SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

ABAALMARIN HEER CAALAMI AH OO LA GUDDOONSIIYEY 3 WERIYE OO UU KU JIRO MADAXA WARGAYSKA AYAAMAHA

Cabdulahi Black” Aad bey ii dhiirgelsey Abaalmarintaas”

New York, June 3, 2008) – Saddex weriye oo Soomaaliyeed ayaa la guddoonsiiyey abaalmarinta heer-caalami ee magaca leh ee Hellmann/Hammett oo loogu aqoonsadey kartidooda saxaafadeed iyo geesinimadooda naf-hurinimo iyagoo ku shaqeynaya xaalad adag oo ay naftooda halis u geliyeen. Sida ay maanta faafisey Hay’adda Dhawrista Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch. Waxaana weriyayaashaas ka mid ah C/hi Maxamed Xasan ‘Black’ madaxa iyo tifaftiraha wargayska Ayaamaha oo ka soo baxa Magaalada Muqdisho.

      C/hi Maxamed Xasan Black oo ay dhowr jeer xarunta wargayskiisa Ayaamaha weerareen ciidamada dawladda isagana ay xireen,  waxaa uu ka mid yahay suxufiyiinta ugu waayo-aragsan Soomaaliya, waxaa uu ka soo shaqeeyey Telefishinkii Soomaaliya intii aanay burburin xukuumaddii hore ee Soomaaliya. Black waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa suxufiyiin ay ka mid ahayeen C/qaadir Cabdi Gutaale, C/hi Axmed Cali Fat ,Shaafici Xaashi Cali-Barre, Cumar diini Geedi iyo Xasan Maxamed Cawaale Tima jilc oo magaalada Muqdisho ku aasaasey wargayskii Qaran. Hadana waa madaxa wargayska Ayaamaha oo weli ka soo baxa Muqdisho.

      Suxufiyiinta kale ee abaalmarinta la siiyey waxaa ka mid ah Maxamed-Ammiin Sheekh Caddow oo ka tirsan raadiyaha Shabeelle iyo filimqaade ka tirsan raadiyaha HornAfrik Cabdi Dhaqane Ciye, waxaana ay 3-da weriye ka mid ahaayeen 34 qof oo dunida oo dhan laga soo xuley laguna maamuusay abaalmarintan Hellmann/Hammett ee sanadka 2008. Sida ay faafisey hay’adda  u dooda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch C/hi Black iyo Maxamed-Amiin waa ay ka soo carareen Soomaaliya kadib markii ay dhowr jeer la kulmeen hanjabaado naftooda ah halka Dhaqane uu oo soo gaarey dhaawac madfac oo halis ah isaga oo ku jira hawl filim-qaadid ah.

“Saddexdaan weriye waxay tusaale u yihiin geesinnimada iyo dadaalka ay ku jiraan saxaafada madaxa bannaan ee soomaaliya” ayuu yiri agaasimaha qaybta Africa ee Human Rights Watch Georgette Gagnon,.

      Abaalmarinta Hellmann/Hammett oo ay maamusho Human Rights Watch, waxaa sanad kasta la siiyaa qorayaasha iyo suxufiyiinta hawshooda kula kulma cadaadis iyo dhibaatooyin siyaasadeed.    

Black waxaa bishii Oktoobar sanadkii 2007 soo xirey ciidamda dawladda KMG ah, oo xilligaasi weerarey xarunta wargayska Ayaamaha.   Kadibna waxaa ay duruuftu ku qasabtey inuu ka soo baxsado Muqdisho kadib markii ay mar labaad ay xarunta wargayska soo weerareen ciidammada dawladda

Amiin Yuusuf Khasaaro oo ah Madax Wargeyska ayaamaha isagoo ku hadlaya Magaca shaqaalaha iyo Qorayaasha Wargeyska  ayaa u mahadceliyey Hayadda Human Rights Watch.iyo intii isku howshey Bixinta Abaalmarintaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 4, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.