Shariif Maxamed Siciid “Hogaamiye kooxeedyada Iyagaa u seexdey hoteelo aysan
lahayn
Shariif Maxamed Siciid
Shariif Maxamed Siciid oo ka tirsan Baarlamaanka xorta ah, islamarkaana ah xubin
Golaha dhexe ee IDS, kana soo jeeda Beelaha Banaadiriga, kuna sugnaa wixii
kadambeeyey Laatiin Ameerika, markii Baarlamaanka DFKMG uu u kala jabay, laba
sano ka hor oo aan kula kulmey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka jabuuti,
islamarkaana aan wax ka weydiiyey oo aan wax ka weydiiyey ujeedada safarka uu ku
yimid jabuuti ayaa wuxuu yiri
“waxaan u imid inaan ka qaybgalo kalfadhiga labaad ee Golaha dhexe Is-bahaysiga
Dibu-xoreynta Soomaaliya, ee ka dhacey jabuuti, si aan fikirkeyga iyo taageero
ugu geysto arimaha dibu-heshiinta, maadaama ka beel ahaan aan anagu aaminsaneyn
Qori in wax lagu xaliyo xiliyadii hore iyo xiligaan la joogaba, iyadoo aan
waliba aan ka shaqeyno nabada, waxa hada dhacaya, guud ahaan Soomaalida ayaa u
sabab ah, gaar ahaan Hogaamiye kooxeedayii Soomaaliya, sababtoo ah iyagaa u
seexdey Hoteelo aysan lahayn, sida Hoteel, GHION oo ku yaaley Adis Aba’ba,
Garaan Rijans oo ku yiiley Nayroobi, Sabca sabca oo ku yiiley Sanca, Mariidiyaan
oo ku yiiley Qaahira iyo Tiriboli, dhamaan hoteeladaas ay seexanayeen ka ka soo
aruursanayeen Hub iyo dhaqaalo, xiligaasna lama ogeyn cida lagu xureynayo, mar
aan mid mid u weydiiyeyna nimankaas cida ay ku ureynayaan, wey ii jawaabi
waayeen dhamaantood” ayuu yiri Shariif Maxamed.
Mar uu ka hadlaayey heshiiska jabuuti faa’iidada ku jita ayaa wuxuu yiri
“heshiiskan waxaa ku jira qodobo muhiim ah oo door weyn ka ciyaari kara arimaha
dibu-heshiisiinta Soomaaliya, sida, dibu-heshiisiinta in laga soo bilaabo Tuulo
ilaa iyo Gobol in la gaarsiiyo, kadibna sidii dowlad loo dhisi lahaa loogu
gudbo, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa la
barakiciyey”.
Sidoo kale mar uu ka hadlaayey khilaafka soo kala dhexgaley Is-bahaysiga
Dibu-xoreynta Soomaaliya sida uu u arko ayaa wuxuu ku sheegey “khilaafku sidaa
uma weyna, mabdi’iyan, anagu waxaan leenahay ka bixitaanka Ethobia wadahadal ha
lagu bedelo, iyaguna waxay leeyihiin xoog ha looga saaro, midaas ayaana keentey
kala qaybsanaanta, waxaana socda rajo weyn oo wadahadal ah”.
Mar aan weydiiyey maxaa idiin qabsoomey xiligii aad kala qaybsanteen
Baarlamaanka DFKMG iyo xiligaan la joogo ayaa wuxuu yiri “wax badan ayaa inoo
qabsoomey,waxaan la midowney Maxkamadihii Islaamka, Qurbo joogta Soomaaliyeed,
Ururadda Bulsha iyo anaga oo Baarlamaanka xorta ah, markii aan ku jirney
Baarlamaanka DFKMG,hawlaha nabada oo xiligaas ay naga xayirnaayeen ayaan furney,
islamarkaana aan taabaney qiimaha nabada, intii ay jireen Maxkamadaha Islaamiga,
mar aan u tegey dadkeyga Muqdisho ku noolaa, islamarkaan ay ii sheegeen, iney
heleen nabad lagu kalsoon yahay.
Sidoo kale mar aan weydiiyey rajo intee la eg ayaad ka qabtaa in la soo celiyo
nabadii 6 bilood oo kale ayaa wuxuu ku jawaabey “taasi wey tagtey oo waa la bur
buriyey, hadana waxaan wadnaa midi lahu heshiiyey ee ah, in Tuulooyinka laga soo
bilaabo, Degmo iyo Gobol, islamarkaana shacabka meeshaas degan Xukunka lagu
wareejiyo, ilaa dowlada dhexe oo nidaam Federaal ah laga gaaro.
Maxaad kaga duwan tihiin DFKMG,mar hadii aad sheegtey nidaam federal, waayo
iyaduna waxay sheegtaa inay tahay federal?.
Waxaa uu ku jawaabey “DFKMG waxaa lagu soo dhisey nayroobi, waxaana soo dhistey,
Dowlado dano gaar ah leh, Federaalkuna wuxuu ahaa mid Afka ku eg,marka hoos loo
eego ma ahayn DFKMG, balse waxay ahayd Dowlad Diktatoor oo ay dhisteen Hogaamiye
kooxeedyo, ma jiro wax Dastuurka ku qornaa oo ay fulisey, Is-bahaysigu wuxuu ku
dadaalayaa inuu u smeeyo Tuulo kasta Maamul.
Mar uu ka hadlaayey heshiiska TFG-da iyo ARS-tu ay wada gaareen ma yahay,mid
lagu kalsoonaan karo fulintiisa, waxaa ku jawaabey “heshiiska aan wada gaarney
anaga iyo TFG-da iyo ARS-tu, anagu dhinaceena waanu fulineynaa, sababtoo ah
Dowladu ma ahan mid caalamku uu wada aqoonsan yahay, laakiin waxa keli ah ee la
aqoonsan yahay waa Calanka Soomaaliya, iyaguna waxay isu maleeyaan Dowlad la
aqoonsan yahay, waxaana UN-ka ka codsanayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo
nabad ilaalin loogu soo diro, ayna ku talo galaan inay waqti dheer joogidoonaan,
sababtoo ah 1993-dii shirkii lagu qabtey Adis Ababa, xiligaas waxaa ka Hadley
Dr. Raajis oo ma talayey Ururkii SNU, waxaa uuna yiri UN-ka waxaan
weydiisaneynaa in ciidamo jooga mudo 8-sano ay noo soo diraan, Raajis xiligaas
waa lagu fooriyey, waxaa taagan manta ayaa waxay tahay, mala fulindoonaa
hadalkaas mise waa laga tegidoonaa, hadii Taariikhda dib loo eego 1960-kii ilaa
iyo xiligaan dalku dhaqaalo ma leh, waxaana soo marey dowlado kala duwan, ilaa
iyo xiligaasna waxaan ku jirnaa Tuugsi,inagoo madax banana.
Ugu dambeyn UN-ku sow lama dhihi karo, max miyad ayuu galayaa wadanka, ayaa
wuxuu ku jawaabey “maya, sababtoo ah dalka waxay keenayaan dhaqaalo fara badan,
waxayna na barayaan sida nabada looga shaqeeyo, wadankuna wuu dhismayaa, waxay
keloo na barayaan farsamooyin kala duwan” Ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey
Shariif Maxamed Siciid
Maxmed macallin Cismaan(All-man)Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com