Maamuuska gabdheheena iyo macnayaasha magacyadooda
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Bulshada Soomaalidu aad ayay u maamuustaa una qadarisaa gabdhaha,
waxayna aad iyo aad uga hormariyaan wiilasha marka laga reebo dhinacyo
kooban. Waxyaabaha tusinaya qadarinta dheeraadka ah oo la siiyo gabdhaha
waxaa ka mid ah:
- Waxaa aad loo difaacaa sharafteeda oo in lagu xadgudbo
gabadhooda Soomaalidu waxay ka xigaan geeri.
- Waxaa la siiyaa tarbiyo iyo edbin ka dheeraad ah tan wiilasha.
- Waxaa si gaar ah loo baraa sida ugu habboon ee ay mustaqbalka u
maamulayso reerkeeda, una maaraynayso nolosheeda. Waxyaabaha Xoogga
la saaro waxaa ka mid ah in la baro farsamada, hab maamuuska sayga,
mudanaha iyo martida.
- Waxaa aad loo tixgaliyaa ninka gabadha guursada iyo waliba
ciddii xiriir la leh, Soomaaliduna naf iyo maalba waxay u hurtaa,
kuna baaba'daa difaaca ninka xididka la ah, reerkii wiilka
gabadhooda qaba lagu xadgudbana waxaa la yiraahdaa: gabadhoodu guur
ma leh, haddaysan tillaabo adag ka qaadin. Waxyaabaha tusaya
arrintaas waxaa ka mid ah in Soomaalidu u qaybiso xiriirka u
dhexeeya bulshada: xidid iyo xigaalo oo ah macne Qur'aanku sheegay.
- Waxaa sidoo kale meel weyn ka jooga Soomaalida ilmaha gabdhoodu
dhashay oo aad looga hormariyo kan wiilkoodu dhalay, waxaana la
yiraahdaa qofka wax weyn la siiyo ama loo qabto: loo roonaa ma loo
reer abtaa!!!.
- Waxaa gabadha loo huraa wax weyn marka ay soo mudato ehelkeeda
(ha noqoto mar ay soo cayrowday ama markii ay agoonley noqoto),
markay soo booqatana waxaa lagu dhibaadiyaa waxa ugu weyn ee
qoyskaasi heli karo.
- Gabadhu waxay ahayd qof lagu soo hirto oo ehelkeedu si buuxda u
tirsadaan marka ay reer yeelato, sidaa oo kale reerka ay u dhaxdana
kaalintaas waa qadarinayeen oo waxay u arkayeen gurigaani in uu ka
dhexeeyo labada qolaba.
- Labada reer ee gabadhu u dhexayso (reerka dhalay iyo kay u
dhaxdo) waxay ka midaysan yihiin in gabadhaas laga difaaco qofka
dadka ugu dhaw (ninkeeda) hadduu xadgudub ku sameeyo.
- Gabadhu waxay sabab u noqotaa xiriir iyo walaalnimo qoto dheer
oo dhex marta labada qoys ee ku xididay. Waxaa taas aad u muujinay
sida gabadha godob tirka ahi sabab ugu noqoto joojinta colaad
raagtay oo xal loo waayay, waxay ku maahmaahaan: meeshii xinjiri ku
daadato xab baa lagu daadiyaa.
- Ninka ama reerka gabadha guursanaya waxay u huraan gabadha
qoyskeeda wax weyn oo xoolo ah (sooryo iyo yarad), waxaan meesha ka
maqnayn hasha hooyo iyo tan abti oo ka dheeraad ah waxa aabbe iyo
tolku qaadanayaan!, taas oo marka dhinac laga eego tusaysa in
gabdhaani qiimo weyn ugu fadhido ninka iyo reerka soo doonay.
- Waxyaabaha tusinaya qiimaha gabadhu ka leedahay bulshada
Soomaaliyeed dhexdeeda waxaa ka mid ah sida ay suugaantooda
qaybeheeda kala duwan (gabay, guuroow, geeraar, maahmaah, halkudhig
…) ugaga hadleen gabdhaha, hadday tahay ammaan, kool, wacyigalin,
baroordiiq, doonis iwm.
- Waxaa loo bixiyaa magacyo aad iyo aad u qiimo badan oo
xambaarsan tilmaamaha wanaagsan ee laga rabo gabadhaasi inay yeelato
xagga muuqaalka iyo xagga macnahaba.
Bulshada Soomaalidu siyaabo kala duwan ayay ugu magac bixisaa
ubadkeeda, magacyadaasina waxay ku baxaan munaasabad, waqti ama
xaalad markaas taagan. Waxaa kale oo magaca loola qasdaa in uu
tusiyo macne ama tilmaan qiime leh oo la doonayo in ilmahaasi
yeesho. Waxaan meesha ka marnayn in gabadha laga doonayo in ay ku
sifowdo tilmaamaha wanaagsan ee ay xambaarsan yihiin dhammaan
magacyada loo baxsho gabdhaha.
Munaasabadaha iyo macnayaasha magacyada gabdhaha Soomaaliyeed
Magacyada gabdhuhu waxay ku baxaan munaasabado, waxayna
xambaarsan yihiin macnayaal qiime badan oo laga doonayo gabadheenu
in ay yeelato, waxaana ka mid ah:
* Magacyo ku baxay xilliga gabadhu dhalatay, sida: Isniino,
Axado iyo Salaado (xilli salaadeed).
* Magac ku baxay xaaladda ay dhalatay gabadhu, sida: Ugbaad,
Cosob, Xareedo iyo Roobo.
* Magacyo muslimiintu la baxaan, sida: Xaawo, Caasha, Xaliimo,
Khadiijo, Faadumo, Maryan iwm oo looga jeedo in gabadhu kuwaas oo
kale noqoto.
Magacyada xambaarsan macne ama sifo wacan oo la rabo in
gabadheennu yeelato:
- Magacyo diimeed oo tusaya in ay tahay gabadhu qof Alle
taqaan, cilmiga iyo cibaadadana ku dadaasha oo barakaysan, sida:
Muumino, Muslimo, Khayra, Suubban, Awliyo, Khadro (Khadar-nimo),
Ijaabo, Duco, Ardo, Cibaado. Haddaba waa in gabadha Soomaaliyeed
xambaarsanaato sifooyinkaas ee aysan noqon Alle ka jeed inkaar
qabto ah.
- Magacyo goobo barakaysan oo loo saadinayo in Alle geeyo
adduunka, sida: Makka, Madiino, Muna, Marwo (buurta iyada iyo
Mina la dhex ordo, marka la xajiyayo ama la cumraysanayo),
Rawdo(goob barakaysan oo u dhexaysa Guriga Nabiga SCW iyo
minbarkiisa).
- Magacyo Janno oo Rabbi looga rajaynayo in uu aakhiro dajiyo,
sida: Firdawsa iyo Naciima (oo ah labo Janno).
- Magacyo tusaya dhawrsoonaan iyo xushmad, sida: Astur,
Cawrala, Ceebla, Aamina, Ijo iwm. Gabadheenna iyada oo aan wax
aqoon diineed ah lahayn ayaa waxaa astaan u ahaan jiray
asturnaan, xishood iyo ceeb la'aan, waayadaan dambase ceeb Alle
ha asturo!!!.
- Magacyo muujinaya sama-sheeg iyo sama-fal, sida: Warsan,
Nasteexo, Samawada
- Magacyo tusaya xilkasnimo, naagnimo iyo mudeecnimo, sida:
Marwo, Raalliyo, Amran iwm.
- Magacyo tusaya qiimaha iyo qaayaha ay leedaha gabadhu, sida:
Qaali, Dahabo, Cambaro, Jawaahir, Luul iwm.
- Magacyo muujinaya quruxda iyo bilicsamida gabadha, sida:
Qalanjo, Muraayad, Ubax, Xasno, Sahra, Safiyo, Shamsa, Qamar,
Habboon, Keeyf, Cawrala (way dhammaystiran tahay oo meel laga
xanto ma leh muuqaal ahaan. Waxay kale oo noqon kartaa qof xagga
dhaqanka iyo akhlaaqda ka dhammaystiran oo wax lagu ceebiyo oo
qawl iyo ficil ahi uusan jirin).
- Magacyo xambaarsan macnayaasha: nadaafad, udug iwm, sida:
Nadiifo, Mayran, Hufan, Cadar, Carfoon iwm.
- Magacyo xambaarsan: Jacayl, macaan, qabaw, dagganaan iyo
naxariis ay ku sifowday gabadhu, sida: Muxubbo, Timiro, Barni,
Xalwo, Rummaan, Raxmo, Daruuro, Roobo, Cadar (qabawga daruuraha)
iyo Naruuro.
- Magacyo tusaya dulqaad, karti iyo firfircoonaan, sida:
Carro, Wiilo, Caabbiyo, Baxsan, Shan-karoon, Fariid, Geelo iwm.
- Magacyo xambaarsan saad wanaagsan, sida: Falxado, Hoodo,
Ayaan, Maymuun, Caanood, Faa'iso iyo Fawsiyo
- Magacyo tusaya boqornimo, sida: Mulki, Suldaamo iyo Ugaaso
- Magacyo muujinaya inay ku filan tahay ehelkeeda, muslinkoo
dhan iyo gaar ahaan ninkii hela, sida: Deeqa iyo Kafeeya.
- Magacyo sita macnaha aqoon, caqli iyo garasho, sida: Fahmo.
Wanaagga iyo maamuuska Soomaalidu u hayso gabdheheeda ee aan
ka waranay kama wadno in aysan jirin xadgudubyo iyo dulmi loo gaysto
gabdhaha ee waxaynu uga jeednaa in aan caddayno meekhaanka iyo
maamuuska ay ku dhex leeyhiin dadkooda, isla mar ahantaasna aynu
muujino in gafafka loo gaysto gabdhaha aysan ahayn dhaqan guud oo
bulshadeenu leedahay ee ay tahay wax ku gaar ah qofka xumaaday,
gafkaasi ha kaga yimaado reerkooda inta ay yaryar yihiin ama
nimankooda marka ay guursadaan ama ubadkooda marka ay weynaadaan ama
ha kaga yimaado qaar kale oo ka mid ah bulshada. Tan kale dulmiga
iyo gafka laga galo gabdhaha waxaa ka badan kan laga galo ragga,
tusaale ahaan: dhaqanka Soomaalida waxaa ka mid ah in aan la dilin
dumarka wax kasta hadday dhacaan, waxaana la ogyahay in ay laayaan
wiilasha yaryar haddii dagaalku dhanaanaado, waxayna ku magacaabaan
siqiir gawrac. Waxaa iyana soo qaadis mudan in ay isku mid yihiin
asbaabta keenta dulmiga ragga iyo kan dumarka oo ninkii gabar
dulmiyaa uu intaa ka badan raggana dulminayo.
Dhinacyada Soomaalidu ay kaga xadgudubto gabdhaha
Waxaa jira dhinacyo bulshada Soomaalidu ay gabdhaha ka hagrato
ama ku dulmiso iyada oo dhab ahaan gabdheheeda jecel una roon,
waxaana ka mid ah:
- In dadka qaarkood ay jeclaystaan ilmaha u dhalanaya in uu
noqdo wiil oo ay ka naxaan haddii gabari dhalato, taasna waxaa
sabab u ahaa bulshada Soomaalida oo aan dawlad iyo caddaalad
midna haysan ee qof walba uu wiilashiisa ka filayay difaac.
Xilliyadii yaraa ee Soomaalida qaarkeed galay magaalooyinka ama
maamulladu dhisnaayeen waxaa yaraaday ahmiyadda qabiilka iyo
horumarintii wiilasha.
- In Soomaalida badankeedu gabdhaha ka hagran jireen xagga
waxbarashada oo caadadu ahaan jirtay in wiilka wax la baro
gabadhana xoolaha la raacsado. Arrintaan dhab ahaan hadda waa
laga gudbay oo gabdhuhu xagga waxbarashada diineed iyo
adduunyaba xilliyadaan dambe iyagaa kaga horreeya wiilasha,
sababtuna waxa weeye waalidiinta oo ilmohooda si siman u geeya
waxbarashada iyo wiilasha oo inta badan ku mashquula waxyaabo
gabdheheenu ka hufan yihiin iwm.
- In xoolo yari loogu diido nin geeyaankeed ah oo ay doonayso,
ama lagu xiro yarad uusan heli Karin.
- In lagu khasbo nin aysan raalli ka ahayn oo xoolo loogu
xishay, lagana yaabo inuusan u qalmin ama qancin Karin.
- Taas oo ay ka dhalatay dhaqan xun oo dhibaato weyn ku ah
gabdhaha diintooda, sharaftooda iyo ehelkoodaba, waana waxa loo
yaqaan: (( LA BIXIS)) oo gabadhu kaga fakanayso in lagu khasbo
nin aysan rabin ama ku raadinayso nin ay doonayso oo ay ka
cabsanayso in loo diido.Waxaa wax Rabbi loogu mahadnaqo ah in
waayadaan dambe ay aad u yaraatay gabdhihii lagu khasbayay nin
aysan rabin, ama loo diidayay ninka u qalma, waxaana ka dhashay
in ay aad u yaraato la bixista oo diinteenu aad u ceebaysay, una
diiday.
- Dulmiga gabdhaha loo gaysan jiray waxaa ka mid ahaa in dadka
qaarkood u diidaan dhaxalka, gaar ahaan geela oo lagu yiraahdo
annagaa kuu haynayna ee orod oo arigaaga kaxayso. Tanina waxay
ka mid tahay dulmiga aad ka u soo yaraaday xilliyadaan dambe oo
diinta aad loo bartay.
Gabagabadii bulshoweynta Soomaaliyeed rag iyo dumarba waxaa la
gudboon in ay joojiyaan dulmiga ay u gaystaan gabdhaha, isla mrakaasna
ay u guntadaan sidii dadkeena oo dhan looga dhaadhicin lahaa arrintaas.
Gaar ahaan aqoonyahanka iyo suugaanyahanka qawl iyo qalinba inay ugaga
qeybqaataan ayaan ka rajaynaynaa; si aan gabdheheena uga samatabixino
dabinada iyo mu’aamaradaha loo maleegayo.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2008
|