SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GEEL JIRE GEELII DHAC
W.Q. MUSHARAX PROF. FARJAC

Waxaanu u riyaaqnay khudbadii madax weynaha Somaliya uu u jeediyey golaha Puntland. Musharaxiinta u baratameysa Puntland dankoodu aad bay ugu riyaaqeen khudbadda Madaxweynaha Somaliya Xaafidulah Cabdullahi yusuf uu u soo jeediyey baarlamaanka Puntland. Waa mid loo baahnaa in loo jeediyo taliska iyo xildhibaamada Puntland. Taliska waxa lagu wareejiyey dhul iyo dadweyne ku nool nabad iyo horuumar, haatana talisku geyeysiiyey carqalado, fadqalalo, isdil, dhac, burcadnimo, colaad, iska horimaad iyo kala firdhasho



Yaan la ilaawin sababihii loo abaabulay Puntland oo ahaa in ay noqoto meel ay ku soo hirtaan ummadda Somaliyeed ee ka soo qaxaysay colaadaha sokaye.

Hadii la eego deegaanka Puntland waa isugeynta degaaanaada beela kala duwan ee ku heshiiyey in ay samaystaan iskaashi iyo midnimo. Waxaan taas barbardhigaynaa oo tusaale ahaan loogu muujin karaa beelo badan ee isku meel ka soo wada jeeda iskuna deegaan ah oo isku darsaday geel una dhiibtay dad u ilaaliya, kuna siiyey geel jiraha ilaalinaya dheef.

Ujeedada ay isugu darsadeen geela waxay ahayd in wada jirka geeloodu leeyahay tarmid. In dheef iyo dhaqale laga helo waa sababta koowaad ee geela loogu dhiibtay geel jiraha. Waxaa dhacday in geel jirihii loo dhiibtay geela Puntland ay isu bedeleen mulkiila yaashii geela ayna iloobeen in geelu ahaa mid loo dhiibtay. Way ka guursadeen oo waxay ka bixiyeen sooryadii, gogol kulaabkii, yaradkii, iyo meherkii. Geela qaar wey qasheen, qaarna way lumiyeen. Haatan oo geelii in yari ka hartay waxay geyeysiisay in mulkiilayaashii runta ahaa baadi doonaan wixii ka haray. Hadaba beelihii lahaa waxay door bideen in beel walbiba wixii ka haray inta sumadoodu ugu taal ay badbaadsato. Hadaba anagoo tix raaceyna khudbadii Madaxweynaha Somaliya Cabdullahi Yusuf, waxaanu beelaha Punland ee geela isku darsaday ugu baaqeynaa in aan lakala saarin geela ee laga bedelo geel jirta xaalufisay ee dayacday geeleena. Madax weynuhu wuxuu u hadlay si aad iyo aad u sharaf badan wuuna taabtay boogta hurgumootay. Madax weynuha Xaafidu Laahi inoo tilmaan dawada iyo sida ay ku haboontahay sidii maasha looga bixin lahaa boogta hurguntay.

Ummadda Puntland waxaanu ka codsaneynaa in ay sabir yeeshaan oo u kaadiyaan kala saaridda geela bahweynta Puntland. Walee dheehay dhaxaad oloshaye, waa lagaa dhalin oo laguu dhigi. Geela cararow, dooh kaagama haro.

W.Q. Prof. Farjac
Faejac@gmail.com
www.farjacForPuntland.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 31, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS