SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wariye Amiin Yuusuf Khasaaro oo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka u geysteen jirdil xoog leh

"Amar waaye ee Sajuuda ka toogo"

Wariye Amiin Yuusuf Khasaaro oo ka mid ah wariyeyaasha ruug-cadaaga ah ee Soomaaliyeed kana mid ah ma'suuliyiintii Wargeyska Ayaamaha iyo website-ka Somalitalk ayay ciidamo ka tirsan DFKMG ah jir dil ugu geysteen xaafada Taleex ee Degmada Hodan.

Wariyaha ayaa sheegay inuu ku jiray xilliga jirdilka loo geysnayay Maqaayad uu ka qadeynayay oo lagu magacaabo Fatxi kuna taala xaafada Taleex.

Amiin Yuusuf Khasaaro oo ka sheekeeyay dhacdadan ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

"Saacaddu waxay ahayd 2;00 duhurnimo, waxaana xaafaddaas aan soo galay anigoo khabaar moog ah, waayo saacado ka hor ayaa ciidamo ka tirsan booliiska DFKMG ah waxay dhaawac xun u geysteen wiil dhalinyaro ah oo ku jiray goob Internet Caffe ah oo Taleex ku taalla.

Markii aan xaafada soo galayay ma aysan ku sugnayn ciidamo, waxaan si toos ah u abbaaray Makhaayad si aan uga cunteeyo, markii la ii keenay raashinkii oo aan in cabbaar ah cunnadii cunay, ayaa waxaa dhegahayga kusoo dhacay ciidamo DFKMG ka tirsan oo soo socda, markiiba waxaa la damcay in Maqaayadda la isugu laabo albaabbada, waxaase dhacday in ciidamadii ay si halhaleel ah kusoo galeen

Ciidamadu waxay ka koobnaayeen afar askari oo ku hubeysan qoryaha AK47-ka ah iyo mid aan hubeysnay, afartii qorileyda ahayd ayaa maqaayadii gudaheeda waxay ka bilaabeen inay dadkii qadada ku guda jiray la dhacaan qoriyihii ay wateen, waxaan arkayay dhallinyaro dhulka la dhigay lala dhacaya qoriga qaybtiisa dambe; kuwaasoo aad u qaylinayay.

Dhallihyaadu, waxay ku qaylinayeen: "ALLA ha idilin...ALLA ha idilin...ALLA ha idilin" mid ka mid ah ciidamadii ayaa yiri war dil waa Al-Qaacidee, markiiba waxaa i soo abaaray askari uu qoriga amaankiisu u furan yahay, markaas waxaan gacanta ku haystaa xoogaa bariis ah oo aan damcay inaan afka ku rito.

Askarigii oo qaylinaya argagaxna uu ka muuqdo ayaa kuleetiga i qabtay oo xoog iiga soo tuuray kursigii aan ku fadhiyay, markiiba waxaan ku dhacay kuraas meesha tiilay, ilaa aan dhulka ku dhacay wuxuu bilaabey in qoriga wajiga iga saaro, mid ka mid ah askarta ayaa ku yiri sujuudda ka toogo.

Intaan naxay ayaan ka quustay nolol dambe, wuxuu iigu sii waday qoriga baadkiisa, waayo ma aan hadli karin, haddaan hadlo waxaan ka baqay in la iiga daro. aamusnaantii ayaan ku dadaalay wax walba ayaa dusheyda ku dhacayay.

Wiil dhallinyaro ah ayuu xagiisa u dhaqaaqay, markaas ayaan dareemay nafis, iyadoo askarigii uu bilaabay inuu garaaco wiilkii uu dhankiisa iga aaday. dib ayuu iigu soo laabtay mar kale, ayuu ila dhacay qoriga baadkiisa iyo qaybtiisa hore (Liifka qoriga).

Askarigu wuxuu igu amaray inaan istaago oo aan ku biiro dhalinyaro fayl la geliyay, markiiba faylkii ayaan dhankeyga ka qabsaday, waxaana nalagu amaray inaan gacmaha madaxa saarano, kii sacabooleyda ahaa ayaa bilaabay inuu baaritaan nagu sameeyo.

waxaan arkayay dhallinyaro laga qaadanayo wixii ay wateen, anigu jeebka markaas waxba iiguma jirin, waayo intii ay soo socdeen ayaan meel fog ku tuurtay lacag iyo Mobile-kii aan watay. Intaa kaddib ayuu askari ciidamadii ka mid ahaa amar ku bixiyay in naloo wado CID-da, intii aan ku jirnay faylka ayuu mid ka mid ah askarta igu dhuftay qoriga qaybtiisa dambe, inta xanuunsaday ayaan damcay inaan qayliyo, markaasaan is iri iska adkeyso.

Dhalliyarada Faylka ku jirtay ayaa ahaa kuwo ay ku bar-go'day qadadii ay cunayeen, waxaana farahooda ka muuqday raashinkii ay cunayeen, waxaasoo dhan waxba uma arag, waxaase uga walwal badnaa argagaxa iyo xaalada ay ku jiraan, wax isla hadli karana ma jirin.

Ugu dambeyntii, waxaa ii suurogashay in la iga reebo kooxdii dhallinayarada ahayd ee faylka igula jirtay, markii askartu ay baxeen waxaan u dhaqaaqay meeshii aan ku xasasytay Mobilkii iyo Lacagtii, waxaana wajigayga laga dareemayay dhibka la ii geystay; waxaana markiiba iga horyimid TV-ga UNIVERSAL oo aan siiyay warbixin dheer oo ku saabsan dhacdadii igu qabsatay maqaayadda.

Faafin: SomaliTalk.com |  July 29, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS