SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Suldaan Xuseen Xirsi Faarax Suldaanka Beesha Duduble ayaa ka Codsaday Kooxaha ka shaqeynaya Nabada Soomaliya in Hogaanka Dhaqanka lagu Casumo Shirka lagu saxiixayo Sucuudiga.

Suldaan Xuseen Xirsi Faarax oo ah Suldaanka Beesha Maxamuud Hiraab(Duduble) oo hada ku sugan Magaalada Boosaso ee Gobolada Puntland ayaa saxaafada la hadlayay isaga oo ka hadlaya xaalada soomaliya.

Suldaan Xuseen ayaa talo iyo Codsi ahaan ugu soo jeediyay cid walba oo ku gacan leh ama ka shaqeynaysa Nabada Soomaliya gaar ahaan Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya in shirka ugu danbeeya ee lagu saxiixayo Hishiishkii Nabada in lagu casumo Isimada ama Hogaanka dhaqanka soomaliyeed.

Suldaan Xuseen Xirsi Faarax oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri” waxaan soo jeedin lahaa in Isimada lagu casumo shirka Sacuudiga si ay markhaati uga noqdaan hishiishka la saxiixayo”

Suldaanka ayaa Tilmaamay in Isimada soomaliyeed ay yihiin kuwa sida tooska ah ay ugu dhaceyso wax walba oo soo wajaha Umada soomalieed maadama ay Masuul ka yihiin Dadweynaha.

Suldaanka oo iminka socdaal ku jooga Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaso ayaa ka codsaday shacabka soomaliyeed inay tageraan Nabadgelyada hada soo muuqaneysa gaar ahaan talaaboyinkii u danbeeyay ee dhinaca Nabada loo qaaday.

Ugu Danbeyntii Suldaanka Beesha Duduble Xuseen Xirsi Faarax waxa uu ku baaqay in qof walba oo soomaliyeed uu ka shaqeeyo sidii Dalka Nabad looga dhalin lahaa.

Faafin: SomaliTalk.com |  July 30, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS