TACSI GEERIDA MARXUUN MAXAMED XAAJI CABDI
Waxaa maalinimadii Axadii 27/07/08 ku geeriyoodey Magaalada Neyroobi ee Dalka
Kenya Marxuum Maxamed Xaaji Cabdi . Marxuumka oo horeyna u ahaan jirey Dowladii
Maxamed Siyaad Bare Gudoonka Waxabarasha Somalia, Eebe ha unaxariiste wuxuu ka
mid ahaa dadka yar ee ka badbaaday in ay lug ku yeeshaan fidnadii ummada
somaliyeed kala geysay.
Anagoo ah dadka magacoodu hoos ku qoran yahay ee ka tirsan Jaaliyadda Soomalida
ee U.K.waxaanu tacsi u diraynaa, xaaska, ubadka, walaalada, ehelka, qaraabada,
xigaalka, xididka, asxaabta, iyo dhammaan Shacbiweynaha Soomalida ee uu
marxuunku ka geeriyooday .
Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa xaaska marxuumka iyo caruurtiisa.
Marxuum Maxamed Xaaji Cabdi waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu
janatal firdows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.
Abdullahi Abdulkadir Ali(Faatoxo)
Warfaa Abdi Mohamed(Garwayne)
Abdirashiid Abdi Daahir
Abdihman Abdullahi (Saylici)
Mustaf Mahamud Abdulkadir
Abdirizak warsame Faarah
Waxaa soo tebiyey:
faatoxo@hotmail.com