Date: 28.07.08KU: GOLAHA AMAANKA EE UMADAHA MIDOOBAY
KU: GOLAHA GUUD EE UMADAHA MIDOOBAY
KU: XOGHAYAHA GUUD EE UMADAHA MIDOOBAY
KU: XUKUUMADDA IYO SHACABKA MAREYKANKA
UJEEDDO: Baaq (Xasuusin Waajibaad
Dowli ah).
Qore:
Dr. Farah Abdullahi
Qolyaha Warqaddaan furani sida tooska ah
ugu socoto waa jihooyin Jamciyaddu is leedahay waxaa
saran, (ama fuuli kara), waajibaad caalami ah oo u
dhigma miisaanka ay ku leeyihiin Siyaasadda Caalamka,
waxayna leeyihiin awood qaanuuni ah oo ay tallaabooyin
ku qaadi karaan, ama ku sixi karaan howlo hadda si
khalad ah loo agaasimo.
Haddii Mas’uul kasta ee dowladeed, ama
kooxeed, waajib ka saaran yahay dowladda ama kooxda uu
mas’uulka ka yahay, lagulana xisaabtamaayo hab
dhaqankiisa ku aaddan bulshada uu mas’uulka ka yahay,
waa in, sidoo kale, mas’uuliyaddu qabataa qolyaha ay
warqaddaani ku socoto, maadaama ay yihiin, xilligan la
joogo, cidda ay suurtowdo in ay mas’uuliyad caalami ah
saarnaan karto, haddiiba ay mas’uuliyad caalami ihi
jirto.
Saas darteed, Jamciyaddu waxay iskeed u
garatay in ay baaq xasuusin waajibaad u dirto qolyaha ay
warqaddaani ku socoto, waxayna garatay in saxaafaddu
tahay waddada ugu munaasabsan in baaqan la mariyo,
maadaama ay si sahal ah, dhaqsna leh u gaarsiin karto
jihooyinka ay khuseyso, oo waqtigan la joogo xiriir toos
ah iyo mid dadban midna aysan Jamciyaddu la lahayn.
GOLAHA AMAANKA EE UMADAHA MIDOOBAY:
Sida ku cad Axdiga Hey’adda Umadaha
Midoobay, Golaha Amaanka ee Jamciyadda Quruumaha ka
dhaxaysa, waa hey’adda ugu sarreysa ee Dunida u xil
saran Ilaalinta Nabadgelyad Caalamiga ah, fulinta
qaraarrada kasoo baxana waa waajib, ay isku waajibiyeen
Umadihii saxiixay heshiiskaas. Haddaba waxaa xil ka
saran yahay in Goluhu ka fariisto wax kasta ee keenaya
in khalkhal uu ku yimaado Amniga Caalamiga ah.
Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, oo
dhacda marin badeedyo caalami ah (Badda Cas iyo
Badweynta India), muhiimad weyna u leh dhaqdhaqaaqyada
loogu kala gooshayo dunida shanteeda qaaradood, ayna ku
xeeran yihiin Dowlado dhowr ah oo xuduud kala leh xagga
Badda iyo Berriga labadaba, Arrimaha ka taagan ee
khatarta ku ah Shacbi weynaha degen geeska Afrika guud
ahaan, gaar ahaanna Shacbiga Soomaaliyeed, isla markaana
hadda isu sii rogeysa iney saameyn ku yeelato danaha
Caalamiga ah, taas oo ka dhalaneysa nidaam iyo qaanuun
la’aanta ka taagan Soomaaliya muddo ku dhow 18 sanno oo
xiriir ah, miyeysan ahayn waajibaadkii uu u xil saarnaa
wax ka qabashadeeda Golaha Amaanku, ee ku cad Axdiga
UN-ka.
Waxaa Golaha Amaanku ogyahay in si
naxariis darro ah loo xasuuqayo Shacbi weynaha
Soomaaliyeed ee maatida ah, si cadna loogu tumanaayo
Xuquuqda Insaanka Soomaaliyeed, dalkana ay meelo kala
gedisan ka socdaan dagaallo aan hadaf iyo itijaah midna
lahayn ee waalli oo kale ah, Xaaladda maanta Soomaaliya
ka taaganna ay ka xuntahay midda ka jirta Daarfuurta
Suudaan.
Waxaan maalin kasta aasnaa tiro fara
badan oo Shacabka Soomaaliyeed ah ee ay laysay rasaasta
Arxan darrada loogu ridaayo, waxaa Cusbitaallada daadsan
dhaawac tiro badan, waxaa guryohoodii ka bara kacaya dad
aan tiro lahayn, waxaa iskuulladoodii, aan markii horeba
habeysneyn, ay ka xirmeen kumanaan ka tirsan carruurta
Soomaaliyeed, waxaa Badaha qatarta badan ku halaagmaya
kumannaan kale oo ka cararaaya musiibada ku habsatay
dalkoodii.
Miyaan Golaha Amaanka xil uusan ka
saarneyn arrimahaas oo dhan wax ka qabashadooda,
miyeysan Soomaaliya ahayn Xubin ka tirsan Umadaha
Midoobay, miyeysan Shacbiga Soomaaliyeed ku xuquuq ahayn
Shacabka Daarfuur, Shacabka Ivory coast, Shacabka
Ciraaq, …, Mise qawaaniinta iyo Xeerarka UN-ka ayaan
isku si loogu caddaalad faleyn Shucuubta Caalamka.
Madaxweynaha Golaha Amaanka ee
Xilligaan, Xubnaha Joogtada ah ee Golaha Amaanka, iyo
dhamaan Xubnaha ka tirsan Golaha amaanka ee 15ka ah
waxaan ugu baaqeynaa in ay arrinta Soomaaliya si dhab ah
u fiiriyaan oo ay fiiriyaan sawirka guud ee xaaladda,
ayna arrimaha qallafsan ee Soomaaliya ka jira oo dhan ay
wada falanqeeyaan, ee aysan fiirin oo keli ah qeybo
yaryar oo ka dhashay dhibaatada guud ee Soomaaliya
heysata, sida: waxa lagu tilmaamo Burcad Badeed,
Argagixiso, …, IWM, kuna dadaalaan, kuna dhaqaaqaan
tallaabada ku haboon sidii dhibaatada Soomaaliya ee 20
jirsatay, xal waara looga gaari lahaa.
GOLAHA GUUD EE UMADAHA MIDOOBAY
In kastoo qaraarrada Golaha Guud ee
Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa aysan ahayn qaar ay
fulintoodu waajib tahay, sida kuwa Golaha Amaanka,
haddana qaraarradoodu waxay leeyihiin Xurmad Akhlaqeed,
waayo Golaha guud ee Ummadaha Midoobay wuxuu wakiil ka
yahay Dowladaha Caalamka dhamaan.
Maxaa Golaha guud ee Ummadaha Midoobay u
milicsan waayey arrimaha murugada leh ee ka jira
Soomaaliya? Caalamka oo dhan miyaa ka raalli ah xasuuqa
iyo Barakaca ku socda Shacabka Soomaaliyeed? Si golaha
guud uga doodo qaraarna uga soo saaro arrimaha ka taagan
Soomaaliya, mala waayey cid Mooshinkaas keenta Golaha
guud hortiisa?
Xitaa haddii aan loo daneyn Shacabka
Soomaaliyeed, sow meeshaan aan Maamulka iyo kala
danbeynta lahayni Qatar uga iman meyso Caalamka guud
ahaan, iyo waddamada gobolka?
Waqti ayaa ina soo dhaafay Dhibaatada
Soomaaliya ka taagan si sahal ah wax looga qaban karay,
intii aysan xaaladdu gaarin heerka murugsan ee ay maanta
taagan tahay, in maanta wax laga qabtana weli waxaa loo
heli karaa waddooyin kala duwan, waase haddii loo
istaago, hase yeeshee markey Xarun u noqoto Maafiyada
Caalamka, iyo cid kasta ee dani ugu jirto ka dhuumashada
Qaanuunka iyo kala denbeynta, ayna ka abuurmaan kooxo
awood leh oo Sharciga moog, kana dhiga dalka oo dhan
meel mugdi ah oo aad u khatar badan, markaas beesha
Caalamku waxay muteysan doontaa dhibaato hadda ka fog oo
wax ka qabashadeeduna ay aad u culus tahay.
Waxaan Golaha Guud ee Jamciyadda
Quruumaha ka dhaxaysa ugu baaqaynaa in arrinta
Soomaaliya ay ka baaraan degaan, gutaanna waajibka ka
saran fulinta Qaanuunka Adduunka iyo baaqyada caalamiga
ah ee Xuquuqda Aadanaha, si Shacabka Soomaaliyeed looga
badbaadiyo dhibaatada Gaamurtay ee isugu jirta Xasuuqa,
Gaajada, Tahriibka, Bara kaca, … IWM, Beesha Caalamkana
looga nabad geliyo dhibaatada ka dhalan karta in
Soomaaliya hoy u noqoto Maafiyada Caalamka, iyo Burcad
Badeedda.
XOGHAYAHA GUUD EE UNka:
Mudane Xoghaye Guud; Waxaan shaki ku
jirin in aad adiga iyo Shaqaalahaagu gacaanta ku heysaan
howlaha maamul ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa,
waxaa Golaha Amaanka iyo Golaha Guud ee Jamciyaddu
darsaan warbixinnada aad soo habeysaan, mana aragno
qaraarro wax ku ool ah oo laga soo saaray arrimaha
Soomaaliya, marka laga reebo qaar aad u tira yar oo ay
ka mid yihiin Cuna qabateyntii Hubka ee lagu soo rogay
Soomaaliya, ee aan weliba waxba laga fulin, aanna soo
dhaafin waraaqihii lagu qoray, maadaama hubka kiisa
fudud iyo kiisa culusba si isdaba joog ah ugu soo
qulqulaayo Soomaaliya, kana soo galaayo Bad iyo Berriba,
Caalamkuna wada ogyahay, welibana raalli ka yahay.
Haddaba xaggee Silsiladda Macluumaadku
ka go’an tahay ee hor taagan in Macluumaadku si is daba
jog ah u taxnaado? Ma wakiilkaaga Soomaaliya ayaan
Report sax ah oo dhameys tiran kuusoo qorin? Ma culeyska
Mashaakilaadka caalamka ee kale ayaa kaa mashquuliyey
dhibaatada baaxadda leh ee Soomaaliya ka jirta, (ee
Xasuuqa ah, ee Bara kaca ah, ee Abaaraha ah, ee Fara
gelinta Shisheeyaha ee Sharci darrara ah)? Mise Golaha
Amaanka iyo Golaha Guud ee Jamciyadda Quruumaha ayaanba
fiirin warbixinnada ku saabsan Soomaaliya, iyo
dhibaatada ka jirta?
Mudane Xoghaye Guud; waxaan kuugu
baaqaynaa in aad gudato xilka kaa saaran Shacabka
Soomaaliyeed, iyo dhibaatada Caalamka ku iman karta
haddii meeshaani iska sii ahaato meel sharci moog ah,
maadaama aysan nidaam iyo kala danbeyni ka jirin, aadna
hor dhigto Golayaasha Jamciyadda (Action Plan)
Ujeeddadiisu tahay sidii Soomaaliya looga kicin lahaa
kuftintaan ku dheeraatay, loogu Abuuri lahaa nidaam iyo
kala danbeyn, Qaanuunkana loo hir gelin lahaa.
XUKUUMADDA IYO SHACABKA
MAREYKANKA.
Dowladda iyo Shacabka Mareykanku waxay
caddeeyeen in ay dagaal kula jiraan cadow ay ugu yeereen
Argagixiso tan iyo 11kii September 2001, hase ahaatee
muddo intaas kasii horreysay lagu waday hab qabow oo
qarsoodi ah, dagaalka ay caddeeyeenna waa mid ka gedisan
dagaalladii horay caalamku u yiqiinnay ee lagu duuli
jiray cadow la ogyahay meesha uu degen yahay, taasina
waxay sababtay in Dowladda Mareykanku siyaabo kala
gedisan ula dagaasho cadowga ay maldahatay, Jabhadna ay
ka furto dhamaan Caalamka meeshii ay doonto.
Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ay
u calaamadeysay dagaalkeeda ay uga soo hor jeeddo
Cadawgeeda dhalanteedka ah ee ay ugu yeertay Argagixiso,
waxayna ka bilowday Soomaaliya dagaal guud oo isugu jira
mid Siyaasadeed, Dhaqaale, iyo Bulsho, waxayna
cadaawadda Ameerika ay ka waddo Soomaaliya ka gudubtay
xuduudii ay ku sheegtay la dagaallanka Argagixisada,
wuxuuna hubkeeda calculus ee ay u isticmaaleyso si toos
ah iyo si dadbanba, si aan naxariis lahayn u wax
yeelleynayaa Shacab masaakiin ah oo aan waxba galabsan,
waxay maal gelineysaa xabadaha Shacabka lagu xasuuqaayo,
waxaana ku dhimanaaya rasaasta laga soo bixiyey
canshuurta Shacabka Mareykanka carruur yaryar,
hooyooyin, iyo dad da’ ah oo aan waxba galabsan, warna
aan u heyn dagaalkeeda aan naxariista aqoon.
Waxaa Dowladda Mareykanku ay cuna
qabateysay Shacabka Soomaaliyeed Siyaasad ahaan, iyo
dhaqaale ahaan, waxayna baasiin la daba taagan tahay
hurinta dabka ku baxaaya shacabka Soomaaliyeed ee ay
dagaalladu halakeeyeen, weliba si aan qarsoodi ahayn,
caalamkuna wada ogyahay.
Waxay Dowladda Mareykanku hor taagan
tahay, si toos ah iyo si dadban-ba in Soomaaliya system
dowladeed yeelato, mana ahan taasi mid ay Dowladda
Mareykanku Qarsaneyso, waxayna taraan-turro aan hakad
lahayn la daba taagan tahay wax kasta ee isku day ah ee
Umadda Soomaaliyeed ku damacdo in ay ku sameysato nidaam
iyo kala danbeyn, mana weyso wax ay ugu marmarsooto.
Waxaan Dowladda Mareykanka ugu baaqeynaa
in ay dib u eegaan qorsheyaalkooda ku aaddan Soomaaliya,
kana fikiraan qaab ka macquulsan midka ay hadda ku
shaqeynayaan, una wada dan ah Shacabka Soomaaliyeed iyo
Umadda Mareykanka.
Waxaan Shacabka Mareykanka ugu baaqaynaa
in ay si dhab ah uga fiirsadaan in Shacabka Soomaaliyeed
u yahay cadow ka mudan in ay si naxariis darro ah u
xasuuqaan, iyo in ay yihiin Saaxiib ka mudan in ay gacan
ku siiyaan ka kicista dhibaatada ay maanta ku sugan
yihiin.
Soomaaliya waxay Dowladda Mareykanka
siisay Saldhigyo Milatary oo ay ka koontoroolaan Badda
Cas xilligii Dagaalkii qaboobaa, si aysan daneheeda wax
u noqon markii Midowgii Soofiyeeti Saldhigyo waaweyn ka
sameystay Dowladdii Yementa Koonfureed iyo Xeebaha Badda
Cas ee ay Itoobiya ka talin jirtay (Eretria),
Tallaabadaas ay Soomaaliya SaldhigyoMillatari ee
Mareykan ku bixisay waxay sabab u noqon kartay in
Soomaaliya ay hadaf u noqoto Sawaariikhda Nukliyeerka ee
Itixaadkii Soofiyeeti.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool
Dalweynaha Mareykanka weli laguma tuhmin in ay ka qayb
qaateen waxa ay Ameerika u taqaan falalka argagixiso,
ama dhibaato ka dhan ah shacabka Mareykanka, balse waxay
ka haayaan dalkaas howlo muhiim ah; waa Professors wax
ka dhiga Jaamicadaha Mareykanka, waxayna ka shaqeeyaan
ilaha dhaqaale ee Mareykanka, haddaba, waa yaabe, xaggee
ayey ka socotaa Cadaawadda Mareykanku u haayo Shacabka
Soomaaliyeed?
Agaasimaha Guud ee Jamciyadda
Dr. Macallin. F. A.
firxi@hotmail.com