SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SIDEE SOOMAALIDU U ARKAAN SAAXIIBKA???

Date: Sun, 27 Jul 2008 17:37:57 +0200

Waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha,soo tebiyayaasha iyo tifatirayaasha meel kasta ood joogtaanba. Akhyaareey waxaan wada ogsoonahay in qof kasta oo binaadam ahi uu leeyahay saaxiib ama saaxiibbo marka laga yimaaddo faamilka. Saaxiibku waa qaali marmarka qaarkood saaxiibku wuu kaaga fiicnaan karaa walaalkaa ama dad badan oo faamilkaba ah,saaxiibka runta ahi waa ka naxdin iyo farxad labadaba kula qaybsada, garabkaagana hiil isu soo taaga ,wax kasta oo dhacana cidla aan kaaga dhaqaaqin. In kastoo soomaalidu erayga saaxiib mar mar aad is oran karto sida bil cakiska ah baa loo isticmaalaa. Qofka soomaaliga ah haddii saaxiibka uu sheegayo la yiraa: Mr.A waxaad ka warantaa haddii saaxiibkaa Mr. B laga dhigo wasiir ama madaxweyne ama hanti badan la siiyo. Mr.B intuu hareeraha eego buu is weydiinayaa ma hebel? waar maya maya ma kaas, ma..... ma ..... ma..... iwm. Ummad baynu nahay jecel mar walba mid aanay aqoon oo hore aynaan u aragi uu xukumo ama wax u ogol, halka kii la yaqaanay aan waxba loo ogolayn.

Boqor carab ahaa baa la weydiiey sababta uu shacabkiisa u cadaadiyo oo dil iyo xarig uu deriska ugala dhigay?? meel fog jawaabta kamuu raadin ee dadkii weydiiyey suaashaas oo ajnabi ahaa aan dhaqanka dadkaas hore u aqoon ayuu ka codsaday inay askarta boqorka sii raacaan hal nin oo dadka waddanka u dhashay ahna ay daqiiqa magaalada meeshay rabaan ka soo wadaan kuna soo casuumaan qasriga boqorka.way sameeyeen sidii, ninkii waxa la geeyey qol ka mid ah qolalka qasriga si uu ugu yara nasto maadaama diif iyo daal wejigiisa ka muuqatay.

Mar labaad ayuu boqorkii ka codsaday nimankii inay nin kale soo casuumaan meesha ay iyagu rabaana ay kasoo kaxeeyaan. Meel fogba may tegine mid qasriga meel aan wax saa ahba ka fogeyn ka dawarsanaya ayay soo kaxeeyeen. Ninkii oohin buu bilaabay, maxaan sameeyey,xaggee laygu wadaa,carruur yaryar baan saaka ka soo jarmaaday oo aan quraacan oon u soo dawarsi aaday, ha lay sii daayo iwm. Markii qasriga la soo geliyey ee uu boqorkii arkay wuu kasii darayba oo ha lay cafiyo iyo oohin iyo filimuu bilaabay isgoo maskaxdiisa ay ka guuxayso in la khaarajin doono.

Boqorkii ninkii wuxuu u sheegay inay farxad weyn isga u tahay inuu maanta boqorkiisii khaarajiye hor taagan yahayisla markaana arintu maanta aanay khaarajis ahayn balse tahay in qani lagaa dhigayo oo caruurtii bilaa quraacda ahayd ee dhibanayd ee aad cidlada kaga timi aad ku noqon doonto adigoo lagu gelbinayo (your future is in your hands).

Waxa loo sheegay inuu helayo wax kasta oo uu maanta ka codsado boqorka,waxase loo raaciyey intaas inuu jiro nin qol kale jooga oo isla qasriga ah (La soco ninkaas qolka kale ku jira iyo dawarsaduhu weli laysma tusin)marka waxaad qabsato tusaale ahaan haddaad qabsato hal ton oo dahab ah ma xuma waa lagu siin karaa laakiin ninka kale ee qolkaa ku jira waa loo laban laabayaa wax kasta ood qabsato. Ninkii xoogay daqiiqada ah buu fekeray, ninka qolka ku jira xataa walaalkiis ahaayaana war uma hayo. Wuxuu dawarsadihii boqorkii ku yiri boqoroow haddaan qabsado hal milyan oo lacag ah kaas kale ma laba milyan buu helayaa?? haa baa boqokii ugu jawaabay. wuxuu yiri ninkaas ma rabo inuu iga xoolo bato ee boqoroow hal il iga rid!!!!!!! Taas oo macneheedu yahay macalinka qolka kale difaaca kaga jiraa labada indhoodba waa laga soo saarayaa ileen wax walba oo dawarsaduhu qabsado labanlaabkeeduu helayaaye.allahu manajaynaa minal xasad.

Dawarsadihii halkaas buu ilna ku waayay,hantina ku waayey,qof kale oon waxba galabsanna uu indhoole uga dhigay.

Nimankii suaasha boqorka weydiiey waxa ka soo hadhay yaab iyo af kala qaad, markiibana boqorkii ayay raali gelin kasiiyeen suaashii ay ula yimaadeen,albaabkayna boobeen.

Markaa akhristoow waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkaygan maadaama saaxiibnimadu ay qaali tahay, diiniyan iyo maadiyanba, xaasidnimaduna ay tahay wax foolxun oo xataa weligaa wax horumar ah aadan samaynayn haddaad isticmaasho,miyaanay fiicneyn inaynu iska ilaalino ku dhaqankeeda hor ilaahay?. Ixtiraamkii iyo sharaftii saaxiibtinimadu lahaydna aan soo celino. Mar walbana aad la jeclaato saaxiibkaa iyo dadka kaleba waxaad adigu naftaada la jeceshahay.

Wabilaahi tawfiiq.

Peace & Love to all my people.

Eng. farhan Fagah-fagah

farhangacaliye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 28, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS