SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

HAA SHAREECADA WAA ISKU DHIQI KARNAA Q.4aad.

BISMILLAH.
Asalaamu calaykum.

Qaybihii hore waxaan ku ifinay agagaarkeena iyo cida saamaynta innagu leh, kanise waa innaga oo ah cida saamaynta lagu leeyahay.

Waxaa la yidhaadaa cinwaankiisa.

HAA SHAREECADA IYO INNAGA SOOMAALI AH.

Geed walba in gubtaa hoostaale, waxa mushkilad aduunka ka aloosan, qolo walba in ku filan ayaa haysata, midba midab bay leedahay, sidoo kale xalkooduna isku nooc maaha, inaga soomaali hadaba waxaan u baahanayahay in aqoon yahankeenu ay noo soo gudbiyaan, nooc mushkiladayada, iyo xalka siday u arkaan, waa maqaalada aan aadka ugu baahanahay.

Arinta mawduucaygan hadaan gudo galo.
Waxaa ukala qaadi doonaa.

Arimaheena gudaha.
Arimaha dibadda iyo deriska.
Qm qaramada midoobay iyo urur goboleedyada.

Arimaha gudaha.

Markaan ka hadlayno mushkiladda hada soomaaliya ka taagan ee guduhu
Wuxuu u qaybsan yahay mid.

A-ijtimaaci ah, B-mid siyaasi ah, T-mid dhaqaale.

Hadaan ku biloowno kan ijtimaaciga ah.

A-mid ijtimaaci.

Waxaa la odhan karaa mashaakilka ijtimaaciga ayaa inta badan sababay dhibka umaddan ku dhacay, inta hadhay cadawga oo afuufay dabkii ayuu noqonkaraa.

Eedoo dhan maleh cadawgu laakiin faa,iidoo dhani isagay usoo hoyataa.

Maqaale kale mooyee kani meel ugama banana mushkilada ijtimaaciga ah, waayo waa bad.

Hadii ALLAH idmo maqaalo kale ayaan kaga hadli doonaa aragtideeyda
mashaakilka iyo khilaafaadka umaddan, dawadiisa, Dhayidiisa iwm.

Mashaakilkii dhacayna waxaa dhaliyey khilaaf soo dhex galay mujtamaca soomaaliyeed.
Khilaafaadkana dhowr nooc ayaa loo qaybiyaa, waxaa si duuduban u odhan karnaa mid asal ah iyo mid faraca “mid soo kordha”.

Maxay kala yihiin?

Midka ka dhasha waxa sugan waa culus yahay, sida diinta, qawmiyada, afka, kuwaas waxaan odhan karnaa waa kuwa qalbiga degan muujinayana kala duwanaasho dhab ah, kaasi waa asalka, wuxuuna soo fududaanayaa hadba inta ay intaas ka soo wadaagaan.

Midka fudud ee aan u bixinay khilaafka soo kordha, waa kan ka dhex qarxa dad isleh sina ku kala duwanayn, diin, qawmiyad, af, thiqaafad iwm, laakiin uu ku soo kordhay wax khilaaf keena, iyana garan siday u xalin lahaayeen.

Horaan uga soo hadalnay in khilaafku nafta ka dhex dilaaci karo, qoyska ka dhex dilaaco, qawmiyada ka dhex dilaaco. Kaasna waa ka aan caqliga degenayn asalkana ahayn ee faraca ah ee soo kordha.

Maxkamadaha dawladuhu leeyihiin waxay la ciir ciirayaa kala saarka shucuubtaas, inagana taasaa meesha ka maqan, sadex in la helaa waa lagama maarmaan.

1-Awood laga wada haybaysto.
2-Dastuur cadaalada ku salaysan.
Maaha in qofkii qof dila layidhaa sadex sano oo xabsi saybeeriya ku yaalaan kugu xukunay, qof garanaya xaqaas mid ka badan inuu lahaa ALLAHna siiyey, mabda`aasi wax uma sheegi karo, cidaan hayasan haa.

3-Awood garnaqsi in shacabku leeyahay. Soomaali kaasay weligeed ku soo noolayd kuna wada socotay, kuna xalisan jirtay khilaafkoodii, mudadanay soo kordheen kuwo cadawga u shaqaynaya oo walaalada kala fog inay isu yimaadaan oo garnaqsadaan caqabad ku noqoday oo geedkay galaan baroon kaga saaraya, taasi arintiibay sii murjisay.

Waxaa jira walaal mabda`a(diin) iyo walaal qawmi iyo mabda`aba.

Khilaafka dadkaas soo kala dhex gala waa badan yahay ee aan saas u weeyneey, hadii ladoono hala waynayo ama dhibkiisu ha muuqdo sida.
Kan mujtamac meel wada degan ka dhex dhaca, derisnimada, wax wadaaga iwm.
kan xakamayn la`aanta tartanka ka dhex dhaca sida kan ganacsi iwm.
kan idaarada ama maamulka ka dhaca iyo ku tumashada shuruudihiisa.
Kan aadaabta iyo akhlaaqiyaadka ka dhexdhaca.
Khilaafka fidrada ama shucuurta ka dhasha sida.
Degdega, farida naftu xumaanta farto iyo sanifka, khar isla jeclaanta(shux ama annaniyada) iyo halagu maqlo hana lagu arko doonka iwm.

Qur`aanka iyo axaadiistaba sida suuratul xujuraad, waxaa ka buuxa wax ka mida kuwaas, iyadoo ALLAH(SWT) seeto ku soo rogay, oo hadii dhinaca khayrka loo isticmaalana wanaag keena, hadii dhinaca xumaanta loo isticmaalana xumaan keena,

Arintuse uma qodna siday dadka qaybi u buunbuuninayaan.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka asalka ah iyo kan faraca ah ee soo kordhaba waa la fogaykaraa waana lasoo dhoway karaa, horumar inuuna waa laga gaadhi karaa, laakiin kan fog ee kala duwanaashaha asalka ahi wuu soo noqnoqdaa mana laha xal waara, hadii aysan jirin awood cabudhinaysa lagagana baqayo soo ifbixiisa, marka kan kale intuu doono ha qodmo`e hadii shuruudaha xal raadinta la maro xal waaruu leeyahay.

B-mid siyaasi.

Waa qalcadaha ay saaran yihiin cadawgu oo ka dhashay kii ijtimaaciga ahaa.
Waxaan ukala qaybin karnaa midkan siyaasiga ah sadex qaybood soomaaliya gudaheeda.
Koonfur, soomaaliland, puntland.

Koonfur.

Koofur waxaan ku magacaabi karnaa wixii mudug ka hooseeya ilaa raaskambooni, Waa isku xaal manta.
Koonfur sadex marxaladood ayaan ku soo koobi karnaa.

1-Midka ijtimaaciga ah.
2-Midii qabqablayaasha.
3-Midka halganka.

1-midii ijtimaaciga ahayd.

Ma odhan karno waa la xaliyey dhamaan khilaafkii ijtimaaciga ahaa ee dhexyiiley soomaalida degan goobtaas, markaas ma odhan karno gabi ahaan waa dhamaaday laakiin waxaad isleedahay xiise badan looma hayo, waayo waxaa meesha ka baxay cidii abuuraysay xasaasiyada, waxaa meesha soo galay mabda`a, waxaa soo baxay cadaw kale oo abuuray isku duubni iyo inaan la is waydiin wixii shalay dhacay, kaasaa in badan xaliyey, wuxuuna sugayaa is raacin iyo cidii is raacin lahayd oo lagu kalsoon yahay.

2- midi xiligii horboodayaasha.

Waxaa la odhan karaa qabqable hada macruuf ah, magac fiican, saamayn wayn leh, taageerana shacabka ku dhex leh, ma jiro koonfur oodhan marka la isku sooduuduubo. Mid cadawga dabaabaadka la saaran mooyee, Iyaduna waa guul soo hoyatay, waxayna ka mid tahay dhayida boogaha umaddan.

3-mida halganka.

Waxaa la odhan karaa ma soo marin halgan noociisa ah, oo dadkan sidan u kala qabiilka ahi meel ka soo wada jeestaan intii umaddu kala fiigtay dabadeed, meelna iska dhigaan wixii dhex maray.

Wixii mudug ka hooseeya ilaa raaskanbooni dhinaca kalena galbeedka xuduud beenaadka ilaa xeebteena dheer waxaa degan inta badan noociyada qabiilada soomaaliyeed iyagoo saf ah, qabiilna isu aqoon, walaalo ah, is xambaaraya, caana wada dhamaya ayey ku jiraan halgankan barakaysan.

Cadawga umaddu wuxuu ku lahaa koonfur qalcado iyo dhufaysyo aad u adkaa, markii qalcadihiisii laga saaray ayuu kii xigay ku soo galay waa dawladaha deriska ahe, waana waxa dhaliyey halgankan.

Waxaa la odhan karaa qalcadihii gudaha way ka soo saareen cadawga, hadana waxaa socda waa qalcadii dawladaha deriska inala ah.

May awoodi Karayn inay isticmaalaan inta koonfur ka soo hadhay soomaaliya, laba sababoodba.

Tan koobaade.

Taageero shacab oo arintan ka hortagi karaa kama jiro oo wuu yaraaday xamiyadii wax lagu kicin jirey.

Tan labaade.
Inta halganku ka socdo hada oo xambaarsan mabda` kaasoo kuwada talaalan quluubta inta koonfur ka soo hadhay soomaaliya, markaa waxaa laga baqay inay meel isu wada raacaan.

Waxay taasi soo dedejisay in dawladaha derisku noqdaan cida loo wakiisho mashruuca koonfur soomaaliya ka soo if baxay oo ah xornimo dhul, xornimo maamul, iyo xornimo mabda`a inta uusan saameey ku yeelan dhulka iyo dadka inta hadhsan iyo weliba geeska afrika.

Maxay koonfuri ku guulaysatay?.

Koofuri waxay ku guulaysatay inaan barano hada rag aanaan hore u aqoonin oo umaddan boogihii kala gaadhay dhinacooda diyaar u ah inay wax ka qabtaan.

Waxay umaddii ka hore wareejiyeen kuwo ka mida kuwii boogahan kala gaandhsiiyey, dhufaysyada cadawgana ahaa.

Waxay iska dulqaadeen heeryadii iyo dheg xumadii.

Waxay soo saareen rag cusub, firfircoon, aqoon leh, dariiq cusub umaddan u horkici kara.

Waxay tuseen umaddan in ragii layaqaanay qudha, ee waa la ina baray inaysan umaddan ku dhex jirin ee rag masuul ahi ku dhexjiraan.

Waxay umaddan farta ugu fiiqeen in inta xilkaska ah la hortaagay yahay ee ay umaddan ka buuxaan gobol walba.

Waxay la soo baxeen cuquul xor ka ah cid walba.

Waxay muujiyeen doorashadooda mabda`a xor ah shacabkuna rabo.

Waxay tooshka ku ifiyeen gacantii qarsoonayd ee dalka soomaaliya qasaysey.

Waxay na tuseen in mabda`u midayn karo umaddii mindididu galka isga baxsanayd.

Waxaan aragnaa in qabyaaladu qalbiga ku jirayso inta aan mabda`ani gelin, hadii uu isagu kabaxana uusan banaanaanayn ee uu udaba marayo.

Waxaa ku midaysan oo iska barbar dagaalamaya qaybaha soomaali oo dhan.
Shacabka gobolada soomaaliland u dhashay.
Shacabka gobolada puntland u dhashay.
Dhamaan shacabka koonfur u dhashay.
Dhamaan soomaali meelay joogtaba.

Waa koonfur dhulka iminka halganku ka socdo laguna saxayo khaladkii soomaali kala gaadhay, cadawguna hortaagan yahay oo diidan yahay.

Puntland iyo Soomaaliland.


Waxaa asaasay maamuladan mashaakilaadkii ijtimaaciga ee soomaali dhex maray.

Shucuubta goboladaas degan si duuduuban waa iskuxaal

Ma aha qalcad iminka laakiin waa u nugul yihiin, lama saadaalin karo waayo shacuub goba oo talaalan iyo waxgarad badan ayaa ka buuxa, laakiin markay ugu yartahay jeeska beesha caalamku degayso waa ku jiraan siday wax ugu hirgeli doonaanse lama garan karo.

Wuxuu ugu qabysamay halganka socda sadex.

A-Qaybo badan oo ka mid ah shucuubtan waxay door libaax kaga jiraan halganka.
B- laakiin shacab waynaha sharafta lihi taageero uma hayaan dulmi wadayaashan, markay xaga kalena halganka inay ka qayb qaataan ka gaabsadeen, baahi ay u baahan yihiin istifsaar dheeraad ah oo halgankan ku saabsan iyo tashwiish ay wax ma kastadu fureen iyo boogihii soomaali kala gaadhay oo weli meel la isla saarin kuwaasoo dhami waxay ka dhigeen fadhiid.

Beesha caalamku wax dana uma hayaa koonfur iyo waqooyi toona, laakiin haday arkaan in halgankii biyo dhigayo, waa suurto gal shacabka soomaaliland u dhashay oo aysan hada wax la doonay inay goobaan qaab ay soomaaliya kaga gooyaan si indhaha soomaalida looga soo jeediyo itoobiya, loogana daba tegin geeli ay hore u dhacday iyo danbigii ay gashay.

Shucuubta soomaaliyeed gob bay wada ahayd laakiin gobnimadeedii kuwaa ku tuntay oo heerkaas gaadhsiiyey, xilma kasto, iyagiibaan la doonayaa in ay weli umaddan hortaagnaadaan, waa inaan la yeelin, in thiqadii la soo celiyaa waa lagama maarmaan.

T-mid dhaqaale.


Dhaqaaluhu wuxuu ka mid yahay wax yaabaha mashaakil xaliya la,aantiisna wuxuu beeri karaa budhcad iyo boob, hadii qof waliba qanacsanyahay, mashaakilka uu abuurayo gaajadu iyo damaca cid kale waxeeda dhac waa yaraan lahaa.

Faqrigu markaa mashaakilaadka soomaaliya ka jira door wayn ayuu ku leeyahay.

Aduunkan suuqa ku yaal, dukaamada ka furan ALLAH ayaa wada bixiyey shatigiisa, laakiin midna waa dadaalay oo dukaankii ALLAH siiyey wuu ka shaqaystay oo ku barwaaqoobay, midna caajis iyo hurdo iyo isku halayn uu cid kale isku haleeyey iyo beesha caalamkaa wax ku siinaysa, ayuu tukaankiisii isaga xidhan yahay oo uunan uga shaqaysanayn.

Soomaali ALLAH wuxuu siiyey tukaan suuq istaraatiiji ah ku yaala, weliba meel gees ah oo dadkoo dhan soo maraan laakiin waxaa la odhan karaa, kii tukaanka inuu reerka ka quudiyo la rabay ee madaxda inoo ahaa, ileen caqliga xor kama aha`e waxay ku yidhaadeen beesha caalamku iska seexo oo waxba ha soo jarmaadin, maalin walba qadaada anagaa adiga iyo reerkaaga ku siinaynee, dhalintii koroo waynaade, dee ma qado hay`ad ama dowlada keentay oo weliba dan laga leeyahay ayaa ku filan reerka, reerku sow quraac uma baahna sow casho uma baahna, sow arad uma baahna, ragii wada kore oo furihiibay ku qabsadeen odaygii, iyagiina waa isku qabqabsadeen beeshii caalamka ee dukaankayaga xidhay baa intay nasoo dhex galeen yidhi, reer yahoy reer aad u buuq badan oo dhib badan baad tihiin, caalamkii waa idinka seexan la`yahay, dukaankana cidii shatigiisa leh ee aanu u aqoon sanahay waa odaygan hurdaayey.

Taasi reer gaajo iyo arad la daalaa dhacaya ma qabataa?.

Duruufta jirta oo aad u adag darteed nin waliba wuxuu laabta geliyey haduusan furahaas gacanta ku dhigin inuusanba noolaanayn, taasi waa tan keentay in nin waliba raadiyo, hadii dawladii soomaaliyeed la waayey maamul goboleed u ku sii sugo, naftana ku sii qabto, kun gorgortamo marka tan way curanayso.

Hadaba taasi waxay noqotay boog cid waliba ka faa`iidaysato beesha caalamka iyo itoobiya, iyo inay baandheeyaan raga tartamaya kana xulaan ciday doonaan.

Markaa shirqoolka dhaqaaluhu horuu udhacay sidan kan amniga iyo siyaasadu u fulay, hadase cida in laga baxo hortaagan ee qalcadaheedii ka waardiyeynaysaa waa beesha caalamka iyadaana door fariida ka qaadatay.

Kan amniguuna ku xigaa oo hadaad ku guulaysatid waxay isku dayayaan inaadan midka dhaqaale ku guulaysan.

Arimaha dibeda.

Arimaha debedu dhibka umaddan haystaa waa dhibka labaad marka laga yimaado kan arimaha gudaha ka jira.

Beesha caalamka iyo wadamada deriska inala ah ee ina saamayn kara ayaan isla eegeynaa.

Suurad guud Soomaaliya iyo xuduudaheeda iyo ciday la wadaagto.

A-Jabuuti, B-Kenya, T-dawlado masaalix, J-Beesha caalamka, X-Itoobiya.

A-Jabuuti.
waa dal aan walaalo nahay derisna nahay, runtii isbadbaadin bay ku jirtaa, waxayna u baahan tahay inaan ugu garoowno, saldhigyeey siisay beesha caalamka, hadana talo kuma leh, haday Jabuuti ka badbaado iyaga, cid kale kama badbaadin karto, siday beesha caalamku la doonayso soomaaliya waa si ay innaba jabuuti dani ugu jirin, isku danbaynu nahay markaa.

B-Kenya (hadaan qaab maslaxo lagusoo kicin diyaar uma aha).


J- Dawlado masaalix.
Dawladahani waa dawlado aan iminka saaxada ku jirin, masaalix fiicana la leh beesha caalamka, sida kuwa walaaladeen ee carabeed, sina aan daris u nahay sina aan bahwadaag u nahay jaamacada carabta, kuwan nafci lagama hayo laakiin dhibaa laga baqayaa inay goor uun ka timaado, hadii ay masalaxada umadda soomaaliyeed raadinayso u arkaan mid iyaga dhib u keenaysa way soo geli karaan kana qayb qaadan karaan dhibka soomaali haysta, amaba cida ay masaalixda la leeyihiin hadii ay u dhega nuglaadaan way dhici kartaa, laakiin iminka ma muuqdaan. Fiira gaara ha loo yeesho, cabsida geli kartana halaga dejiyo, walaaltinimo haloo muujiyo, in isku maslaxo iyo dan la yahay ha la dereen siiyo, ha la booqdo, warbaahinta hadalada xasaasiyada abuuri kara halaga ilaaliyo, si aysan kaaga qaadan inaad cadaw qarsoon tahay, bini aadamka noocuu doono ha noqdo madax iyo shacaba wuu geli karaa khawf mina majhuul(cabsi) iyo maslaxo(damac), sidaas li ajligeed khawfkana ha la yareeyo, hana la iftiimyo meesha ay ka biqi karaan iyo inay shareecadu khayr mooyee dhib u keenayn, masaalix iyo damacna ha la geliyo waayo waa walaaladeen faa,iidada aan helo si uun buu u gaadhayaa.

T-badda oo aan la wadaagno beesha caalamka.
Waxaa la odhan karaa soomaaliya waa dalka xuduuda ugu dheer la wadaaga beesha caalamka, Waloow ciidamo aan yarayn oo qalab fiican ku hubaysan daadsan yahay baddeena, hadana garabyo kale hadaysan helin keligood soomaaliya iskuma soo qaadi karaan dhul iyo dhexgal intaba inay ka fursan waydo mooyee.

Waxay ku jiraan beesha caalamku halgan aad is leedahay aduunkoo dhan iyo ma iyagaa, soomaaliya iyo inta kale ee ay isha ku hayaan kala hormarinteedeey ku mashquulsan yihiin, ma inagaa mise cid kale, intaa ay cid kale ku mashquulsan yihiin nasniino iyo dadaal, iyo waqti kasbashay inoo tahay.

Intaysan itoobiya soo gelin ayey uga haboonayd, garabyo mooryaan ah, shacab dhib la daalaa dhacaya, dhaqaale ay wax ku kala gataan, hub casri ah iyo waliba itoobiyoo u wehelisa wax buuran bay u yara muuqan lahayd.
Laakiin iminka oo garabka gudaha iyo mooryaantii sii tabar dhigeen, oo wax toobad keenay, wax yaacay, wax dhaawacmay, iyo wax shacabkooda iskaga biiray, iyo in yar oo sii firigfirig leh waa waqti dhacay.

Markaa waa isku deyi karaan beesha caalamku, laakiin intay heleyaan cidaan isku mashquulo way kaydsanayaan awoodooda, xalinayaana goobaha kale ee ku furan, saxeexna waa heleen ay toosh ku doon doonayeen oo innagu dalbanay, weliba arinta meesha ka socotaa waa labo arimood oo damqiya.

Xoriyadii caqliga waxaa la socdaa waa xoriyadii mabda`a isna waa shareecada islaamka.

Waxaa la odhan karaa beesha caalamku soomaaliya waxba ulama hadhin sadexnooc oo umaddan loo dhibi lahaa labo waa fuliyeen, waana labadii ugu adkaa uguna dhibka badnaa.

Maxay kala yihiin?

1-Dagaalkii gudahaaga la isu adeegsanayey sida qabqable iwm, umaddu waa ka guulaysatay.
2-Dagaalkii deriska oo dawlad awood leh loo isticmaalay, marka shacab dawlad la`aan ah la barbar dhigo, iyagana waxaad moodaa in guul daradoodii soo dhowaatay.
3-Kan ugu danbeeya ee weli shacabku sugayo waa beesha caalamka iyana xiligan diyaar uma aha hawlo badan oo u yaala iyo mashruucyo ay galeen oon najixin darteed, laakiin caga juglay iyo bal inaan intan itoobiya ku joogsano ayey xooga saarayaan, si hadafkooduna ku hirgalo, loogana cabsado intay banaanka taagan yihiin.

Markaa waxba yaysan beesha caalamku nooga dhigin itoobiyaan idinka saaraynaa naxariis markii ay labadii qorshe ee ugu khatarsanaa umaddan masaakiinta ah ku sameeyeen, arkeena fashilkiisa.

Waxay kaloo isku dayayaan ragii baandhayn dabadeed soo baxay inaysan meesha ka bixin, waxay doonayaa geedkaasoo ugu beeran soomaaliya in geedad yar oo yara udgoon lagu badhxo, haday doonaan berito xididada ha usiibaane.

Beesha caalamku waxaad is leedahay maalina umaddan soomaaliyeed mowqif wanaageeda ka shaqaynaya ma qaadan, sidoo kale maalina hadal muujinaya arintaas kuma dhawaaqin, hadalkooda quruxda badan ee ah wanaag baan idinla jecelahay iyo hadaan garwaaqsanay oo wax ka bedelaynaa arintii hore, inay yidhaahdaa ka suuli maayaan innana inaga daadegi mayso.

J-itoobiya.


Waxaa hada dano mushtarak ah yeeshay oo is waa faqay, horena u wada socday itoobiya iyo qayb beesha caalamka ka mida.

Maxay tahay danta beesha caalamka?
Maxay tahay danta itoobiya?

1-Danta beesha caalamka.

Danta beesha caalamku soomaaliya ka leedahay malo awaal mooye xog dhaba lagama heli karo laakiin akhrinta dhaqdhaqaaqoodu wuxuu ina tusayaa siday u fogtahay cadaawada ay noo qabaan.

Taariikhda dib u akhri xiligii xoriyadoonka iyo siday inoo kala qaybiyeen.

Taariikhda dib u akhri hagardaamaynteena dagaaladii aan itoobiya wada galnay.

Taariikhda dib u akhri kulankii wefdigii soomaalida iyo wasaarada arimaha dibada ee maraykanka dhex maray.

Taariikhda dib u akhri burburkii dawladii soomaaliya iyo burburkii dawladii itoobiya faraqa u dhexeeya.

Taariikhda dib u akhri xiligii qabqablayaasha ka wada amar qaata keliyihi markay dalka ka talinayeen, sidaysan juhdi doonayn inay ugu bixiyaan midowga saaxiibadeed xasuuqa waday una aqoonsadaan, xataa kala badhkiis juhdigay manta burburkeena ku bixinayaan.

Taariikhda dib u akhri markii wanaag umaddan u soo ifbaxay, dhowrka nin ee shaabada ah, ee wanaagii lagu burburiyey nalooguna marmarsiyooday (ama diidnay ama yeelay waa joogaan dhown nin bay ina leeyihiin), waxaana ragaas raadintoodu soo baxdaa oo loo baahdaa, markaad geerida ka badbaadid oo aad u muuqatid mid cagihiisa isku taagaya.

Hadaba Danta laga lahaan karo ee beesha caalamku u saaciday qabsashada soomaaliya ay itoobiya qabsato waxaa ka mid noqon kara.

A- In hamiga iyo hanqal taaga ina galay, caqli xor ah iyo mabda`a xor ah dib uga noqono.
B-In laysku dayo fikradii mililiq, Hadiiba haysashadeeda abid la ina haysanayo hirgali waydo, itoobiyana awoodi waydo, Markaa waxay ahayd kuday haday socon waydo (waana u muuqataa inaysan soconayne) insha ALLAHuye arinta kale ku hela oo ah aqoonsada rageeda, kana tanaasula mabda`an aad wadataan. (Ku qabso ku qadi mayside).
Markaa hal dhagax ayaa dhow shimbirood doonayaan inay ku dishaan.

Midkay ku guulaystaanba waxaa uga dhalanaya masaalix aad u badan, waxaana yaraanaya cabsidii ay xagaas ka qabeen.

2-Danta itoobiya.


Itoobiya dhulka soomaaliyi leedahay ma qabsan hadii lala qabtayna ma haysan karto laakiin soomaalidu waxay tidhaahdaa ninkaad shilin doonayso inaad waydiisato boqol baa la waydiistaa.

Danta itoobiya ka lahayd waxaa kamida baan odhan karnaa.

In la isku dayo inay soconayso fikradii mililiq ee ahayd itoobiyada wayn, arintaasoo beesha caalamka iyo itoobiya doonayeen inay ogaadaan siday fikradani ku socon karto soomaali maxamed oo degan geeska afrika.

In laga tanaasula dhulkii hore laguna mashquulo ka hadalka kan hada taagan.

In la ogolaado rageeda lagana tanaasulo mabda`a shareecada islaamka ooy ku midaysan yihiin beesha caalamka.

In la dhimo tirade umaddan soomaaliyeed oo awalba iyagu si fiican hore ugu soo dhimay dagaaladii dhex maray awgeed.

Inay hesho suuq sida beesha caalamka duniddu suuq ugu tahay innana suuqa itoobiyaa leedahay inaan noqono.

Inay noqoto dariiqa nasaareeynta(kristaamaynta) umaddani uu soo mari doono, iyadoo awoodi ilaalinayso.

Inay hesho dekedo ay xor u tahay.

Adigu soomaaliya dheh farac hoostaga wasaarada arimaha dibeda ee itoobiya, hadiiba toos loo hoostegin.

In cida xagaa iyo soomaaliya ka xigtaa inay noqoto ciday tidhaah madaa wax ahaa anaa wax kaa dhigaye, dhiigna kuu daadiyaye, iyo maxaad tihiin hadaad soomaali tihiin kuwii baad tihiine.

Inay sharaf iyo taariikh u soo hoyso itoobiya iskana maydho taariikhda madoow ee ugu qoran baalasha buugaagta taariikhda.

Inay dhinacaa ka seexato dhinacyo kala u soo gacan banaanaato, sida Ereteriya iyo Suudaan oo beesha caalamku dan ka leeyihiin soomaaliyaase ku noqotay laf dhuun gashay oo uu mashruucaasi ka fuli la`a yahay.

Inay is dhiibaan shucuubta gadoodsna ee dulman ee gudaheeda ku jiraa, markii la tusay dhoolatus goob kale laga dhigay.

In afrika la tuso in beesha caalamka ay baal dahaba ah ugu jirto itoobiya, si ay toor isaga dhigto ay shirarka ku fadhiisato.

Inay dhaqaale buuran iyo kaalmo kaga hesho beesha caalamka.

Inay tababar iyo saanad ciidan oo ay kaga sare marto afrika inta kale ku hesho.

Inay beesha caalamka iska jeediyaa maamulka keligiis taliska ahi, beeshaas oo cidii masaalix u fulisa muumin u taqaana, cidii maslaxada umadiisa fuliyana mujrim.

Waxa ka soo gaadhay warkoo kooban waa cagsiga intaa sare iwm.

Waxay isku dayaysaa itoobiya inay dagaalka wado mudo dheer, iyadoo yaraynaysa dhaawaca dhaqaalaheeda, awoodeeda maadi iyo mid ciidanbaka soo gaadhaya, halaga hor istaago fursadaas, adigoo dhinaca kale adigu kaydsanaya awoodaad, kobcinayana dhaqaalaha,waxbarashada, laban laabayana cududaada, haday taasi dhacdo waxay qasbaysaa inay dhakhso uga laalaabo soomaaliya gudaheeda.


QM qaramada midoobay iyo Urur goboleed yada.


Iyagu waxay wax ku yihiin kuwaas hore hadiiba kuwii hore ee kala ahaa.

Arimaha gudaha.
Arimaha dibadda iyo deriska.
Beesha caalamka.


Hadii ay kuwaasi doorkooda gabaan, inta ka soo hadhay Iyagu Wax saas u wayn ka bedeli kari maayaan jihada doontu qabsatay, dabaylaha wax bedeli karaa waa kuwaas aan sare ku soo xusnay bacda ALLAH.

Waxa qudha oo URUR GOBOLEEDKA AFRIKA ama QM soo kicin karaa waa deeqo iyo balanqaadyo dawladahaa lagaga gato askartooda, iyagana rajo laga sugi maayo ay wax ku xasiliyaan aan ka ahayn inay waqtiga inaga lumiyaan, una ekaano mudo goob dagaal ka socdo oo wax horumar ah gaadhin, iyo beesha caalamka oo faraj filaysa inay inoo hesho mudadaas kadib.

Saameeyn waa leeyihiin laakiin cid aan deris kula ahayn oo dhoof ku timid, gudana aan soo dhowayn iyo googol uga soo horeeyn xabaalo mooyee, qadiyad adagna ku soo duulaan tegin sida beesha caalamka iyo itoobiya, intay iska daba iman karaan waa mudo maxduud ah, hadaad sabirtid iskuna duubnaatid.

Waxa soo raaca waa in shacabkaaga caleen shaaha iyo caana niido laga cunaqabateeyo taasna ALLAH(SWC)dhulkeedii, dadkeedii iyo jawigeedii waa ku siiyey, wuxuuna keenaa baraarug iyo isku kalsoonaan hase lagu sii tashado.

Gabagabadii.


Marka laysku soo duuduubo halgankan waa halganka qudha ee socda ee shucuubtu ka midaysan tahay.

Waxaa la odhan karaa soomaaliya maantay uga dhowdaya shareecada maalmo badan oo soomaray.

Guushu inta badan waa gudahaaga hadii gudahaagu midaysan yahay, qadiyadiisna ku dheganaano, halgankuna socdo, guulaysatay insha ALLAH,

Arimaha gudaha.


Arimihii gudaha waxaa muuqata in laga gudbay oo uusan ahay hada wixii ka dambeeya qalcad laga burburin karo halgankan, waa guul aad iyo aad u wayn, waana tan keentay in la raadiyo itoobiya.

Arimaha dibadda iyo deriska.


Cadawga keliya eey soomaali lahay wuxuu ahaa itoobiya oo cidiyaha iyo miciyaha ku dagaalamaysa, iyana la soo kici beesha caalamkuna ku taageer.

Waxaa yeedhaya iminka in marba ilig laga siibayo itoobiya, soomaalidii waxay noqotay warkoo kooban, dhaqtarkii ilkaha ee itoobiya.

Waxaa odhan karnaa si duuduuban shareecadii soomaaliya inay ka hirgasho, caqli xor ahina nagu dhaqo waa soo dhowaatay.

Inta Soomaaliya halganku ka socdo hada Sadex marxaladood uun baan cadayn karnaa in la marayo.

Marxalada koobaad.
In mabaadi`dii kale, iyo kalkaakiyayaashoodii la laalay.
Marxalada labaad.
In halgankii socdo lagu doonay in lagu xoroobo iyana diidan yihiin.

Marxalada sadexaad.
In la gaadho oo uu caga dhigto mabda`a la doonayo.

Markaa sadexdaa mid waa laga soo gudbay waa:
Mabda`ii hore oo la laalay.
Mid haduu socdaa, rajadiisuna fiican tahay.
In kii loo socday yimaado. Waxa soo socdaana ka dhow waxa tegey.

Marxaladan iminka lagu gudo jiro lama saadaali karo mudada ay qaadanayso, waayo waxay ku xidhan tahay tan ALLAH ka sokoow dadaalkaaga iyo caabiga ku hortaagay siday u kala raajaxsanaadaan, laakiin isla mudadaas lama dayacna oo khary iyo horumar badan waa lagu talaabsan karaa.

Dhulka soomaali ee dhiman ee shucuubta gobta ahi degan tahay sida Soomaaliland iyo Puntland waxay xaaladiisa inay ka warhayaan, raadiyaana shucuubtaas, madaxdiisa inta caqligoodu fiyoow yahay, indheer garadkiisa, odayaashiisa, ay saran tahay soomaali inta xilkaska ah gobol walbeey u dhasheen iyo dib-uxoraynta, sidii meel la isugu iman lahaa, halganka looga wada qayb qaadan lahaa, maandeeqna loo wada maali lahaa.

Isla iyagaa laga doonayaa inay kala dhex galaan in cadawgu kala gooyo umaddan ama ka dhigto daab ama ul ay ku garaacaan khayrkan fooda inagu soo haya ama dhufays ay ku hor istaagaan fiditaanka khayrkaas.

WAQTIGA (talo).

Waxaa socda hadii la idin qabsan waayey mabda`a, caqli, iyo dalba in la isku dayo in waqti la idiin diido (waqtiguna= sirta guusha), dagaalada la inagu hayuu ka mid yahay.

Sida ibnu aadamku ugu baahan yahay biyo iyo baad ayaa halganku u baahan yahay qaybaha noloshu u baahan tahay in lagu dhinac wado.

Waxaa la doonayaa in dagaal qudha la inagu mashquuliyo oon ka soo jeesano wax badan oo noloshu u baahan tahay iyo bulshadan aan xoraynayno, marka danbana dantu inoo run sheegto.

Dagaalku wuxuu qaadaan xasiloonida, xasilooniduna waxay la tagataa kalsoonida shacabku ku qabo in maanta ay wax qabsan karaan taasoo shacabka ka dhigaysa mid xaglo laaban.

Waa in lagu abuuraa shacabku inay taxamulaan xaaladan kuna helaan gudaheeda xasilooni, una qumaan hawlahoodii dabiiciga ahaa sida waxbarashada, shaqada, kobcinta dhaqaale, iyo beerashada dalaga iwm.


Waxaa qoray adoon ALLAH.
C/RAXMAAN ibnu CABDALLAH.
WABILLAHI TAWFIIQ.
buloxubey@hotmail.com

AKHRI QAYBTII 1aad

Faafin: SomaliTalk.com |  July 29, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS