Taageeridda Mowqifka Ururka Isbaheeysiga Did u Xoreenta Somaaliyeed.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed nabadda,Midnimada iyoCadaalada Gudoonka,gudiga Fulinta,Golaha dhexe iyo Guudahaan Xubnaha iyo Taaageerayaasha Dhaq-dhaqaaqa waxaanuhalkan ku soo gudbineeynaa War-Saxaafadeed Rasmi ah kunaSaabsan Xaaladaha ka taagan Dalkeena Hooyo(Somaaliya).
-Dhaq-dhaqaaqu wuxuu si weyn u soo dhoweeynaaya go'aankaUrurka dip u Xoreeynta Somaliyeed qaatay wuna kula kulmayXudbnaha Golaha Amaanka iyo Wakiiladda Beesha CaalamkaMagaaladda Jabuuti Caasimadda Dalka Jabuuti, si cadna ugusoo bandhigeen Xaaladda rasmiga ah oo ka taagan Dalkeenaiyo Tacdiyadda.Xadgudubka xad dhaafka ah oo laga gelaayoShacabka Somaaliyeed eeyna geeysanaayaan Ciidanka CadoowgaGumeeysiga Itoobiya iyo Meleeshiiyaadka Rajiimka Fadhiidkaah.
-Dhaq-dhaqaaqu wuxuu si weyn u soo dhoweeynaayaa TaladaSaxan iyo Go'aanka Geesinimadda leh oo Hogaanka Sare eeUrurka Dip u Xoreeynta Qaatay,kana duulaaya Nidaamka iyoXeerarka aasaasiga ah oo Tiirarka u ah Isbaheeysiga lagunagaarsiinaaya Ururka Caalamiga ah iyo Aduunka oo dhan xogtadhabta oo Dhulkeena ka jirta si weyna lid ugu ah qorshahaBeen been ku saleeysan iyo Riwaayad Caruureedka eey wadanRajiimka Fadhiidka ku meel gaarka ku magacaaban taladanaka qaata Adiis Aaba, una u horseed Dalka iyo Dadkaba ineey galaan Heeryadda Gumeeysigga.
-Dhaq-dhaqaaqu wuxuu xaqiijinaayaa in IsbaheeysiggaSomaaliyeed yahay Codka,Damiirka iyo Qiirada Somaaliyeedoo Nool kana Turjumaaya Rabitaanka Aqlabiyada Shacabkaoo si weyn ugu ooman dib u soo celintii Xoriyadii,MadaxBanaanidii iyo Qaranimadii Qaaliga aheyd,Codka GumeeysiDiidka Somaaliyeed eeyna ku mideeysan yihiin Culimaadu-Diinka Aqoonyahanka,Xubnaha Barlamaanka xorta ah, QurbbaJooga Iyo Shakhsiyaad Maqaam Xurmo weyn ku leh BulshaddaDhexdeeda Iyo Ururdda Bulshadda Rayidka ah.
-Dhaq-dhaqaaqu wuxuu si weyn u soo dhoweeynaayaa unaTaageersan yahay Khudbadii Qiimaha weyn laheyd GudoomiyahaGudiga Fulinta Isbaheeysigu ka jeediyeey Fadhigii GolahaAmaanka UN-ka ku yeesheen Magaaladda Jabuuti 02/05/2008kuna cadeeyeey halka eey taagan tahay xaalada DalkeenaHooyo,weliba sida ku haboon ugu taag-taagsaday DuulimaadkaCad oo Dowladda Itoobiya dalkeena ku qabsatay iyo Dhibkaeey Shacbka ku heeyso, wuxuu tilmaamay Noocyada xadgudubiyo Xasuuqyadda xad dhaafka:- Dilka,Far-xumeeynta, BoobkaHantidda Ummadda,Bara-kiciinta iyo Af-duubka Joogtada ah.
-Dhaq-dhaqaaqu wuxuu si cad u taageersan yahay Qodobadakala ah:-
1-In Si Shuruud la'aanta Ciidmadda Gumeeysiga Itoobiyauga baxaan Dalkeena Hooyo(Muddo aan ka Badan kareeyn 45/60Maalmood),Hadii baahi weyn oo Ciidamo Nabad illaalineedtimaado la keeni karaayo kuwo ka Socdda Dunida Carabta iyoAfrika oo aaney ku jiriin Dowlaha Deriska iyo kuwa looarki karaayo in eey gacan saar laheeyihiin,lana XadidaayoWaqtigo joogitaankooda iyo Shaqadeedaba.
2-In La Abuuro Maxkamadda Dembiyadda Dagaal Somaaliyeedlana hor-keeno cidii lagu cadeeyo ama lagu soo eedeeyo ineey galeen Dembiyadaas hadii eey Noqon lahaayeen XubnahaCiidanka Itoobiyaanka/Maleeshiyaadka Rajiimka iyo Cidiikaleba.
3-In Xal u helidda, Nabadeeynta iyo Nidaamka Dalka iyoDadka Somaaliyeed qaadanaayaan iyagu xaq u leeyihiin lagaJoogiyo fara-gelinta Shisheeye weliba si gaar ah looguXusan Dowladaha Deriska.
4-In loo baahan in sida ku haboon loo taakuleeyo gargaarBani-aadaminimona loo fidiyo Malaayiinta ku Bar-kacsanGudaha Dalka Somaaliya oo xaalad adag ku sugan waqtigan.
-Dhaq-dhaqaaqu wuxuu ku boorinaayaa guud ahaan UmmaddaSomaaliyeed ee leh Dareenka iyo Damiirka Wadaniyadeed eeyla Duubtaan Ururka Isbaheeysiga,taageero buuxdana siiyaanQorshahooda dib loogu xoreeynaayo Dalka Hooyo.
-Dhaq-dhaqaaqu wuxuu si weyn u taageersan yahay XaqaSharciga ah oo waafaqsan Diinta Islaamka,Heerka Caalamigaah iyo Adeegsiga Caqliga kuna saleeysan in MuqaawamaddaSomaaliyeed tahay mid xaq ah,laguna diidan yahay HeeryaddaGumeeysiga dhammaan Halgamayaasha Somaaliyeedna yihiinGeesiyaal Sharaf iyo xurmo gaar ah mudan,kor u qaadayKaraamadda Iyo sumcad sharafeedka Ummadda Somaaliyeed.
-Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu cadeeynaayaa in RajiimkaFadaraalku yahay shaqaalaha Gumeeysiga,Taariikhdana ka Geli doono ama ka galay Bogag Madoow,Bogag Ceebeed,Xaaladwaji gabax iyo Fadeexad joogto ah-Maadaama eey yihiin kuwii ugu horeeyeey oo ogolaaday Heeryadda Gumeeysga iyo Raali ka noqoshadda
Xasuuqadda iyo Gumeeynta Dalka iyoDadka Somaaliyeed-Sida ku haboona loola xisaabtami doonoInshaa Alle waqtigeedda.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)--
Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa SomaaliyeedNabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladdda--England-UK- 04/06/2008-
sharifhassan50@yahoo.co.uk