Qaybsanka isbahaysiga Asmara Iyo saamaynta uu ku
yeelan karo shirka Jabuuti
Waraysi uu Prof. Ibrahim Cadow -oo u hadlayay ururka
midowga maxkamaduhu- bixiyay taariikhdu markay ahayd 18/07/2008 ayuu ku
sheegay in khilaafadkii u dhaxeeyay xubnaha sarsare ee maxkamadaha ee ku
saabsanaa heshiiskii Jabuuti la xaliyay. Laakiin, maalintaas maalintii
ku xigtayba waxa muuqatay in aanu heshiiskaasi lugo ku taagnayn.
Koooxdii isbahysiga ee ay xaruuntoodu ahayd Jabuuti waxa ay halkaas ka
fureen shirkoodii golaha dhaxe kaas oo ay ku ansixiyeen heshiiskii
Jabuuti. Sidoo kale qaybtii Isbahaysiga ee ay Asmari xaruunta u ahayd
iyaguna waxa ay halkaas ka fureen shirkoodii golaha dhexe. Tariikhdu
markay ahayd 22/07/2008 ayaana shirkaas lagu go’aamiyay in la casilay
madaxdii isbahaysiga, isla markaana Asmara lagu doortay madax cusub oo
Isbahaysigan hogaamisa. Dhacdooyinkani waxa ay markhaati u yihiin in uu
burburay isbahysigii Asmara. Hadaba waa muhiim In la is waydiiyo maxaa
sababay burburka Isbahysiga Asmara? Sidoo kale, iyana waa in la is
waydiiyaa raadadka uu burburkani ku yeelan karo heshiiska Jabuuti?
Jawaabaha su’aalahaas ayaan hadii Alle yidhaahdo ku eegi doonaa
maqaalkan.
Qaybasanaanta Fikirka wadaada Isbahaysiga
Ururkii maxaakiimta waxa ku midoobay wadaado uu
fikirkooda siyaasiga ahi kala duwanaa. Qolo ka mida qolooyinkii ku
midoobay Maxkamaduhu (Al-shabaab) bilowgiiba waa ay diideen in ay ka
qaybgalaan dhismaha isbahaysiga Asmara iyaga oo diidmadooda sabab uga
dhigay in aanay waxba la wadaagayn dad aan aaminsanayn in xalku uu yahay
diinta Islaamka - ama sida ay u dhigeen dad cilmaamiyiin ah. Wadaadadii
ka qaybgalay dhismaha Isbahaysigan laftigoodu isku si umay wada fakirayn
oo waxa ay kala matalayeen fikiro kala duwan. Fikiradahaasina waxa ay
saamayn ku yeesheen aragtiyaha siyaasiga ah ee culimadaas. Intii ka
horaysay shirkii Jabuuti lama dareemayn inta uu le’gyahay khilaafka
fikirka siyaasiga ah ee wadaada isbahysiga ku jiraa, laakiin wixii ka
danbeeyay shirkaas waxa soo if baxay in uu jiro khilaaf wayn oo fikriya
oo u dhaxeeya wadaada xubnaha ka ahaa isbhaysigan. Arimaha ugu waaweyn
ee ay isku khilaafsan yihiin waxa ugu wayn: qaabka loo saarayo ciidanka
Itoobiyaanka, doorka qaramada midoobay ee xalka dhibaatada Soomaalida,
wadahadalada lala galayo dawlada ku meel gaadhka ah iyo sharciyadeeda,
doorka ay mustaqbalka wadaadadu ku yeelanayaan nidaamka siyaasiga ah ee
Soomaalida. Hadii aad akhrido fatwooyinka iyo mawaaqifta wadaada ku jira
Isbahaysiga Asmarana waxa cad in arimahaas ay wadaadadu aad ugu kala
tagsan yihiin. Shirkii Yamen ujeedada laga laga lahaa waxay ahayd in
arimahaas lagu xaliyo ama ugu yaraan aragtiyaha la isu soo dhaweeyo. Ma
muuqato in arinkaas lagu guulaystay iyo in ay qolana ka tanaasushay
fikirkeedii. Tanina waxa ay ASAAS u tahay qaybsanka ku dhacay
isbahaysigii Asmara.
Dumuuxaadka Siyaasiyiinta Asmara
In badan oo ka mida xubnaha Isbahaysiga Asmari waa
siyaasiyiin leh hami siyaasadeed. Qaar ka mida siyaasiyiintani waxa ay u
arkeen shirkii Jabuuti mid carqalad ku noqon kara hamigooda siyaasadeed.
Tani waxa ay keentay in ay aad u mucaaradaan heshiiskan iyo intii ka
qaybgashay ee ka midka ahayd isbahaysigooda. Qolooyinkan, khilaafadka
Ibahaysiga ee (ka dhashay ka qayb galka iyo go’aamadii) shirkii Jabuuti
waxa ay u noqdeen fursad ay ku gaadhi karaan hamigoodaa siyaasadeed.
Iyaga oo hadaba ka faa’idaysanaya daldaloolada go’aamadii shirkii
Jabuuti ayay sii balaadhiyeen is afgarnwaagii u dhaxeeyay xubnaha
isbahaysiga ee ku saabsanaa shirka Jabuuti kaas oo hadii si degan looga
wada hadli lahaa xal macquul ah laga gaadhi kari lahaa. Sidoo kale
qolooyinkii ka qaybgalay shirka Jabuuti ee isbahysiga ka tirsanaa qaabka
ay u maamuleen ka qaybgalkooda shirkaasi waxa uu isna door ka ciyaaray
khilaafka isbahaysiga.
Danaha Shisheeye
Soomaaliya Soomaali kaliyi kuma hirdamayso. Siraaca
Soomaliya ka jirana waxa ku jira quwado badan oo aan Soomaali ahayn.
Quwadahaas qaarkood dantoodu kuma jirto in ay ay Soomaalidu heshiis iyo
nabad helaan, waxaanay markasta isku dayaan in ay hogaanka Soomaalida ka
fogeeyaan kuwa ay iyagu markaas u arkayaan in aanay dantooda matalayn.
Qawadahan qaarkood midnimada iyo wadashqaynta Isbahaysiga Asmara waxa ay
u arkeen in ay khatar ku noqon karto dantooda khaasatan hadii hashiis ay
ku midaysan yihiin la galaan dawalda ku meelgaadhka ah. Gacan ajnabi ahi
kama maqana khilaafaadkan qaybiyay isbahaysiga Asmara.
Saamaynta Burburka Isbahysiga ee Shirka Jabuuti
Isbahaysigu waxa uu ka kooban yahay qayb dibada
joogta oo siyaasiyiin ah iyo qayb qori sidata oo gudaha ka dagaalamaysa.
Heshiiska Jabuuti mustaqbalkiisu waxa uu ku xidhanaa doonaan mawaaqifta
qolooyinka gudaha ka dagaalamaya. Kala Jabka siyaasiyiinta Asmara ee
dibada joogtaa saamayn wayn kuma yeelan doono heshiiska Jabuuti hadii ay
qolooyinka gudaha ka daagaalamayaa taageeraan heshiiskan isla markaana
uu heshiiskaasi dhaliyo in Xabashidu ay ka baxdo Soomaaliya. Hadiise
qolooyinka guduhu ay diidaan heshiiskan Jabuuti amaba hadii uu
heshiiskani natiijo dhakhsa ah dhalin waayo, taasi waxay ay noqon
doontaa dhamaadkii heshiiskaas waxaana Soomaalida u furmi doona safxad
kale oo aan la saadaalin karin sida ay u eekaan doonto. Wuxuun baase la
hubaa in dagaalku uu sii socon doono iyo in wareerka (tiiha) siyaasadeed
ee Soomaalidu uu sidiisa ahaan doono.
Gabagabo
Midnimada Isbahaysiga iyo in ay isbahaysigu si
waaqiciya ku waajahaan siyaasada Soomaalida ee sabaynaysa waxa ku jirta
danta Soomaalida. Isbahsyigan dad badan ayaa taageeray iyaga oo u
arkayay in uu qayb ka noqon karo xalka mushkilada Soomaalida. Doorkaasna
ma ciyaari karo isbahaysigu hadii aanay hogaamiyayaashoodu aragti dheer
u yeelan waaqica muragsan ee Soomaalida isla markaasna ayna joojin
isjiid jiidka dhexdooda. Shirka Jabuuti waxa uu ahaa shax siyaasadeed oo
la doonayay in ay isbahaysigu is wada jir ah u ciyaaraan. Way ku
fashilmeen taas laakiin waxa ay wali haystaan fursad waase hadii ay ka
faa’idaystaan fursadaas dareemaan culayska iyo masuulyada saaran.
Isbahaysigu waa in ay mushkiladaha daakhilkooda dhakhso u xaliyaan.
Taasi waa rajada in badan oo danaynaysa xalka mushkilada Soomaalida.
Taariikhdu ma ilaawi doonto hogaanka isbahaysiga hadii ay sidaa yeeli
waayaan.
Siciid Cali Axmed
Said.ali.ahmed@gmail.com