waxaa maamul ku-sheegga la isugu yeedhaa oo kaliya marka awaamir cusub la siinayo.

Golaha Ammaanka oo la kulmay dhinacyada Soomaaliya

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isniintii magaalada Jabuuti kula kulmay qaar ka mid ah dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya, si uu dhinacyadaas ugu dhiirr galiyo inay soo afjaraan dagaalka ka socda dalka Soomaaliya
Xubnaha Golaha Ammaanku waxay la kulmeen ergadii dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya oo horkacayo madaxwayne C/llaahi Yuusuf iyo ergada ku hadlaysay magaca Isbahaysiga Dib U-xoreynta Soomaaliya oo u horkacayo Sh Shariif Sh Axmed.

Kulankan ayaa lagu beegay furitaanka shir magaalada Jabuuti uga billowday dowlada ku meelgaadhka ah iyo qayb ka mid ah ururka mucaaradka ah ee Isbahaysiga Dib U-xoreynta Soomaaliya, oo ku kala qaybsamay shir fool-ka-fool ah oo lala galo dowlada ku meelgaadhka ah, ka hor intaan la isla meel-dhigin arrinta sida wayn la isugu khilaafsan yahay ee ah joogitaanka ciidammada Itoobiya ay joogaan dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah madaxda ugu sarraysa Isbahaysiga Dib U-xoreynta Soomaaliya ayaa xubnaha shirka uga qayb galaya ku tilmaamay inay yihiin kuwo iskood isu magacaabay, isla markaana aan matali karin Isbahaysiga, halka ay kooxdaasina ku adkaysanayso inay iyadu matasho Isbahaysiga.

Hase yeeshee diblumaasiyiinta Golaha Ammaanka ayaa sheegay in kala qaybsanaanta Isbahaysigu aanay wax dhib ah ku haynin. Safiirka Koonfur Afrika Dumisani Kumalo ayaa sheegay inayna marna suuragal ahayn in dhinacyada is-haya oo dhan hal mar la isu keeno. Wuxuu intaas raaciya “Waxaa muhiim ah in meel uun laga billaabo, halkanina waa meel aad ugu fiican in laga billaabo
03 Jun 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS