SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cade muuse iyo Afqurac burburinta Puntland waa ku daba dheeraatay ee iyagu waa kutalagaleen in ay burburshaan??

Dakadda magaalaada Boosaaso waxaa dhawaan ka soo dagey Gaadiid kala duwan oo loogu deeqay Booliska Maamul Goboleedka Puntland, gaadiidkas oo ka kooban 10 Baabuur oo ah kuwa qaada xamuulka iyo Ciidamada ayaa waxaa weheliya Mootooyinka dheereeya,Labiska Booliska iyo Raadyaasha isgaariinta oo ay ku shaqeeyan Ciidamadda boolisku. Iyo 9 Baabur oo wata isgaarsiin Casri ah .waxaana ku deeqday Hayada UNDP.

Dakadda magaalaada Boosaaso waxaa dhawaan ka soo dagey Gaadiid kala duwan oo loogu deeqay Booliska Maamul Goboleedka Puntland, gaadiidkas oo ka kooban 10 Baabuur oo ah kuwa qaada xamuulka iyo Ciidamada ayaa waxaa weheliya Mootooyinka dheereeya , Labiska iyo kabaha Booliska iyo Raadyaasha . ay ku shaqeeyan Ciidamadda boolisku iyo 9 Baabuur oo leh isgaarsiin Casri ah'

Gaadiidkaan ayaa waxaa booliska ugu deeqay Ganacsatada Puntland iyo hayada UNDP . waxaana la sheegey in ay qeyb ka tahay sidii loo hagaajinlaha. awooda iyo tayada ciidamadda booliska Puntland oo waayahaan shaqadoodu aad u liidatay, taas oo ay keentay hogaanxumo iyo qalabka shaqada amaanka. Oo aysan haysan mid kufilan

Gaadiidkaan ay baxsheen ganacsatada reer Puntland iyo UNDP ayaa waxaa u noqday mid gacanta ugalay ciidan beeleedka ay samaysteen Cade iyo C/laahi Saciid Samatar,

Qaar ka mida shacbi weynaha Soomaaliyeed ee ku nool gobalada Puntland ayaa sheegay in sida muquata gaadiidkaa iyo Mootooyinkuba lagu koobay gobalka Bari oo kaliya arrintaas oo ay siwada jir ah uga shaqeyeen Taliyaha Booliska, madaxweyen Cadde iyo wasiirkiisa amaanka C/llahi Siciid Samatar.

"Ganacsatada soo iibisay gaadiidka iyo UNDP qalabka ay keeneen ee loo dhiibay C/laahi Saciid Samatar .waxaa ay ugu wada talagaleen in sisiman loogu qaybsho Booliska gobalada Puntland oo dhan,laakin waxaa muuqata in madaxweynaha iyo wasiirkiisa amaanku ay ku koobeen Deeqdas G/Bari, oo ay kasoo jeedaan Cade iyo C/laahi Saciid iyo Taliyaha Booliskuba waana midkamid ah arrintaani Cadaalad Xumida Reer Boqor ay kuhayaan shacabiweynaha Puntland .

sarkaal kamid ah saraakiisha Booliska oo ka gaabsaday magiciisa ayaa yidhi "Gobolka Bari ayaa lasiiyey dhamaan gaadiidkii iyo qalabkiiba oo ay joogaan ciidan ugaar ah beesha Cismaan Maxmuud.

gobalka Bari. Oo ay kahowl galaan Ciidan u Badan Halbeel ayaa moodaa in aysan jirin Puntland kale Bari maahee
Waxaana loo qaybshay gaadiidkii deeqda ahaa

Sedan

  • Gaalkacyo hal baabuur
  • Garoowe hal baabuur
  • Carmo hal baabuur
  • qardho 3 Baabuur
  • Boosaaso 16 Baabuur


Hadaba waxaa waaya daandabe soo ifbaxayey Caalamado muujinaya in Maamulka Puntland ee uu Cadde Muuse Madaxweynaha kayahay uu rabo in uu burbursho oo uu kasoo reebo Gobolka Bari.

Iyadoo aysan jirin awood ciidan oo kashaqaysa gobolada kale oo horay ay u burbursheen c/laahi Saciid.Cade muuse iyo Afqurac oo isgu ah Laxdabtaagan. .

hadaba waxaa moodaa in ay Cade iyo Afqurac kutalagaleen in ay Puntland burburshaan oo aytaasi ku daba dheeraatay.ee ay isku dayeen wax kasta oo dadka Reer Puntland ku kala fogeynayaan,

eng cabdi xaaji maxamed
caanogeel120@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 29, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS