SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WAJIGA LABAAD EE RIYADDA JABUUTI

Dhihi maayo haddii dawo bukooto maxaa lagu daweeya?dhihina maayo siddii C/risaaq Xaaji yiri markuu inta lixdameeyadii booqday Hargaysa oo dadkii oo ku kacsani ay dhabarka u jeediyeen uu yiri’ sii jeedkaad ku fiican tihiin’ waxaanse leeyahay cullimo dabino mowjado ah galay yaa qiil u bixin kara?.
Nuxurka qodobka shirka Jabuuti ku jiray waxuu ahaa ciidamadda Itoobiya la bixinaa waxaana lagu badalaa ciidan UN ka socda, masrixiyaddii arrintaasi lagu jilayey eeg sidda ay u danbaysay, taliyaha tabcanayaasha madadiin C/laahi markii uu tagay shirka Q.M waxuu yiri isagoo BBC wareysi siiyey’ Itoobiya bixi mayso’, daliilka labaad oo ah inaan UN ciidan keenayn aan u hayaa waa warbixntii shirkii golaha amaanka uu u diyaariyey xoghayaha guud ee Q.M oo uu ku yiri ilaa dib u heshiisin rasmi ah la hello ciidan UN lama keenayo, tixraac hadalkii safiirka Mareykanka u fadhiya UN ka yiri ee ahaa ‘ yaan lagu deg degin bixinta Itoobiya, waxaa siddii tooshkii u cadeeyay inaan ciidan UN la soo wadin shirkii golaha amaanku yeeshay todobaadkii tegay oo wax go,aan ah oo ciidamo UN lagu keenayo soo saarin, waxaa iyana tiirarka arrintaasi loo daliishanayo laga qaadan karaa warkii uu yiri Jean-Marie Guehenno oo UN ka qaybta nabad ilaalinta madax ka ah oo yiri’ amniga Soomaliya ma ahan mid saamaxaya in ciidan UN la geeyo’.

Ka rog oo laba saar waxaa marqaati aan qof ka danbeeya la waydiinayn ah hadalkii Dr Cumar Idris oo ka mid ahaa labaddii xubnood ee xerta Jabuuti u dirsadeen shirkii golaha amaanka uu siiyey shabakadda galan galka u leh Shariifaynka ee Goobjoog uuna ku yiri’ ciidan UN oo la keeno waxa hor taagan amnigoo la sugo’ inkastoon garan waayey haddii amni la sugo waxa UN looga baahan yahay, halkaas waxaa ku soo af jarmay anagu teeni waa qabeene kubaddu UNka iyo bulshadda caalamka dhinacooday jirtaa, haddana waxaa bilaabanaya wajiga labaad ee mashruuca oo loogu wanqalayo aqafu dararayn waxaa lagu badalay adcaful iiman , Hadraawi waxuu ka yiri tanoo kale ‘Maxaan arrin dawlis dhow,Ma-diiddo la-soo qor-qoray, Ku daabacan baal madow ,Ku daawaday meel madow ,Wax aan duluc sii ridneyn Indhuu ku daraandareen’.

Maxay doqonimo I tidhi , ruux aan jirin raad ku doon, sidda xog rasmi ihi sheegayso siyaasadda todobaatan midablayda ee ka jirta Jabuuti waxay todobaadkan dhisayaan guddi siyaaso iyo guddi amni, guddiga amniga oo ay rabaan inuu xabad joojintii hirgaliyo waxuu caalamka ciidan shisheeye ka diiday ergo ugu yahay inay ciidanka Itoobiya ka bixiyaan goobaha dadku dagan yihiin ayna dajiyaan xerooyin ay Hiilwayne ka mid tahay kadibna , ciidamo isku dhaf ah oo ay wataan garabka isbahaysiga ee siyaaso bulsho caalamka ku shaqeeya iyo copy amxaaro oo la isku darey ay ka shaqeeyan xabad joojin, waxaanse u malayna in qaabka maamulka marka la eego aysan suurta gal ahayn iyagoon ku biirin C/laahi Yuusuf inaysan laba ciidan wada shaqayn Karin.

Ninka dhuumanayoo dhabarkiisu muuqdow baritay dharaar tahay, xog rasmi ihi waxay sheegaysa in tobonka bisha nagu soo fool leh ay kooxda Jabuuti ku soo saxiixi doonan heshiiskii mad madowgu ku jiray xaflad ka dhici doonta Jiddah Sacuudi Carabiya , kuna guda gali doonan wajigii saddexaad ee shirka , wajiganoo haddi ay ka maagan inay awood qaybsi la sameeyan duqa doraad ku tookhayey tiro dad, dhul iyo badba Puntland iska leh, waxaa soo afjarmi doona riwaayad maalmeedkii Jabuuti, hadey galaana warkoodu waxuu noqon meeshii ragga turubka dheela ka dhihi jireen’ wadahadalba haadkaas baa ka harey’ taas oon ula jeedo karaamo cullimo iyo kaar siyaasaba halkaas bay uga guban.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in muqaawamadda gudaha ee ku aragtidda dhow Shariifaynka sharuud uga dhigeen xertooda inay fuliyaan heshiiskii Sanca, waxaase adag tahay in ay heshiiskii Sanca fuliyaan waayo maba ka leexan karaan wadada qaramadda midoobay ay shirka u dajisay , waxaanse la yaabnahay heshiiskii Sanca oo mug hore Asmara ragga jooga iyo Jabuutiba wada dileen sidda maanta lagu soo noolayn karo, tiih rag ku jiroo talo waayey bay iila eg tahay.

Mashruuca wajiga labaad laba midkood buu ku dhamaan bowdo raggeed maalinba mid baa qaawane in ciidankii rido lagu xukumay iyo siyaasiyinti gumaysi kalkaal loo bixiyo isku koox la noqdo magacyadda cusub ay u bixinnayna aan ka sugno ama dibadaha lagu jilo siyaaso rajo beenadku uusan ka dhaman, haddii tan hore dhacdo siyaasiga aftahanka ee Qanyare waxuu dhihi ‘ ileen qayladaydiyo, qalashada waraabaha, iigama aadan qabanine , adigaa hunguri qabay oo qooq ku soo wadey’

Eray bixin qidadaha cusub ee bulshada caalamka ,fullinta xabad joojin waxay ula jeedan muqaawamo jabi waynaye iyadda ha la isku jabiyo ,fitno ka daran heshiiski jabuuti,hadalka Jandeyi Frazer oo mudadii isbahsigu jiray aan horey u aqoonsan ee tiri haatan baan aqoonsadey laba eray bixin bay leedahay tan hore waa qaybi oo xukun, tan labaadna waa xisbul Jabuuti aragtideenay ku soo biireen.

Laba arrimood oon ka hurdi waayey baan qormadan inaan ku daro rabaa sidda qaanuunku qabo heshiis markii la saxiixo dhaqan galkiisu halkaas buu ka bilowda bal qof kastoo iimaan islaam iyo damiir qofnimo ku jirto ka garsoor C/laahi Cali Afrax ‘Aspero’ oo dhinaca cilmiga maadiga laba shahaado oo master ah haystay, dhinaca aqoonta diinigana sheekh caalim ah ahaa, dhinaca dhaqaalahana rajul ladan ahaa inuu isagoo shahaado aaqiro iyo difaac maato raadinaya uu deganka Mataban ku dhinto ilaah shahada ha ka aqbale, eeg madaxdii muqaawamo iyo kuwa deeganka u dhashayba waxay ka hor dhimashadiisa saxiixeen qofkii xabad rida in la cambaareyo , eeg Cumar Xaashi oo sano todobaatan ku jira dad iyo duunyana Ilaah siiyey inuu sanad ka badan aag aan gogol lahayn xabaduna subax kasta dhacayso inuu ku jiro wiilal labatan jir ahna ay hotel Hilton Jabuuti seexdaan oo maalintii $150 lagu seexdo, $100 cunadu tahay iyagoo jiifa ay cambareyn soo saaran taasi sow ma ahan arrin caqliga maangalka ihi uusan aqbali karin.

In la aamini waayo inta ALLE la talo saarta in cadwoga xoog lagu jabiyo ee la aamino bulsho caalam oo balantii koowaad ka baxday ee ahaa ciidan UN baa la keena yaa qiil u heli kara?, in cadwogii oo dalkii jooga muqaawamo muqaawamo kale nuglayso yaa qiil u heli kara?, in nin ninkii dadka u daraa balse isaga iska celin jiray waa Geediye xafiisyo gaalo uga adkaadey yaa damaanad qaadeya in wadaadan dar ALLE wax ku wadi jiray ay maalin iska dhicin karaan? In nabadda yar ee siyaasiga maamul yaqaanka ee Nuur Cadde ninkay ka socon waysey in barnaamij dhamaystiran oo reer Jabuuti la yimaadan inuu ka soconayo yaa damaanad qaadaya?.

Gabagabadi Soomaliya dowlad inay ka dhalato Mareykan ma rabee qormooyinka kale ayaana ku muujin doona ee yaan wadada xornimo doonka la burburin, dadkana loo hor kicin in cid la aaminaba la waayo , rag Sheekh Shariif, Dr.Cumar Idris, Axmed Bile iyo Dahir Xasan Guutaale ka mid yihiin oo bulshaddu aysan daacadnimadooda iyo wax galkooda ka maarmin in wado aan cadeyn ay qaadan waxay noqonaysa in mujtamaca dhib wayn ku haysa.

WQ CAANAGEEL
caanageel@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  July 31, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS