SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Max'ed Dheere miyaa dhintay, mise xil uun baa laga qaaday?

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alxamduliaah wassalaatu wassalaamu calaa rasuulilaah

intaa kadib

Marka aan leeyahay Max'ed Dheere miyaa dhintay? Ma maqal dhimashada Max'ed Dheere laakiin waxaan aad uga fajacay lana yaabay wareysi ay BBC-du la yeelatay Max'ed Dheere laftigiisa markii la shaaciyay in laga qaaday xilkii guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo kii Duqa magaalada. Haddaba maxaan ula yaabay wareysigaas? Aduguba waad la yaabi laakiin sababta aan caddeeyo.

Anoo wareysigaas dib u falanqeyn doona haddii rabbi idmo ayaa haddana waxa aan liqi kari waayay igana dagi waayay waxay aheyd markii taariikh nololeedka Max'ed Dheere ee la daba dhigay wareysigaas.

Dadka aqoonta lihi ama waaya aragga ah marka uu maqlo qof taariikhdiisa laga sheekeynayo waxaa isla markiiba u caddaata marka hore in qofkaasi dhintay oo uu ifka ka tagay iyo isagoo magac ku lahaa aduunka aan ku noolnahay. Xil waa la iska qaadi karaa waana la iska wareysan karaa laakiin maxaa keenay in taariikhdii nololeed ee Max'ed Dheere laga sheekeeyo isagoo nool? Waa arrin qof walba is weydiinayo.

Sidaan ka warqabno Yuusuf Garaad & Max'ed Dheere isma jecla shakhsi ahaan, beelaha ay u kala dhasheen ka sokoow Max'ed Dheere wuxuu ahaa ninkii hor istaagay maal-gelintii uu Yuusuf Garaad ka waday magaalada Muqdisho iyadoo weliba la sheego hantidii ku burburtay magaalada Muqdisho inteeda badan ay lahaayeen rag uu ka mid yahay Yuusuf Garaad. Haddaad wareysiyadii Max''ed Dheere dhageysateen wuxuu mar walba ku celcelin jiray in beesha Yuusuf Garaad ay ka yimaadeen gobolada dhexe Muqdishana uusan boos uga bannaaneyn sida wareysiyadii ugu dambeeyay uu ku weeraray Axmed C/salaam oo ah Wasiirka Warfaafinta oo ay Yuusuf isku beel ka soo jeedaan loona tirinayo in uu yahay kan dabada ka riixaya Raiisal wasaaraha in uu xilka ka qaado duqa magaalada.

Yuusuf Garaad oo ah madaxa laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ayaa markii uu maqlay xil kaqaadisya Max'ed Dheere isagoo farxad is heyn la' ayuu durbadiiba la soo booday wareysiga Max;ed Dheere, inkastoo siduu rabay ka waayay Max'ed Dheere oo si xirfadeysay uu Max'ed Dheere uga dabaashay wareysigaas kadib markuu ku soo koobay waan ku faraxsanahay in xilka la iga qaado iyo waa mahad ilaah haddiiba ay manta jiro dowlad cid xil ka qaadeysa cid kalana u dhiibeysa. Waxay kelmadahaas fallaar la ganay ku noqdeen Yuusuf Garaad, intaa kumuu ekaana wuxuu daba dhigay taariikh nololeedkii Max'ed Dheere, sidii isagoo ifka ka tagay. Taasi waxay kuu cadeyneysa in Mr. Garaad uu geed dheer iyo mid gaabanba u fulay siduu mar uga cad goosan lahaaa Mudane Max'ed Dheere iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, oo uu Madaxweynaha hadda ka mid yahay.


2001: GARSOORAHA MAXKAMADDA BOSAASO OO BEENIYAY WARBIXIN BBC-DA OO KU SAABSAN NAAGO ISKU GUURSADAY BOSAASO OO TOOGASHO LAGU XUKUMAY (2001)


Anigu Max'ed Dheere ma taageersani, laakiin waxaan go'aansaday in arrintaa aan caqliga ku dhisneyn oo caadifadda qabiil ka buuxdo ee Yuusuf Garaad la soo shirtagay ummadda Soomaaliyeed u iftiimiyo. Sidaad wareysigiisa ka dhadhansan kartaana wuxuu xitaa isku dayay in uu Madaxweynaha iyo Raiisal wasaaraha isaga hor keeno arrinta Max'ed Dheere, isagoo ku celceliyay sidee ku dhici kartaa in xilkaqaadista Raiisal-wasaaruha uu la sugo Madaxweynaha, wuxuuse Max'ed Dheere ku soo koobay awalba Raiisal-wasaare ayaa I soo magacaabay Madaxweynaha waa ansixiyay tana waa sidoo kale oo Raisal wasaaruhu soo jeedintuu leeyahay go'aanka kama dambeystana madaxweynahaa leh. Miyaysan taa macquul aheyn?Bal wareysigaa si fiican u dhageyso mar labaad haddaad horey u dhageysatay haddaadan dhageysanna dhageyso hadda. maxaa kaaga baxay? Caddaan sow mahan waxa aan ka hadlayo?

Wareysigaas oo qof walba oo caqli lihi uu garan karo habka uu Yuusuf Garad u wareystay Max'e d Dheere in aysan aheyn wareysi saafi ah. Haddana waxaa ka daroo dibi dhal noqotay markuu taariikh nololeedkiisii daba dhigay taas oo aan anigu u arko mid xitaa dambi looga dhigi karo karo Yuusuf Garaad oo ku sugan magaalo sharci iyo kala dambeyni ka jirto. Ama uu arrintaas cudurdaar ka baxsho maadaama uu meel uga dhacay shakhsi nolol lagu ogyahay u dhigay sidii isagoo ifka ka tagay, sidoo kale wuxuu meel uga dhacay magaca laanta Af-soomaaliga ee BBC iyadoo markii ugu horeysay aysan aheyn uu sameeyo arrimahaan oo kale wuxuu sidoo kale meel uga dhacay magaca suxufiga Soomaaliyeed .

Haddaba haddii Max'ed Dheere meesha ka baxo yaa imanaya? Siduu Max'ed-ba caddeeyay waxaa imanaya qof soomaaliyeed laakiin qofkaasi wuxuu noqonayaa nin ka soo jeeda beelaha daga magaalada Muqdisho. Muqdisho oo ah magaalo madaxda Soomaaliya waxaa 17-kii sano ee aan dowlad la'aanta aheyn u talinayay dad aan u dhalan gobolka taas oo keentay in la burburiyo ilihii dhaqaalaha, dhismayaashii quruxda badnaa, dadkii biri mageydada ahaa la laayo IWM ah. Adduun weynuhuna sidaa nagu takooray maadaama uu la yaabay sidaan waddankeena u galnay laakiin waxeysan is weydiin dadka burburiyay caasimadda in aysan magaalada u dhalan. Siyaasaddii Max'ed Dheere ee aheyd qof walba gobolkii uu u dhashay ha u taliyo ayaa meeshaa ka sii socon doonto insha-allaah, inta caqli wanaagsan dadku la imanayaan. Sida uu Yuusuf Garaad jecelyahayna marna ma noqoneyso.

Wabillaahi Towfiiq.

Farhan Warsame

Melbourne, AUSTRALIA.

bile1971@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  July 31, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS