SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xamar waa la Xumeeye ee kumaa Xaal marin doona?


Afrikada bari caasimadaha ugu caansan ayaa waxay Xamar ka gelaysaa kaallinta koowaad marka laga eego khariido ahaan meesha ay dhacdo iyo quruxda la milicsanayo markaad ka eegto dhinac walba oo weliba ay weheliso badweynta hindiya oo ay dhinaca ku hayso ,Xamar waa magaalo aad u qadiimi ah oo taariikheed ,sida uu hore u sheegay Saciid barkhash oo ka tallin jiray dhammaan Xeebaha bariga Afrika
hase ahaatee Xamar oo ah Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay ahayd goobtii ugu darnayd ee burburka ugu Xumaa loo geystay oo ilaa iyo maantana uu weli ka socdo iyadoo weliba loo adeegsaday Ciidamo shisheeye oo Maxaysata ah oo aan u naxayn ahna kuwii ugu Cadawsanaa Dalkeena hooyo.

Haddaba dagaaladii sokeeye ee ka dhacayey dalka Soomaaliya ayaa waxay ku reebeen Caasimadda Dalka inay noqotay meel ay isku urursadaan dhow qabqable Dagaal taasina ay keentay inay sii burburtay si kastaba xaaladu ahaatee ,waxay xaaladeedu wanaagsanayd waqtigii yaraa ee ay gacanta ku hayeen Midowgii Maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliya oo ay noloshii ay ku soo Celiyeen sidii hore ee lagu yiqiinay Xamar ,waxaase ka horyimi Qabqablayaal iyo huwan u adeegaya Gumeysiga Madaw ee Itoobiya waxayna gacanta ku dhigeen dhammaan Dalkii oo dhan Xamar waxay Madax uga dhigeen mid ka mid ahaa Qabqablayaashii Dagaalka oo la yiraahdo Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Guddoomiye Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere) oo hore u ahaa Qabqable Dagaal oo haystay Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa soo magacaabay R/Wasaarihii hore ee prof. Cali Max'ed Geedi nasiib darro Maxamed Dheere iyo Ciidamada Maxaysatada ee Itoobiya waxay geysteen Dembiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha inuu Shacabkiisii wax u qabto iska daaye wuxuu barakicin u geystay Maati iyo Carruur oo lagu qiyaasay ilaa iyo 5.000.000 Qofood iyo ka badan iskagoo u adeegsaday Hub aad u Culus oo loogu talagay in lagu laayo Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ,hase ahaatee uu u adeegsaday Shacbi aan waxba galabsan oo u badan Dumar iyo Carruur aad u da'yar qaarna Xabsiga la Dhigay.

Tallaabada ay qaaday DFKMG ahi ayaa waxay tahay mid u baahan in looga mahad celiyo ,isla markaana lagu baraarujiyo inay ka takhalusto dhammaan kuwa Dalka dembiyada ka galay Darajo walba ha la haadee , ha ahaado Madaxweyne ama Wasiirba waa in Maxkamad la horkeenaa laguna qaadaa dembiyadii ay u geysteen Shacabka Soomaaliyeed Qabqable walba oo ka tirsan DFKMG ah si loo gaaro Maslaxad caam ah Caddaalladana loo soo Celiyo , Dalku wuxuu u baahan yahay inuu helo Dad ku taagan Xaqa Dalku wuxuu kaloo horumar gaarayaa markii ay nabadi jirto nabaduna waxay ku xiran tahay Caddaalladda iyo Sinnaanta ay Shacabku u siman yihiin Xukuumada Dalka Xukumaysa maanta.

Markaan dib u milicsano Dowladihii kale ee soo maray Xilligii lagu jiray Dagaalada Sokeeye ee Dowladii Mudane Madaxweye Cali Mahdi Maxamed iyo Mudane Madaxweyne C/Qaasim Salaad Xasan waxay ahaayeen kuwa ka duwan DFKMG ahi ee Maanta Dalka ka talisa oo ay hormoodka u yihiin Ciidamada Maxaysatada Itoobiya nasiib darro ayaa waxay u noqotay in Shacabka Soomaaliyeed ay soo maraan Xaaladahan khalafsan ee ay iyagu gacmahoodu ay ku abuurteen Dagaaladan aan dhammadka lahayn .

Gabagabadii iyo maqaalkani ayaa waxaan jeclahay inaan ku xuso Xamar waa la Xumeeye ee kumaa Xaal marin doona? Xamar waa la Xumeeyey waxaase Xaal marin doona kuwa Kitaabka Alle Xambaarsan oo Xaqa ku Xukumi doona Shacabkuna ay Xiisayn doonaan nabaduna ay Xeeraamin doonto Xabadduna ay istaagi doonto Xaggaayaduna ay da'i doonto , midnimadeenu waxay keeni kartaa guul aannu Dalkeena ku Dib ugu xorayno oo aannu kaga saarno Maxaysatada Xoogga ku haysata ee Xasuuqaysa Shacabkeena.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 31, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS