SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nin Caynkee ah Weeye Maxamed Dheere?


Muqdisho:- Wararka ka imanaya xarunta Mataxtooyada Dawlada Somaliya ee Villa Somaliya ayaa sheegaya in saaka ay halkaasi ka furmeen wada hadalo in tabadan saxaafada daaha laga saaray kuwaasi oo lagaga wada hadlay xaalada Gobolka Banaadir ka dib xilka qaadi shalay Galinkii hore lagu sameeyay Gudoomiyihii Gobolkaasi Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.

Warka aanu ka helayno Viilla Somaliya ayaa inataasi ku daraya inay kulamo joogta ah leeyihiin Madaxwayne C/laahi Yusuuf iyo Rai"salwasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen kuwaasi oo la sheegay in aad loo lafa gurayo xilka qaadista Maxamed Dheere.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa shalay waxa xilkii si toos ah uga qaaday Rai"sawasaaraha Somaliya isaga oo qoraal xilka looga qaadayo soo hordhigay Golaha Baarlamaanka Somaliya kuwaasi oo qaar ka mid ah ay ku adkaysteen in xilka laga xayuubiyo Maxamed Dheere halka kuwa kalena ka Amuuseen.

Warar hoose oo aanu helay ayaa sheegaya in xilka qaadista Maxamed Dheere aan loo dhamayn iyada oo qaar ka mid ah Madaxda Dawlada Somaliya ay aad uga biyo diideen xilka qaadista lagu sameeyay Maxamed Dheere, warka ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah Dawlada Somaliya ay leeyihiin in xilka lagu celiyo Maxamed Dheere.

Walaw aan si toos ah loo sheegin Madaxda ka biyo diidsan xilka qaadista Maxamed Dheere hadan waxa jira hadal ahayn ah uu ka mid yahay Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed oo ay Gacan saar dhaw ay leeyihiin Maxamed Dheere.


Waa Kuma Maxamed Dheere?


Maxamed Cumar Xabeeb, wuxuu ka mid ahaa Hoggaamiya Kooxeedyadii dagaaladda Soomaaliya ee inta badan lagu eedeeyo inuu yahay dagaalyahan.

Waxaa magaciisu aad saxaafadda u soo galay markii uu qabsaday Magaalada Jowhar iskuna magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe.

Inkasta oo lagu eedeeyay in uu canshuur tiro badan ku soo rogay dadweynaha Jowhar, isla markaana xad gudubyo xagga xoriyadda shaqsiga ah, haddana magaalada Jowhar waxaa uu ka dhaliyay kala dambeyn iyo ammaan markaasi aad loo soo dhaweeyay.
Nabadgelyadaas ayaa ka mid ah, sababta keentay in Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf Axmed, uu xarun ka dhigto Jowhar, ka dib markii uu ku kalsoonaan waayay ammaanka Muqdisho oo noqday mid aan laysku halayn karin.

Dadka ka Faalooda arimaha siyaasada Somaliya ayaa iyana sheegaya in gacans saar kale uu Maxamed Dheere la lahaa Madaxwayne Yuusuf iyo Rai"Salwasaarihii hore ee Somaliya ee is casilay Cali Maxamed Geedi oo ahaa Mudane uu korsiga Baarlamaanka u baneeyay Maxamed Dheere.

Doorka uu ku lahaa Hogaami Kooxeedka


Maxamed Dheere waxa lagu tiriyaa inuu safka hore kaga jiray dagaalyahamadii dagaalka iyo foodada ka wada Somaliya kuwaasi oo dagaal kulul la galay Kooxidii Maxaakiimta ee inta badan Koonfurta Somaliya hantiyay.

Waxay malliishiyadiisu ka qeyb gashay dagaallo ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose iyo magaalada Muqdisho kaasi oo ahaa dagaal faraha lagaga gubtay.

Dagaalkii ugu weynaa ee ay malliishiyadiisu ka qeyb gasho waxaa uu ahaa dagaalkii uu Muqdisho kula galay Maxkamadaha Shareecada sannadkii [2006] horraantiisii isaga oo markaa ka tirsanaa kooxi loo yaqaanay Isbahaysiga ka dhanka ah Argagixisada ee fadhigoodu ahaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Maxamed Cumar Xabeeb, waxaa uu ka mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii dagaalkaas looga adkaaday ee dalka ku soo laabtay iyaga oo ay gelbinayaan ciidammada Ethiopia markii Madaxwayne C/laahi Yuusuf Dawlada Ethiopia ka dalbaday inay ciidamo ugu yaboohdo ka dib dagaal fara kulul oo ay Kooxaha Kacdoonka wadaa ku hayeen DFS.


W/Q. Wariye Madax-Banaan
Jaamac Ayaanle Feyte
feyte37@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 31, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS