SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Beel-waynta Ismaaciil Saleebaan oo doortay Beel-daaje Cusub



Shir aad u balaaran oo ay Beesha ismaaciil saleeban ay ku yeelatay Tuulada dardaare ee gobolka karkaar ayaa waxay ku Caleemo saareen Beel saaje Cusub oo ay u Caleemo saareen Beeldaaje Cabaas Beel daaje Cali Bin Jacayl oo ay Beeshaasi isku raacday in uu yahay Beel daajaha Beesha Ismaaciil Saleebaan Laga Bilaabo Maanta (July 28, 2008).

Shirkan ay Beeshu yeelatay oo ahaa mid si wayn loosoo agaasimay ayna kasoo qayb galeen dhamaanba Waxgaradka iyo aqoonyahanada Beeshaasi ayaa socday Mudo dhowr iyo Labaatan Casho ah kaasi oo ay Beeshu ka dib isla meel dhigeen iskuna raaceen in uu Noqdo Beel Daaje Cabaas Beel-daaje Cali Nuur [Bin Jacaly]

Beel daaje Cabaas ayaa Markii la caleemo saaray ka dib waxaa khudbad uu jeediyey u sheegay Beeshaasi dooratay in uu ku Maamuli doono kuna dhiqi doono kidaabka quraanka kariimka ah iyo shareecada islaamka ayna wax kula qaybsan doonaan Umada sida uu qabo kitaabka quraanka ah iyo diinta islaamka Mar uu hadal ka jeediyey goobta shirku ka dhacay.



Gebagebadii Caaleema saarkaasi Beel-daajaha Cusub ayaa waxa uu ku soo dhamaaday is afgarad fiican iyada oo dhamaan Guurtidii Madasha Joogtay ku Balamay inay si Toos ah ula shaqaynayaan Beel-daajaha Cusub.




Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 29, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS