SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Cabdulaahi Yuusuf oo laba jeer ka badbaadey weerar lagu soo qaadey mar uu saakey ka ambabayey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xuubsireed : labada weerar waa ka badbaadey Madaxweynaha waxaase ku dhaawacmey...

yusufAxad (June 1, 2008): Intii uu ku sugnaa Madaxweynaha DFKMG Cabdulaahi Yuusuf Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa lala beegsadey Madaafiic ay soo tuurayeen kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya , Madaafiicdaas oo aan maqlayey mar aan ku sugnaa agagaarka Lambar 4 ayaa waxaa lagu waramey in qaar kamid ah ay ku dhaceen gudaha Garoonka , Cabdulaahi Yuusuf oo ay galbinayeen Dabaabaadka Ciidamada Uganda iyo kuwa burundi wuxuuna ambabaxiisa uu keeney in gabi ahaan uu xirmo isu socodkii gaadiidka iyo dadka iyo Ganacsigii ee wadada Maka Al-Mukarama.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaarihii ka dhashay duqeyntaas waxayna dad ka dhow garoonka ay inoo sheegeen in Cabdulaahi Yuusuf uu ku sugnaa gudaha Garoonka iyadoo Diyaaradii uu raaci lahaa ayaa la sheegey in waqtigaa ku sugneyd Garoonka waxaana arintan weerarkan Cadeeyey Afhayeenka Madaxweynaha DFKMG Cabdulaahi Yuusuf, Maxamed Maxamuud Xuubsireed wuxuu kale uu sheegey in weerarkaa dhaawac uu ka soo gaarey Askari u dhashey wadanka uganda.

Sidoo kale waxaa isna dagaal la isku adeegsanyo hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay wadada maka Al-Mukarama xili uu halkaa marayey Cabdulaahi Yuusuf oo ku sii jeedey garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho si uu ugu duulo Dalka jabuuti oo maanta ka furmaya shirkii dib u heshiisiinta.

Labada weerar ayaa Afhayeenku sheegey in uu ka badbaadey Madaxweynaha DFKMG Cabdulaahi Yuusuf waxaana weerarkan sheegtey kooxda Al Shabaab iyadoo shaley galabna kooxdaan ay weerar ku qaadeen Fariisimo ay degenaayeen Cidamada Itoobiya gaar ahaan Jaamacada Gaheyr ,Digfeer iyo Zoona -K.

Madaxweynaha DFKMG Cabdulaahi Yuusuf ayaa ku sii jeedey Magaalada Jubuuti si uu uga qaybgalo kulan halkaa ka dhacayo oo ay isugu imaanayaan Qaramada Midoobey iyo Dowladda Federaalka kaasoo looga arinsanayo sidii gargaar loogu fidin lahaa Shacabka soomaaliyeed iyo arimo ku saabsan shirka dib u heshisinta oo maanta ay wada yeelanayaan Dowlada Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Beesha Caalamka ayaa dooneysaa in ay labada dhinac ku cadaadisa in ay gaaraan heshiis dhab si soomaaliya u gaarto nabad dhab ah iyo sidii uu gargaarka Qaramada midoobey u gaari lahaa dadka dhibaateysan ee ka barakacay dagaalada Mudada sanadka iyo barka ka socda soomaaliya.

Dadka saadaaliya siyaasada soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in aanu waxba ka soo bixi doonin shirkaas waayo ayey yiraahdeen waxa kala jabey kooxihii mucaaradka marka wixii ka soo baxaayey yiraahdeeen ee ay soo qaadaan mucaaradka halka lagu fulinayo iyo khilaaf isna u dhaxeeya dowladda federaalka kaasoo ku saabsan in aan laga hadli karin bixitaanka Ciidamada Itoobiya ilaa la keeno ciidamada qaramada midoobey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

aloreWasiirka Batroolka Puntland oo Jawaabo Kala Duwan ka Bixiyey Sababta Dib Loogu Dhigay Qoditaanka Ceelka Shidaalka ee Nugaal... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS