SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin: Kulankii Wakiilka UN ee Soomaaliya iyo Soomaalida Minneapolis

Waxaa (July 26, 2008) ka dhacay gobalka minnesota ee waqooyiga america Shir kii ugu qiirada badnaa uguna xiisaha badnaa waxuu ka dhacay shir kaan Xurinta Wax Barashada ee Minnesota International Institute Of Minnesota Waxaa Shir ka Furay Introduction of Meeting Chairperson Zainab Hassan ahna Program officer Minneapolis foundation
waxaa ka loo ka hadlay furutaan ka shirka Saeed Fahiya Director of the Confedretion of Somali Cummnity in Minnesota

waxay labaduba si diiran u soo dhaweeyeen Ahmed Ould Abdallah wakiilka Xogyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah. Mr ahmed ayaa khubad qiiro leh oo dumar badan iyo islaamo badan ay la ilmeeyey ka jeediyey shir kaas waxaa hadaladiisa ka mid ahaa Somalidu waa isku luuqad waa isku diin waana isku dhaqan waana muslim walaalo ah hadana cadow ayey isku haystaan

waxaan tagay muqdisho aad iyo aad ayaan u naxay una murugooday mar kii aan arkay dalkaas sida uu noqday Airport ka bur kiisa iyo dhismaha Magaalada iyo gaajada iyo dhibaatada ka muuqataa waa mid laga calool xumaado mid ayaanse idin sheegayaa ayuu dhahay Ahmed Ould Abdallah Rabi waxuu qur,aan ka ku yiri watilka ayaamu nudaawiluhu bayna naas oo macnahedu yahay ninba maalin ayey guushu cag taalaa

haniyad jabinina wadamo badan ayaa saas ahaan jiray maantayna ah kuwo anagram Qaranimadoodii soo ceshaday waliba Somalia waa gaas waxay ahay Qaran qiima badan waxuu yiri Ahmed Ould Abdallah Alyooma laka wayoomi Calayka oo macnaheedu yahay Maalin na adiga ayey guushu ku cag taalaa maalinna waa kugu fooradhaa Somali badan ayaa kayaabtay sida uu kalmadaha carabigaa iyo aayaad ka u daliishanayo

Ahmed waxuu Somalida xasuusiyey in badahooda lagu shubo wasakhda sunta taasna ay halis ku tahay noolasha dad ka iyo xayawaan ka badda iyo biriga waxuu kaloo ka hadlay in xafiisyo laga furo Somalia sida xafiis ka UN ka waxuu kaloo qiray in haddii aysan Somali hishiin aysan jirin cid wax u qaban karta waxuu kaloo sheegay in dhammaan xafiisyada Hayadaha Samafal ka loo raro Somalia waayo deeqda caalam ku siiyo Somalia waxaa lagu cunaa kenya Nairobi taasna ma ahan xaq

Ahmed Ould Abdallah waa nin kii ugu horeeyey oo Jagadaan UN ka qabta oo Somalia iyo Caalamka runta u sheega sida uu Sheegay Siyaasiga dada yar ee Yassin Mohamud Jama Yassin Yabarag asaga oo gacan qaadaya Ahmed Ould Abdalah ayuu la kaftamay asaga oo leh Geesi halyey ah oo runta sheega ayaad tahay ee Good job Mudane ma ahan mid la soo koobi karo Khudbada Ahmed ould Abdallah waxaase koobta shirkaan fadhiyey Odayaal Dhaqameed iyo Aqoon yahano iyo Siyaasiyiin waxaana ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Maamul Gobaleed ka Puntland Mohamed Abdi Hashi iyo Saraakiil badan Haween iyo dumar
Waxay ahayd goob ay xataa wariyayaashu ay ku badnaayeen waxaa kaloo ka hadlay shirkaan Mohamed Jibril Chairperson of the Somali Confederation of the Somalia Cummunity in Minnesota iyo A, Warfa Director of the East African Relief

ka dib waxaa lagu soo gaba gabeeyey Su,aalo iyo Jawaabo la weydiiyey wakiil ka qaramada midoobay ee Somalia Ahmed Ould Abdallah

(1) Su,aal Maxay UN ku oga war wareegayaan in ciidamo ay geeyaan Somalia ?
Jawaab sida aad eedda ugu soo jeedinaysaa UN ka ayey Somalia eed la mida ugu so jeedinayaan waayo waxaan og nahay in hadda ka hor ciidamo la geeyey UN ka ah waana la ogaa sida ay somalidu un ka ula dhaqmeen hadana wadamo un ka ka mida haba yaraadeene ayaa diyaar u ah in ay qaranimadiinii soo ceshaan wax kaste Somali ayey ku xiran yihiin dad kiina qurbaha ku nool waxaa loo baahan yahay in aan nabadda ka qayb qaadataan taas waa aragtidayda iyo sida ay aniga ila tahay

(2) Dad ka danbiyada galay maxa laga yeelayaa ??
Waxaan hubaa in maxkamad la soo taagayo intay doonto ha qaadatee Sida sharciga
Caalamku dhigayo mana ahan mid laga wal walo ee waa hubaal in xisaab imaanayso
Adduun iyo aakhiraba

(3) Qofkii Nabad diida maxuu caalam ku ka yeelayaa ??

Waxaa balan ah sida aan horay u sheegnay in meel lagu xirayo oo uu noqonayo
Geed ku xir bahal ah hal meel ayaana looga soo wada jeesanayaa ee idin ku ka qayb qaata
Nabadda iyo hor mar ka dalkiina fakara waxaad u baahan tihiin ayaa jira oo ah
Qaranimo Nabad iyo sharaf run ayaan idin sheegayaa wax kasta idin ka ayey idin ku xiran yihiin haddii aad telephono diraysaa ama fax waxaan idin oran lahaa Fariintiinu hanoqoto nabad iyo is jacayl wax iidan idin ka Somalia qabsanin uma Malaynayo in cid idin qabanaysaa jirto dad ka shar ka wada idin kaa ku filan in aad meel ku xirtaan hadana caalam ku waaba idin garab taagan yahay

Wali ayada oo su,aalo badan hor yaalaan Ahmed Ould Abdallah ayaa wakhtigii dhacay waxuuna cods day in uu qaato waraaqaha su,aalahu ku qoran yihiin waxuuna sheegay
In uu wakhti galin doono

Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon
North America Minnesota
cdalboon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 29, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS